Qormooyin Isdultaagaya Sidii Muuse Biixi Mijaha U Hayey Xiligii Madaxwayne Siilaanyo Kursiga Doonayey Iyo Dhacdooyinkii Ku Lamaanaa!! Q 3aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qormooyin Isdultaagaya Sidii Muuse Biixi Mijaha U Hayey Xiligii Madaxwayne Siilaanyo Kursiga Doonayey Iyo Dhacdooyinkii Ku Lamaanaa!! Q 3aad
December 17, 2016 - Written by Editor:

 Sooyaalkii  Mas Iyo Goodeynta Ahaa Ee Muuse  Madaxweyne Siilaanyo Ku Hayay  Xiligii Uu Kulmiye Mucaaridka ahaa.

Maxaa Dhacey Ku Dhawaaqistii Natiijada Doorashada Kadib:-

Waxa Mar kaliya isbadelay jawigii damaashaadka ahaa ee ay kujireen guud ahaanba taagerayaasha Xisbiga Kulmiye Siyaasiyiin iyo Shacbiba oo ay Murashaxiin u ahaayeen Murashaxa jagada Madaxweyne iyo Kuxigeen Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax,iyadoo Kulmiye oo dhan ay lasoo daristey Murugo iyo qardoofaad weyn iyo cadho aan la qiyaasi Karin oo lasoo daristey taageere kasta oo reer Kulmiye ah taas oo uga dambeysay farxadii ay bilaabeen Tobankii Subaxnimo in ay kusoo af go,dey niyad xumo iyo Guuldaro soo waajahdey Xisbigii Kulmiye iyo Murashixiintiisii loo fooladeynayay waxaanay tani kusoo beegmeysaa galinkii dambe ee ku dhawaaqista natiijada Doorashada oo hanjabaado qaawani ka dhaceen Mujaahid Maxamed Kaahin waana xiligii uu ku tiraabay Siilaanyo oo maqlaaya ‘Walaahi hadaan Dhengad kaga soo saari waayo Madaxtooyada isbatoorahan faqashata ahaa’ iyo erayo kale waxaana goolaaftanka iyo qabqableynta siweyn looga dareemay Muuse Biixi Cabdi(Murashaxa Xiligan ee Xisbiga Kulmiye Jagada Madaxweyne) uga sharaxan iyo Maxamed Kaahin inkastoo Siilaanyo ka gaws qabsadey hadalada iyo goolaaftanka ragan odoyaasha ah waxa uu ku baaqey in Kulmiye oo dhami isugu yimaadaan shir deg deg ah caweysinka Gurigiisa ee nawaaxiga shacab Eeriya halkaas oo fiidkii uu ka jeediyay Khudbad uu si adag ugu hal celiyay saraakiishii Snm ee Xisbigiisa katirsanaa iyo Reer Kulmiye isagoo dhinaca Warbaahintana siiyay go,aan uu ku qaadacey natiijadii Doorashada ‘Odoyaalbaa la dhaqdhaqaajiyay’ waa kalmadii uu kusoo koobay Xogwarankii uu siiyay Idaacada Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

siilaanyaa yaabay

Maxaa Kamid ahaa Hadaladii Siilaanyo Ugu Duur Xuley Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin:-

“Ninka aan Todoba iyo Toban Shuruudood ka aqbaley ee aan ka aqbaley wax kasta oo Xisbigu ku guuldareysanayo ka aqbali maayo in rabshad iyo fadqalalo iyo amni daro iyo dhibaato dhacda oo dalka qas iyo qalalaase galisa inaan ka aqbalo aniga ayaa ku sawiran hadii maanta dad ku dhintaan oo shufto la bilaabo ma doonayo in Taariikh xumi iga raacdo waxa la idiinka baahan yahey inaad dib ugu noqotaan muraaqibiintiinii Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo halkaa hubsiimo badan laga galo hadalada ay Dhegaheygu maqlayeena yeeli maayo waxeynu u mareynaa wadadii loo baahnaa in Natiijada doorashada ee Komishanka kasoo baxdey in aan ku qaadacno Waxaan dacwada u gudbinayaa Maxkamada Sare waxaan dalbaneynaa in dib loo tiriyo sanaaduuqdii Codbixinta”Ayuu yidhi Odey Siilaanyo habeenkaa,

cabdiraxmaan iyo xubno kale

waxaanu ku celceliyay “yeeli maayo in daraadey dalka loo burburiyo loo burburiyo nidaamka iyo kala dambeynta iyo Dawladnimada aynu maanta haysano anigaa ku sawiran magaceyga ayay wax waliba ku dhacayaan hadii dhiig daato”.

Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),(Madaxweynaha Somaliland)ee xiligan oo hore usoo ahaa Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa Ururkii SNM iyo Gudoomiyihii xiligaasi ee Xisbiga Kulmiye iyo waliba Murashaxii jagada Madaxweyne ee Doorashada ku guuldareystey islamarkaana, ay aqoon badan isu lahaayeen ficilada qaawan ee Muuse Biixi Cabdi waxa uu habeenkaa ka dhadhansadey goolaftankooda in ay damacsan yihiin in ay dalka rabshado ka dhacaan natiijadana kaga jawaabaan ficilo muran iyo dhiig daadiya maadaama uu kasii qoyanaa raadadkoodii taariikheed  dagaaladii Sokeeye ee dalka hore uga soo dhacey xiligii Xukuumadii Marxuum Cabdiraxmaan-Tuur  iyo Xiligii Xukuumadii Marxuum Cigaal oo ay qeyb weyn ka ahaayeen Muuse Biixi iyo saaxiibadii inkastoo uu habeenkaa Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen(Dhagaweyne),oo uu hore usoo galiyeen Muuse Biixi dagaaladii Sokeeye ka garaabey hadalkii Siilaanyo si qiiro lehna ugu dhawaaqey in aanay aheyn maalintii xabada iyo rabshada balse ay tahey maalintii hadalka lagaga jawaabeyay waxa dhacey isagoo ujeeda in Saaxiibkii Muuse Biixi u mici jawjawsan yahey in Xukunka boob lagu qaato oo Madaxweyne ay iyagu wataan talada dalka u qabsado,halka ragii kale ee Xisbiga katirsanaa qaarkoodna u arkayeen in ay iyagu gaar ahaana Muuse Biixi uu qeyb ka ahaa in ay Xisbiga Kulmiye ka laalanto Doorashada loo filayey in uu ku guuleystey maadaama uu gacmaha kor u taagey galinkii hore taageerayaashana isagu kiciyey.

LASOCO QAYBTA AFRAAD IYO XOGO MUHIIMA OO KU DUUGAN

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS