Dhabtaan ku Baarbaaraa, Dhaqankaa Laheyd M/weyne Axmed Maxamed Siilaanyo (Isku-Shaandheynta Xukuumada) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhabtaan ku Baarbaaraa, Dhaqankaa Laheyd M/weyne Axmed Maxamed Siilaanyo (Isku-Shaandheynta Xukuumada)
December 4, 2016 - Written by Editor:

Waxaa baryahan danbe aad inoogu batey  isku shaandheyn baa soo socota iyo  isku shaandheyn baa la sameeyey. Hase  yeeshee bulshada reer Soomaaliland waxaan wali la is waydiin waydiimaha  ay ka mid yihiin:

-Maxay soo kordhisay isku shaandheyntii hore?  Magac  ku badal magac kale  dal iyo dad halkeey gaadhsiineysaa? Kuwa aan xilkooda  la taaban ee biri-ma geydada ahi wanaaga lagu raacey mee?   Isku shaandheyntan cusubi maxayse  dalka ugu filan tahay?

AXMED OO GACMAHA TAAGAY

Markaan gabay dan uga baxo 

Ama daaqsho duunyada

Dacar igu hulaaqdiyo

Qalin daar ma waayee

Maantana Hab deeqow

Wax i dubuq yidhaa jira !

Duulka aan u naqayana

Dhedaa saaran lagu dedey

Dabbaalnimana kama aha

Dhega maahsanaantuye

Wixii laga dagaallamay

Wax u dooriyaan jirin.

Anigana dacgudhantii

Gacmahaygu diirmoo

Weli dawliskaygii

Dirribuu ku dhacayaa !

Dalcadduna ma dheeree

Nimaan kaba dareen qabin

Inuu deyn ka maqanyahay

Ayaan doono lagu karin !

Maansadii Dabataxan, Maxamed Xaashi Gaarriye(IHUN)

“Hebel waa nin wanaagsan, waa kaa wasiirnimo kaga soo tuuray”   ayaa ku soo dhacey dhagaha Cabdi Aadan Qays. Waxay ku noqotay amakaag iyo yaab. Madaxuu qabsadey, hareeruhuu eegay, waxaa isku qaban wayday  jeelka ay ku jiraan ee ay u xidhan yihiin inay mucaarid ku yihiin Maxamed Siyaad iyo  raggan siyaasiyiinta waaweyn  ahaa  ee guul u arkaya  in xil laga qabto dawladaa.  Waxay ku sugnaayeen xabsiga, waxaana qololkoogii gaarka ahaa looga soo furay si ay u dhageystaan warka idaacadii  qasab ku dhageyso ee  Raadyow Muqdisho. Waa warkii shanta galabnimo ee dalka iyo dibadda.  Markuu eegay waayo-aragnimada  ay leeyihiin iyo da’da ay joogaan  kooxdan la xidhani  wuxuu Cabdi Qays garansadey inay isaga intaba kaga horeeyaan. Da’ ahaan way ka waaweyn yihiin, waayo aragnimana  ilaa lixdankii ayey xilal qaran soo qabteen, qaarna waabey ka horeeyeen lixdankii.. Waxaa maanka Cabdi Aadan Qays  aad moodaa inay gaalaa bixinayeen erayadii abwaankii  Maxamed Xaashi Gaarriye(IHUN):

                                             “Haddii gu’gii kuu kordhaa

                                               Gabaw mooyee ku tarin

                                                 Garaad iyo waayo arag

                                                  Ogow geed ma gudbaad tahee’’

