Go,aanada ay xukumada Somaliland ka soo saartay sixir bararka naafeeyay bulshada reer Somaliland maaha qaar u noqon kara xal waara oo lagaga badbaado sixir barar laakiin waa mid la odhan karo waxa ay noqonaysaa dhiig joojin lagu meel gaadho oo dadweynuhuna ku diirsadeen hadii ay hirgaliso, inkasta oo werwer wayni iga hayo sidii ay u hirgalin lahayd.
Waxa muhiim ah in xal waara loo helo dhibaatooyinka sixir bararku umadan ku hayo kaasi oo ku soo bilaabmay 1996 ilaa maanta oo ay ka soo wareegeen 21sano oo ay daawaha saarnayd umadan dalka jamhuuriyada Somaliland wallow ay mudooyinka la soo maray is dhaameen.
waxa garab socday qiima dhaca lacagta Somaliland ku dhacay kala durugsanaanta iyo dabaqadaha nolosha dadkeenii ka samaystay oo noqotay sadex dabaqadood oo maanta laba ka mid ahi baaba,a ku sugan yihiin marka aad eegto heerka ay marayso noloshii dadkeenu, waxaana ay maalin dhow bulshadeenu noqonaysaa laba dabaqadood oo aad u kala fog hadii aan maanta laga hawl galin.
Waxa la ilaaway oo aan la isticmaalin 6 noodh oo ka mid ahaa lacagta Somaliland oo uu saameeyay qiima dhaca lacagta Somaliland ku dhacay lacagtaasi oo kala ahayd 1shiling 5 shiling 10shiling 20shiling 50shiling iyo 100shiling oo gabi ahaanba si toosa suuqa uga baxay, waxaana ay soo daabacday xukumadan talada haysaa laba noodh oo kale oo kala 1000 shiling iyo 5000 shiling oo iyaguna sii riixaya kala duruga iyo suuq ka saarida lacagteenii hore ee salka u ahayd lacagta Somaliland.
Waxa aan doonayaa in aan usoo bandhigo bulshada reer Somaliland iyo xukuumadoodaba qodobo muhiim u noqon lahaa xal waara sixir bararka ina naafeeyay
1-waxa aynu nahay dal lacag leh oo hadana gudihiisa wax lagu kala iibsado lacago qalaad oo aduunka kale leeyahay taasina waata ka saartay in lacagteenii qiimo dhacdo markaa waa in xukumadu soo saartaa in aan wax lagu kala iibsan Karin lacag aan ahayn tan Somaliland, waana in sharci adag laga soo saaraa cidii ku dhaqmi wayda la mariyo oo dadku u siman yahay, marka aad doonayso in aad wax iibsato waa in aad bangiga ka soo sariftaa lacagta qalaad ama goobo loo cayimay sarifka.
2-waa in dawladu u diyaarisaa bangiga dhexe in uu maamulo sarifka dalka sidii uu noqon lahaana laga shaqeeyo oo shuruucdii loo dhamaystiro, waana in uu awood u yeeshaa in uu dhamaan sarifka dalka maamulo sariflaha wax lagu sarifayana ay noqdaan qaar ruqsad sarif haysta una hogaansan shuruucda dalka, waa in uu awood u yeeshaa in uu ogaado lacagta dalka dhex wareegaysa tiradeeda iyo waliba ta dibadaha dalka laga soo diro ee xawaaladaha oo uu leeyahay awoodeedii shaqaale iyo agab labadaba.
3-waa in ganacsatada dalka iyo baananka madaxa banaan ee dalku u hogaansanaadaan kuna xidhnaadaan bangiga dhexe ee dalka jamhuuriyada Somaliland, cidii u hogaansami waydana lagala noqdo ruqsadaha ganacsi ee ay haystaan waa sarifka iyo xakamaynta lacagta qalaade.
4-waa in aanay dawladu iska soo daabacan lacag aan dalku u baahnayn oo aan goleyaasha iyo hay’adaha ku shaqada lehi xaqiijin in loo baahday in lacag iyo waliba xadigeeda loo baahan yahay, dawlada waxa laga doonayaa in qiime go’an ay ku ilaaliso sarifka oo ku fadhiya qiimihii ay lacagteenii hore ee la isticmaali jiray suuqa dib ugu soo noqon lahayd oo ay ugu yarayd hal shiling 1/=.
QALINKII;MAXAMED CABDI JAAMAC