|
|||||
WAJAALE NEWS
Britain oo “heshiiska ugu horeeya ee ganacsi” la galeysa Trump.
January 10, 2017 - Written by Wariye:Hargeisa(WJN):-Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson, ayaa muujiyay inay kalsooni ku qabaan in UK ay noqoto dalka ugu horeeya oo heshiis ganacsi oo xor ah la gala maamulka Trump. Hadalkaasi wuxuu jeediyay ka dib kulan uu la yeeshay xubno sare oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka. Intuu socday ololihii Britain ay uga baxday Midowga Yurub, Obama ayaa ku hanjabay in ay dalka safka ugu dambeeya ku jira noqonayaan Britain haddii ay EU ka baxdo. Britain oo heshiiska ugu horeeya la galeysa Trump Gargaarka degdegga ah ee marka uu weerar argagixiso dhaco Obama ayaa xilligaasi digniin siinayay siyaasiyiintii u ololeynaayay in Britain ay ka baxday Midowga Yurub. Gudoomiyaha guddiga xiriirka caalamiga ah ee Sanetka Mareykanka, Bob Corker, wuxuu sheegay in heshiis ganacsi oo ay la galaan Britain uu yahay muhiimadda koobaad ee Trump. Mr Johnson wuxuu sheegay in heshiiskasta oo ay wada saxiixdaan ay ka faa’idayaan Britain iyo Mareykanka. Hargeisa Office Related posts:DAAWO : Khilaafkii U Dhexeeyay Masuuliyiiinta Xisbiga Ucid Oo La Soo Afjaray Iyo Eng Faysal Iyo Ja... “Waxaan Is leeyahay Madaxweynuhu Muu Sababin Guul-darradii Xisbiga Kulmiye, Ee Waxa Sababay Dadkii U... Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Markale Ku Celiyay In Ay Joojiyeen Banaan Baxyo Ay Xisbiyada Mucaaridku D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|