War Deg-Dega : Jamaal Cali Xuseen Oo Shaaciyay In Uu Ku Biirayo Xisbul Xaakimka Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega : Jamaal Cali Xuseen Oo Shaaciyay In Uu Ku Biirayo Xisbul Xaakimka Kulmiye
December 14, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Musharixii hore ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in uu ku biirayo xisbiga talada dalka haya Kulmiye,waxaanu sidaasi ku sheegay madal qado sharaf ahayd oo manta loogu qabtay magaalada Berbera ee xarunta gobolka saaxil.

Musharaxan hamigiisa siyaasadeed uu daashaday khilaafku ayaa ka soo hadhay laba garab oo uu xisbigii uu ka sharaxnaa ee Ucid u kala jabay iyada oo hadan garabkii uu raacay sii kala dhambalmay. Waxaana xusid mudan in uu hore Jamaal Cali Xuseen xisbigan uu ku biirayo ee Kulmiye uu hore ugu eedeeyay masuulyada burburinta xisbigii uu ka hadahay ee Ucid waxaanay tani tusaale u noqonasaa indha la,aanta siyaasadeed ee Jamaal Cali Xuseen.

COMMENTS
LINKS