Xaafado Ka Tirsan Magaalada Hargaysa Oo Xalay Cabsi Libaax Soo Food Saartay Iyo Dadka Oo Habeenkii Xalay ahaa Guryahooga Miciinsaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaafado Ka Tirsan Magaalada Hargaysa Oo Xalay Cabsi Libaax Soo Food Saartay Iyo Dadka Oo Habeenkii Xalay ahaa Guryahooga Miciinsaday
December 20, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Mar qudha waxa xalay fiidkii suuqyada magaalada Hargeysa soo galay warar sheegaya inuu baxsaday mid kamid ah libaaxyada uu dhaqdo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland hadana ah la taliyaha gaarka ah ee madaxwaynaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade oo ku xaraysan beer ku taala xaafada New Hargeysa,inkaste oo aanu jirin warar rasmi ah oo arrintan uu kasoo saaray Cali Waran-cadde,hadana wararka ayaa sheegaya in libaaxu baxsaday xalay fiidkii,laakin raga ilaaliya ayaa markii danbe ku guuleystay inay soo qabtaan,iyaga oo kusoo celiyay goobta uu ka baxsaday oo ay libaaxyo kale ku jiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya inaanu libaaxu dhaafin beerta balse uu ka baxsaday shabaga uu ku xaraysan yahay kadibna  markiiba la qabtay,laakiin wararka kale waxay sheegayaan inuu beerta dhaafay oo banaanka laga soo qabtay.

Waxaana markii danbe shabagii uu ka baxay loo doonay farsamo yaqaano dib u dhis ku sameeyay halka uu jabsaday si aanu mar danbe uga bixin.

Cali Waran-cadde oo aanu isku daynay inaan la xidhiidhno si aanu arrintan wax uga waydiino ayaanay noo suurto galin .

Wararkan kasoo baxaya libaaxa baxsaday ayaa cabsi badan ku abuurtay dad badan oo Reer Hargeysa ah oo maqlay arrinkan,kuwaas oo markiiba ka carraabay suuqa si ay uga badbaadaan libaaxa la sheegayo inuu soo baxsaday.

COMMENTS
LINKS