Markuu dhinac kasta u rogrogay ayey la noqotay Cabdi Qays inuu  arintan ka warceliyo. Waxaanu  Cabdi Qays intuu  si diiran indhaha ugu gubay dhamaantood ku yidhi:  “ Oo haddii arintu tahay in xil laga qabto dawlada  lagu noqonayo nin wanaagsan, maxaynu u xidhan nahay waynu heli karnaayee”. Dhamaantood ayaa soo jeestay, dhagahana ka soo jeediyey warkii oo sii socday. Markuu arkey Cabdi Qays inay dhagaha u soo raariciyeen ayuu ku sii darey. “ Anigu baritoole ayaan bixi karaa, ileyn  ninkan aynu u xidhan  nahay xoolo igamuu qaadin, hantina igamuu dhicin, dalka hagaaji ayaanu isku haynaa ”….. Cabdi Qays wuxuu tiriyey maansadiisi Waan Axadhayaa. Laba maalmood ka dibna xabsigii ayaa laga sii daayey. Waxaanu ku yidhi abwaanku maansadaa:

Waxaan ahay ildheer-garato, aan mala awaalayne
Il muggeed ayuun baan caqliga, uga arooraaye
Hadba eesha ii muuqataan, arrin ku qaybshaaye
Cir aan weli onkodin maalintii, agabka loo qaatay
Maalintii af labadiisa daan, ereygu kaa yeedhay
Annagay isku filan aad tidheed, uunka maqashiisay
Eed amaahda diiddiyo cadkaa, eydu bixinaysay
Eed na tidhi itaalkiinna iyo, xoogga ku adeegta
Eed awaarahiyo meel bannaan, nagu ijbaaraysay
Eed webi agtiisiyo biyaha, udubka noo taagtay
Eed na tidhi abbaaroo dirrida, yaanbo ka aroorsha
Eed na tidhi anfaaciga qotoo, arad ka soo saara
Eed na tidhi sidii Aadamaha, hawsha u adkaysta
Ayaan ogor intaan hoos u idhi, aayar jiifsadaye

Waxaa baryahan danbe aad inoogu batey  isku shaandheyn baa soo socota iyo  isku shaandheyn baa la sameeyey. Hase  yeeshee bulshada reer Soomaaliland waxaan wali la is waydiin waydiimaha  ay ka mid yihiin:

-Maxay soo kordhisay isku shaandheyntii hore?  Magac  ku badal magac kale  dal iyo dad halkeey gaadhsiineysaa? Kuwa aan xilkooda  la taaban ee biri-ma geydada ahi wanaaga lagu raacey mee?   Isku shaandheyntan cusubi maxayse  dalka ugu filan tahay?

Bishii Juun 26, 2010 doorashadii  ka dhacdey dalka Soomaaliland ayaa bulshadu codkooga siiyeen mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Dawlad kooban  inkastoo  uu doorashada ku galey wuxuu soo dhisay dawlad ay ka muuqdaan dad aqoon leh, kartina loo tirin karo.Dhaliilo ayaa muuqdey markiiba, hase yeeshee  ummadu waxay isku  qancisay  in loo gogol badiyo, lana dhaafiyo gu’ga  gaafka (Honeymoon) lagu hawlan yahay. Dhawr  arimood oo dal iyo dadba u muhiim ahaa ayey dayacnaan badani ka muuqatay ilaa iminkana  aan cid u heelani  jirin.  Waxaa arimahaa ka mid ah siyaasada arimaha,fidinta  maamulka dawlada, dabargoynta ama yareynta musuqmaasuqa, dayacnaanta cadaaladeed  iyo nololeed ee dhinaca xabsiyada dalka iyo  xuquuqda  bulshada,  cadaalad darada maxkamadaha , iwm  ( Iyagoo faahfaahsan  insha Allah ayaad ka akhriyi doontaa buugga Dadan)

gafkana bashar baad u tahee

hadaad ka garawdo khalad

Gob bey caadadeeda tahay..  

