WAJAALE NEWS

ALLA DOORI SOWKAA DARKA JIIDHAY MAAWEEL

Xukumada somaliland ayaa jawaab ka soosaartay xaalada sixir bararka ee dalka ka taagnayd mudooyinkii u dambeeyey.

Talaabada xukumadu ka qaaday ayaa ah mid u muuqata inay dawladu ka marin habowday sababihii dhabta ahaa ee kalifay inay xaalda sixir bararku faraha ka baxdo oo qiimaha shilinka somaliland uu ku yimaado qiime dhac aad u daran oo gaadhay in 1$ lagu sarifo 8,600sl shilin, arintan ayaa ah mid ay dawladu masuul ka tahay  inuu gaadho heerkaasi sida ku cad qodobka 11aad ee dastuurka.oo u dhigan.

Dawladu waxay masuul ka tahay dejinta dhaqaalaha guud ee dalka oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.

lyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.

hadaba maadaama ay masuuliyada dawladu tahay sidaasi uu dastuurku sheegay majirto cid kale oo loo daba fadhiisanayo  sarifka iyo isku badalka lacagaha iyo meel marinta isticmaalka shilinka somaliland, waxanay dawladu xaq u leedahay inay dhawrto oo ay ilaaliso wixii qiime dhac ku keenaya shilinka somaliland basle talaabada koowaad ee xukumadu ay qaaday markii ay la wareegtay hogaaminta talada dalka waxay ahayd in la soo daabaco noodhka 1000shiling iyo noodhka 5000 kun iyadoo ay hore meesha uga baxeen noodhadhkii 1shilin 5shilin 10shilin 20shilin oo ay haboonayd inay soo dawladu soo nooleyso basle nasiib darada ugu wayn ee dhacday ayaa ahaa noodhadhka cusub ee la soo daabacay inay meesha ka saaraan 50kii shilin iyo 100kii shilin  oo la isticmaalo 500 oo shilin  1000 kun shilin   iyo 5000 oo shilin, hadiiba ay dawladu go,aansatay inay soo daabacdo noodhadhkaa cusub, xukumadu wax xil ah ama waajibaad ah iskamay saarin in  la xakameeyo oo aanay dhicin in mar qudha suuqa lagu sii daayo, oo ahayd talaabadii labaad ee sababta u ahayd inay lacagta somaliland aad u qiima dhacdo.

Arinta kale ee xukumadu ay ku guuldaraystay waxa ka mid ah inay badeecada iyo wax kala iibsiga ku salayso shilin somalilnd iyo  maamulkii sarifka lacagaha oo aan faraha ugu jirin xukumada somaliland.

Aan u soo laabto arinta maanta taagan iyo go,aanka xukumada somaliland ee ahaa  go,aamo ay ka mid yihiin in 1$ lagu sarifo 7000sl shiling iyo arinta adeega zaad iyo e-dahab oo xukumadu go,aamisay inaan wax ka yar 100$ aan lagu diri karin adeega zaad.

Hadaba markii hore miyaanay dawladu masuul ka ahayn ilaalinta shilinka somaliland ma cidaan dawlada ahayn ayaa masuul ka ah shilinka somaliland,

 

Shirkadaha isgaadhsiinta ee bixiya adeega zaad iyo e-dahab ma imikay abuurmeen miyaanay horeba u jirin adeega zaad ilaa xukumadii madaxwayne riyaale oo sarifka lacagtu  ahaa 1$ 6500sl shiling.

dawlada somaliland miyey abuuri kari wayday xeerkii lagu xakamayn lahaa isticmaalka adeegyadan laysugu diro lacagaha.maadaama wax waliba ay leeyihiin xeer iyo nidaam sharci oo loo raaco

ugu dambayn arintan ay xukumadu ka qaaday dajinta sixir bararka maaha mid xa u noqon karta sixir bararka dalka ka jira iyo qiima dhaca shilinka somaliland ee waa culasykale oo soo foodsaaray dadkii danyarta ahaa ee imikana ay u raaceen abaaruhu oo lagaga jaray iska warhayntii iyo istaakulayntii ka dhaxaysay bulshada ee qofba qofka kale ugu dirayey hadba wixii uu ku dhaamo.

sidoo kale waa talaabo abuuri karta inay si gaara u burburiso ganacsiga muwaadiniinta oo noqonaysa mid waxyeelo ku ah  guud ahaan maslaxada qaranka iyo nolosha bulshada

Exit mobile version