|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Somaliland Oo La Filayo In Safar Ugu Baxo Dalka Carbeed ee Emirateka Carabta Iyo Ujeedada Safarkoogu Daaran Yahay
December 3, 2016 - Written by Editor:Hargeya(Wajaalenews)Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in wafti ka socda xukuumadda Somaliland la filayo inay safar ugu baxaan dalka imaaraadka Carabta. Waxaana sida naloo sheegay waftigan hogaaminaya wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,waxaana lagu wadaa inay dalka ka baxaan maalinka barri ah oo ku beegan 4-bisha December. Ujeedada ugu wayn ee socdaalkooduna waxay daaran tahay sida naloo sheegay arrimo khuseeya ka hadalka heshiiskii ay kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland iyo shirkada Dp World isla markaana lagu maalgalinayo dekeda magaalada Berbera. Dhanka kalena wararka soo if baxaya ayaa waxa iyagu tibaaxayaan in waftigan u baxaya dalka Imaaraadka Carabta uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” Gabagabadiina waftigan ayaa naloo sheegay inay sidoo kalena mari donaan dalka Kuwayd isla markaana madaxda dalka Kuwayd kala soo hadli doonaan arrimo badan oo ay kamid tahay xoojinta xidhiidhka labada dal.
Related posts:Xisbiga WADDANI Oo Hargeysa Ku Yeeshay Kulan Hawleed Lagaga Hadlaayey Ololaha Doorashada Madaxtooyad... Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Guulaha Wasaaradda Duulistu Ka Gaadhay Horumarinta Ammaanka Madaarada Madaxwaynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Dalk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|