(Maansadii Gurmad ee Abwaan Gaarriye-IHUN)

Qoraalka si aan u soo koobno bal aan hal gu’ ku dhawaad dib u jaleecno. Isku-shaandheyn dhawr ah ayaa la sameeyey. Tusaale ahaan  tii dhacdey bishii Oktoober dabayaaqadeedii 2015, tii dhacdey horaantii bishii Febraayo, 2016  Wasiirada xilkoodii mudnaa laga bedeley, ee cod baahiyaha dawlada laga fogeeyey  waxaa ka mid ah Cabdullaahi Cukuse oo horey u ahaan jirey Wasiirka Warfaafinta , halka uu Cismaan Saxardiid dalacaad madaxa la taagey. Sidoo kale ayaa bishii Oktoober 2016 la sameeyey isku shaandheyn dadka qaar u arkayeen  inay aheyd soo dhaweyn iyo nabad raadin. Dadka qaarna  aad ayey xilligaa  ula yaabanaayeen,xilliigii xukuumada oo dhamaad ku dhaw  isku shaandheyntaa la sameeyey.  Taasi waaba saleeleee ka daroow dibbi dhal ayaan la fileyn. Bishan Diisamber 3, 2016 ayaa  usku shaandheyn balaadhan la sameeyey .

Inaan dararo maantana         Xilbaa igu dirqiyayee

Inaan deexdo maan rabin       Deelley mudduciyoo

Ciddii ay dacweynleyd          Noo ducee la leeyahay !

                  Abwaan  Gaarriye(IHUN)

Tani waxay qof kasta oo taariikhda Maxamed Siyaad akhrista  xasuusineysaa siduu isku shaandheynta u sameyn jiray iyo xilliyadii uu sameyn jiray.  Xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayuu Maxamed Siyaad sameeyey isku shaandheyn  uu Cumar Carte Qaalib ka dhigay  ra’iisal wasaare. Waa gu’gii 1991kii, bishii Janaayo 7dii, halka uu ka huleelay Xamar  isla bishaa Janaayo 28, 1991kii. Dawladii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa Cumar Carte  waxay  jirtay 21 cisho. Dadkii waxay u arkeen inuu Maxamed Siyaad  ujeedadiisu aheyd burburka dalka ku soo biira oo igala qayb qaata  ama uu leeyahay booba yaa Wadani baylahdii dalka weeyee…

Dad badan oo siyaasada Soomaliland faaleeya ayaa is  lahaa maadaama uu M/weyne Axmed Siilaanyo wax muuqda oo lagu xasuusto  sameynin mudadii shanta sanno aheyd iyo gu’yaasha xaaraanta ah ee loogu darey inuu  inta uga hadhey ku dadaali doono  xakameynta musuqa, iyo  tagitaan joogto ah oo uu maxkamadaha ku sameeyo, kolay arimaha dibada intuu  hagardaameyn karayey  sameeyeeee.. Waxaana sal u ahaa dibu habeyntii iyo kabkii (February 2012) lagu sameeyey xeerkii diidayey in laga qayb galo shirarka Soomaaliya(Ref: JSL/GB/01/10/2003). Waa saca madoow markii la cunay  ee ummadayduna sacabka tumaysay.

Waxyaalaha  la yaabka leh ee isku shaandheynta m/weyne Axmed Siilaanyo laga dhaxley waxaa ka mid ah :

1-  Xilka la yidhaa xil-suge oo  ilaa iminka waxaa xilsuge ah “musharkuna u socdaa”  xil hayayaal hore sida wasiiro hore oo ay ka mid yihiin Cabdilaahi Cismaan (Cabdilaahi Geeljire),Muuse Qaasim Cumar,iwm.

2- Kooxda  la yidhaa Biri-ma geydo:  Waa koox hantida ummada ku maman, xilalka ay hayaan loo madax banaaneeyey, hay’adaha ay heshiisyo la saxeedaan, ama kuwa u dhisan  lacagta ka soo hoyataa kuma dhacdo khasnada dawlada, wasiirka  farogaliya arimahaasina seefta isku-shaandheynta ayaa la kacda sidii ku dhacdey  Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo kale.

3- Xantay ku badiyeenee aan xil u dhiibo:    Waa koox  madbakha iyo guriga madaxtooyada aan ka fogaan, safarada u raaca, shirarka dawlada markay doonaan ka qayb gala.Marka bulshadu  ay ka yaabaan dhaqdhaqaaqa kooxdaa  ayey iswaydiiyaan  xilalka ay hayaan.

