WAJAALE NEWS

Wasiir Samsam Dalka kama Shaqaysato Ee Waa ay u Shaqaysaa. Qalinkii Cumar Aadan Ruush.

Dad kastaaba wuxuu ku faana ama dhiirigeliya madaxdooda ka mudan ee u damqanaya, u shaqaynaya, daacada u ah, karti leh, jecel horumarka dadkiisa iyo dalkiisa, masuuliyadiisa ka soo baxa, iwm. Haddii aynu masuulkeenii waxqabadka lahaa aynu dhaleecayno ama wax aan sal iyo raad toona lahayn oo beena aynu ka sheegno ama aynu iska qaban wayno ka waxaas wada ee dano gaar ah ka leh ama ceeb aan jirin dusha u marinaya maxaynu noqonaynaa markaas, ma waxay noqonaysaa markaa inaynu amaano oo dhiirigelino keena aan ka soo bixin masuuliyadiisa ee xoolaha umada cunaya.

Hadaba anigoo daba socda maqaalo taxane ah oo ay baahisay shabakada hadhwanaag news, kaas oo uu warar aan sal iyo raad toona lahayn ka qorayay wasiir samsam cabdi aadan isagoo  oo sheegayay in wasiir samsam ay musuqmaasuq ku kacday, in ayna ka soo bixin masuuliyadeedii loo igmaday iyo wax la halmaala.

Runtii, waa wax lala yaabo in warbaahin umadu ka sugaysay wax xaqiiqo ah ay beentaas cadaanka ah ay umada u soo baahiyaan, run cadaana oo umadu wada ogtahayna ay been u badala is yidhaahdaan, lakiin runta ayaa ka xoog badan beenta. xaqiiqdiina waa la wada ogyahay runta  iyo wasiir samsam waxay tahay. Taasna umada ayaa ka markhaati ah oo cidna waxba kama qarsoona.

Wasiir samsam waa qof karti leh, sida runta ahna wasaarada loo dhiibaba uga soo baxda si fiican kana gudata waajibkeeda, horena intii aanay dawlada u shaqaynayn waxaa ay u shaqaynaysay dadkeeda iyo dalkeedaba iyada oo kolba intii awoodeeda ah mashaariic kala duwan ka hirgelisay dalka. Waxaa la wada ogyahay intan ay joogtay wasiir samsam wasaarada maaliyada halka ay gaadhsiisay iyo sida aanay hadh iyo habeenba u nasan una taakulayso shacabkeeda, hadaay noqoto sidii ay uga qaybqaadatay abaarihii dalka isaga kala danbeeyay, inta umbalance ee ay gaadhsiisay gobolada dalka iyo tuulooyinkooda oo runtii aad loogu baahnaa, taakulada ay siiso dadka danyarta ah, caawimada ay u fidiso dadka dalkan xaqa ku leh hadaay noqoto kuwii u soo halgamay iyo kuwa kaleba, ceelasha biyaha ee ay ka qoday meelo ka mid ah dalka, iwm.

Halkan kuma soo koobi karno waxay qabatay wasiir samsam runtiina waxaan hubaa haddii waxa wasiir jooga oo dhan keligeed xilalkooda loo dhiibi lahaa inay ka soo bixi lahayd waliba sida uga fiican, waxaan taas u leeyahayna maaha wax kale ee waxaan hubaa inay leedahay karti la isku halayn karo iyo sidoo kale hufnaan iyo daacadnimo. Mana gaydo in la aflagaadeeyo oo waliba laga sheego been cadaana, xaqiiqdiina waa qof mudan in la dhiirigelyo laguna hambalyeeyo waxqabadkeeda, waxaanan leeyahay soomaliland waxay u baahan tahay toban samsam oo kale ah mid waaynu haynaayee sagaal kale ayaynu u baahanahay.

Shacbi ahaana haddii aynu ka dhiidhiyi weyno aflagaadada iyo beenta lagu hayo midhadhka ka soo dhex baxay masuuliyiinteena ee shacbiga dantooda wada waxaynu noqonaynaa umad mustaqbalkeedii iyo masiirkeedii aastay oo god madaw ku riday, waxaana haboon in aynu iska qabano dadkaas xumaanta baahinaya ee umadan beenta ka bislaatay beenta u soo gudbinaya, waxaanan leeyahay kuwa waxaas meelahaa ku soo qoraya in ay ka waantoobaan oo aay dadka ka daayaan waxan ay  u soo qorayaan. Sheegaana waxa saxda ah ee xaqiiqada ku salaysan. waxaana la idinka baahan yahay inaad waxa dalka iyo dadka u danta ah aad baahisan.

Guntii iyo gabagabadii haddii ayaynaan xaqiiqada iska indha tirayn wasiir samsam cabdi aadan waa qof ku suntan qarankan markastana la garab taagan hiil iyo hooba dadkeeda iyo dalkeedaba taariikhda ayaana qori doontaa, hadli doonta, xusina doonta. Wasiir samsamna dalka ayaa u baahan ee iyadu uma baahna, kamana shaqaysato ee waa aay u shaqaysaa.

 

Alle Ayaa Mahad Leh

Cumar Aadan Ruush

Hargaysa, Soomaalilaan

omerruush@gmail.com

Exit mobile version