|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Seddex Qof oo Somaali ah oo lagu Dhaawacay weerar toogasho oo ka dhacay Masjid ku yaal Magaalada Zurich.
December 20, 2016 - Written by Wariye:Zurikh (WAJAALENEWS):-Seddex Qof oo Somali ah ayaa lagu dhaawacay Masjid ay dad badani ku tukanayeen oo ku yaala magaalada Zurikh ee dalka Switzerland ka dib markii nin hubaysani uu rasaas ood-da kaga qaaday dadkii halkaa ku suganaa oo ay Somalidu ku jiraan. Gawdhida gar-gaarka deg- deg-ga ah iyo booliska magaalada ayaa soo gaadhay goobta ay rasaastani ka dhacday oo ku dhow jid si weyn loo adeegsado ,iyadoo isla markiiba la bilaabay howl-galo lagu baadi goobayo ruuxa gaystay falkan toogashada ah. “Qof aan la aqoonsan ayaa dhowr rasaas riday ka dib-na ka baxsday dhismaha “ ayuu yiri afhayeenka booliska Marco Bisa ,kaasi oo warbaahinta kula hadlay masjidka agtiisa ,,iyadoo booliska ay isku geedeemaan goobta. https://youtu.be/0mxJKMgb8QY “Toogashadu waxa ay ka dhacday gudaha qol lagu tukado oo ay ku sugnaayeen dhowr qof , waxaana dhaawac halis ahi uu gaadhay laba kamid ah dadkii halkaa ku sugnaa “ ayuu mar kale yidhi Bisa oo tilmaamay in dadka cisbitaalka la geeyay ay da’doodu kal tahay 30, 35 iyo 36 sano.
Hargeisa Office Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Ka Hadlay Qodobo Xasaasiya, Arrinta Wadahadalka Somaliland iyo Somalia iyo Go'aa... Wasiirka Qorshaynta jsl Oo ku sugan Dalka Kenya Iyo Nuxurka Kulamo Uu la Qaatay Haayadaha Somaliland... Masuuliyiin Uu Madaxweyne Biixi Magacabis iyo Xilka-qaadis Ku Sameeyay oo Hargeysa Lagu Casuumay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|