M/weyne Axmed Siilaanyo markey hadal-heyntaasi ku soo dhacdo dhagihiisa  ayuu xil u magaacabaa isagoo ka duulaya xeerka  ku salaysan xantay ku badiyeenee aan xil u magacaabo ..

4— iyo kuwo kale oo badan…

Gunaanadka qoraalkan yare ee kooban ee aan ka soo dheegtay intiisa badan buuggga  insha Allah dhawaan soo bixi doona ee  la yidhaa ( Dadan- sooyaalkii nololeed iyo siyaasadeed ee M/weyne Axmed Siilaanyo) ayaan bulshada reer Soomaaliland fariin ugu dirayaa.  Fariintaasi  waxaan ka soo dheegayanayaa  maanso.Shirweynihii 6aad ee SNM, 2dii bishii Abriil 1990kii ayaa abwaan Ibraahin Gadhle (IHUN)  tiriyey maanso uu ugu magacdarey   Dir-Sooc,wuxuu aad ugu xusay in Maandeeq siyaasi iyo dadweyne u roon la raadinayo, hase yeeshee ay iminka ilaa xilligaa ku socoto dar Illaah. Waxaanu  yidhi:

Laba daan dhexdood iyo,     Dalqo bahal qof galayoo,
Dirqi iyo tu fool adag,          Dibadda ugu soo baxay,
Halkii shalayto lagu dilay,    Ma dareemi waayee,

Durba miyaa illoowdeen,      Dunideennii dhacantiyo,
In uu deynkii maqan yahay,

Durba miyaa illoowdeen,      Nimcadii dalku lahaa,’
Kuwuu daajinaayiyo,            Kuwii deyro laga dhigay,

Durba miyaa illoowdeen,        Xeerkii dalka u yiil,
Kuwii uu deldelay iyo,            Kuwuu daaya odhan jiray,

Durba miyaa illoowdeen,         Xoolihii dadweynaha,
Kuwii la yidhi daldalo iyo,      Ninkii shilinka lagu dilay,

Durba miyaa illoowdeen,         Adigoo dibbiray cadho,
Ku-sii digashadiisii,

Dalku wuxuu u baahan yahay bulsho soo jeeda oo aan sacabka uun iska tumin, siyaasiyiin   ololaha  doorashada darteed aan u sameyn falal kamaraduhu qabtaan,  weriyayaan  aqoon xeeldheer u leh aqoonta  warbaahinta  ku salaysan baadhis(investigative journalist).  Haddey Maandeeq maanta  ka hadli laheyd xaaladeed nololeed waxay odhan laheyd: “ Sidaasey  i sugayaan Muuse Biixi iyo Cabdilaahi Cirona”. Xisbiyadu waa isku mid,xumaanta way u adeegaan,xaragada way ka caagan yihiin.Waa dani ku badey,dimuqraadiyada lagu socod barayo.

Xumo xumo ku daahiri,
Yaan doodda laga dhigin,
Doqon iyo nin liitiyo,
Yaan jaahil lagu dayan,
Dab munaafaq uu shiday,
Ayaan daacad lagu gubin,
Dugsi ma leh qabiilkuye,
Yaan dallaayad laga dhigan,
Dabuubtii marxuumkii,
Ku dardaarmay weeyaan,
Ama Deelley nagu tidhi,
Dacar dhiilka lagu shubay,
Malab uga danbaysii,
Denbigana ninkii galay,
Keligii dusha u saar,”                                                                                        

Maansadii Dir-Sooc ee Abwaan Ibraahin  Sheekh Saleebaan  -Ibraahin Gadhle (IHUN)…                             Tixraac:

 

Bahda Mareegta Farshaxan

Fu,aad Sheekh Abuubakar

www.farshaxan.com    ama  www.farshaxan.org

COMMENTS
LINKS