Ilaa markii la dhisay xukumadda Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay todoba sanadood ka hor marna shicibku ma dareemin inay tahay xukumad iyaga ka wakiil ah oo ka warwaraysa baahida iyo nolosha dabaqadaha hoose ee bulshada, kaliya waxay ilaalisa danaha ganacsatada waaweyn iyo dabaqada sare ee hantida leh.Yaala sharcigu ma qabto, ma bixiyaan cashuuraha ku waajibay, haddii ay bixiyaanna waa wax aad uga yar wixii laga doonayay.
Miisaaniyadda dalka waxaa laga rabaa meheradaha yaryar sida; wadhatada, bacadleyaasha, caanalayda IWM iyo gaadiidka dadweynaha sida; noocyada basaska iyo taggaasida oo waddooyinka lagu dhibo. Markii baankii dhexe noqday fadhiid hawl gab ah waxa shaqadiisii la wareegay ama lagu wareejiyay baanan ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Waxay ahayd inuu Baanka Dhexe controll’o hawlaha iyo dhaqdhaqaaqa baananka ganacsiga, waxay ahayd inuu suuqa ku ilaaliyo qiimaha shilinka Somaliland laakiin, baananka gaarka loo leeyahay oo raba inay helaan faa’iidada ugu badan, waxay heleen fursad sida ay doonaan ugu tagri falaan ama ay iyagu jaraan qiimaha isku bedelka shilinka Somaliland iyo lacagaha qalaad iyaga oo aan ka baqayn in dawladdu soo faro geliso. Sidaadaraadeed baananka ganacsiga ee la huwiyay magaca islaamka, xawaaladaha, ganacsatada waaweyn iyo kharashaadka siyaadada ah ee dawladdu sida masuuliyad darrada ah u isticmaasho ayaa ah sababaha runta ah ee abuuray aafada sixir bararka iyo waliba xil gudasho la’aanta iyo musuqmaasuqa madaxda sare oo balaayiin shilin suuqyada sarrifka soo galiya si loogu bedelo doolarka Maraykanka, haseyeeshee wasiirradda wasaaradda maaliyadda oo dhawr jeer la hadashay warbaahinta waxay masuuliyadda sarif bararka dusha ka saartay sarifleyaasha danyarta ah ee gidaarrada fadhida iyadoo isleh qari fashilaadda xukumadda gaar ahaan wasaaradaha Maaliyada, ganacsiga iyo Baanka Dhexe (Al-miskiin qaldaan).
Sidaas oo kale go’aamada madaxtooyadu soo saartay kama duwana kuwii hore ee xukumaddu qiiqa isku qarin jirtay waayo dhibaatada 80% dawladda ayaa ka masuul ah, qiima dhaca shilinkuna wuxuu la kowsaday maamulka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, daawana uma noqon karaan aafada sixir bararka iyo sarif bararka iyo guud ahaan dhaqaale xumida dalka.Hase ahaatee, sidii caadada u ahayd markan xukumaddu waxay dambigeedii iskaga leexisay labada shirkaddood ee Zaad iyo E-dahab.
Runtii waa go’aamo aqoon darro ka muuqato oo aan ku dhisnayn xaqiiqada jirta. Waxaan u malaynayaa in cilmigii dhaqaalaha ee Madaxweynuhu soo bartay in laga guuray ama uu shax guuray oo sidani bas ka tahay sababta oo ah dhaqaalaha Somaliland kama liiteen dhaqaalaha dalalka ugu yaryar uguna khayraadka yar ee gobolka sida; Rwanda ama Jamhuuriyadda Jabuuti oo kobaca dhaqaalahoodu ka horumaray dawladdo waaweyn oo waliba laga helo khayraad aad u badan. Labadan dal waxa kala hoggaamiya madaxweyne Paul Kagame iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo aan midkoodna soo baran cilmiga dhaqaalaha.
Haddaba maxaa u dhexeeya madaxda waddamadan iyo kuwa Somaliland? Kagame iyo Geelle waxay u heellan yihiin(Committed) inay dadkooda u shaqeeyaan si ay noloshooda kor ugu qaadaan laakiin, Madaxweyne Siilaanyo iyo team-kiisu waxay doonayaan inay ka xoogsadaan oo aanay waxba u hambayn shicibka.
Soomaalidu waxay ku maammaahda: “Geessi malafsi bartay iyo doqon milantay dhexdooda ayuu miidaame ka dhasha,” Bal haddaba aynu eegno damiir xumada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo samirka gaamuray ee dadweynaha waxa ka dhalan kara iyo halka ay ku dambeyso.