WAJAALE NEWS

Dagaalka Shirkadaha Iyo Danyarta Sixir Bararka Lagu Abuuray.

Sanadihii igu dambeeyey Isbedelada maamul xumo ee Somaliland ku soo kordhayey ayaa iminka maraya heer Shacabkii Wadanku u kala baxo koox yar oo hanti iyo Power ka hirqatay weli halgan ugu jiray siday u sii korodhsan lahaayeen, Koox kale oo ay u suurtogashay inay nolol maalmeedkooda daboolaan inkastoo aanay cago badan ku taagnay, halka shacabkii ay la daalaa-dhacaynayaan dhibaatooyin baahsan oo aanay haysan adeegyadii nolosha aasaasiga u ah , horumar iyo shaqooyin ay u sii dheertahay Abaaro si isu dhowdhow isaga daba dhacay oo naafeeyey dadkii xoolaha iyo nolosha baadiyaha ku tiirsanaa.

Xaga Ganacsiga waxaa sameysmay dhowr Shirkadood oo hantidii shacabka jeebta ku shubtay, kuwaas oo aan si cadaalad ah u bixinin Canshuurtii ku waajibtay, mana maalgeliyaan mashaariic horumarineed iyo Wax soo saar, waxay iibiyan oo keliyihi waa Adeeg (Service).

Shirkadahan waaweyni waxay ku jiraan dagaal iyaga dhexdooda ah iyo dagaal ay ku hayaan ganacsatada soo koraysa ama maalgashiga Cusub, Tusaale ahaan Somcable, waxay cunaha ku dhegtay oo awood u sheegatay Cable ay la yimaadeen ganacsato reer Sool ah, oo iminka maraya inay khasaaraan oo kacaan, shacabkiina ku abuurtay inay Somalilandnimadoodii shaki gasho.

 

Dagaalka shirkadahan oo aanay jirin sharciyo iyo maamul adag oo xakameeyaa, wuxuu keena sixir barar kadib markay hantidoodii si khaldan u isticmaalo ama guryaha dhigtaan, taasoo keenta inuu yaraado doolarkii suuqa wareegayey, waxa dhibaatada ugu weyn ee sixir barar ku dhacdaa shacabka danyarta ah.

Sixir Bararka hadda Somaliland ka jira waxaa qayb ka ah Dagaalka ka dhexeeya shirkadaha waaweyn sida SOMCABLE IYO EDAHAB OO ISKU DHINAC AH IYO TELESOM OO DHINAC AH, WAXAANA AY RABAAN INAY MEESHA KA SAARAAN ADEEGA ZAADKA OO AH KUWA UGU WEYN EE SHIRKADU BIXISO.

Tusaale ahaan maanta Suuqyada Magaalada Hargeysa oo dhami waa deganaayeen marka laga reebo Suuqa Gobanimo oo uu wakiil ka yahay ninka wakiilka u ah Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo SOMCABLE ee CALI GOBANIMO, taasoo ku tusinaysa in uu jiro abaabul hoose oo  la wada  ogaa kana danbeeyeen ganacsatadaa CABLE-KA ku bahawday iyo Xukuumado xayiraad ugu soo rogto ZAADKA TELESOM OO HADDA AY SUUQA KA HAYSATA EDAHABKA.

Hadaba waxaa isweydiin leh shacabka Somaliland mudo intii leeg bay ku sii jiri karaan dhibaatada ay aabaha ka yihiin kooxda yar ee Hantidii iyo Awoodii dalka isku darsatay?

 

Qore : XAMSE XASAN CABDIRAXMAAN

 

HARGEYSA SOMALILAND

Exit mobile version