WAJAALE NEWS

Awood Sheegashada Iyo Tacadiga Uu Taliye Cabdilaahi fadal Inan kiisu U Gaystay Muwaadin Reer Somaliland Ah.

Marka hore waxaan si diiran oo sharaf iyo karamo ku dheehantahay u salamaya bulshada somaliland gudo iyo dibadba. Gaar ahan shaqalaha saxafada iyo shabakadaha wararka ee madaxa banan.

Salaan ka bacdi maqaal kaygani waxa uu daranyahay cadalada darada awood sheegasho iyo tacadiga lagu hayo bulshada somaliland halka ay gaadhsiisantahay.

31/12/2016 Waxay ahayd abaaro 10.00pm ee fiidnimo markii guri kuyala xafada jig jiga yar oo ay ku sugnayen dhalinyar inamo kaliya ka kooban oo uu ku jiro mulkiilaha gurigu ku cawaynayen gurigiisa Laguna hadal hayay gar ay isku hayeen mulkiilaha guriga iyo inan dhalinyar ah oo ay gaadhi kala iibsanayen.

Tiiyo aan wax isman dhaafi ahi jirin waxna la isku diidanayn ayaa waxa si sharci daro ah oo xuquuqda muwadin leeyahay baal marsan waxa u soo galay gurigii.

Nin aanan marka aqoon san oo laba askari wata gudihii fadhigana maca kabahoodi laso dhex qaaday oo La ii sheegay inuu ahaa Maxamed C.lahi Fadal Iiman Taliyaha ciidanka policeka somaliland inankiisa.

Waxuna amar ku siiyay inay so kaxeeyan inankii guriga galayay oo xafada kaligii ka joogay. Cid uu guriga kaga tagana la waydiin mana ay sidan wax warqad waaran maxkamadeed oo lagu amrayo in ninka lasoo qabto.

Maxamedna muu ahayn ninka gaadhiga laha ama ay isku hayeen inanka. Waxase la ii sheegay inuu ahaa sxbki ninka gadhiga la isku hayay.

Waxaa madaxayga gali kari wayday sharci darada indha la’aanta intaa leeg ee ay ku kacayan madaxdii wadanka iyo amnigaba u saraysay awlaadoodii.

Waxa uu taliyaha ciidanka somaliland ku hawlana kana wacyi galinayay bulshada wixii amni daro samaynaysa in meel looga soo wada jeesto gacana lagu siiyo policeka.

Waxase nasiib daro ah in inankiisi ugu wayna uu magalada waxyabo amni daro ah ka wado Si sharciga baal marsana Uu dad guryahoodi ugu soo dhacayo.

Hadaba hadii si deg deg ah muwadinka xoriyadiisi loogu soo celin waayo raali galina uu ka bixin waayo taliyaha ciidanka iyo inankiisu  sona cadayn waayan sababta uu maxamed c..lahi ninka xoriyadiisa uga qaaday.

Wixii kayimaada  waxa masuuliyadeeda qaadi doona taliyaha.ciidanka policeka somaliland sareeye Guto Cabdilaahi fadal Iiman. Madama uu inankiisa masuul ka yahay.

 

Qore:- Cabdiraxman Axmed Jama

 

 

Exit mobile version