Cashuur Kordhintii Ugu Badnayd Oo La Filayo In Wasaarada Maaliyadu Ku Soo Rogto Ganacsatada Dalka Dibadiisa Wax Kala Soo Dega Bilawga Sanadka 2017. Iyo Saamaynta Ay ku Yeelanayso Bulshada Danyarta ah Ee Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cashuur Kordhintii Ugu Badnayd Oo La Filayo In Wasaarada Maaliyadu Ku Soo Rogto Ganacsatada Dalka Dibadiisa Wax Kala Soo Dega Bilawga Sanadka 2017. Iyo Saamaynta Ay ku Yeelanayso Bulshada Danyarta ah Ee Somaliland!
December 24, 2016 - Written by Editor:

Maxaa Iska Badalay Dufuurihii Dakhli Yaraaneed Ee Sobobay In Maxdaxwayne Siilaanyo Soo Saaro Digrayto Uu Wasaaradaha Dalka kaga Jaray Dakhli Dhan 25%?

HARGAYSA (Wajaalenews) Bulshada S/land waxay ka mid tahay Dadka ugu Saboolsan Dunida iyadoo Saboolnimada marag cad looga dhigayo in S/land tahay Dall aan lahayn wax soosaar sida Beero iyo Warshado ama Qaniimad kale oo kaabayaasha dhaqaaleheedu ku tiirsan tahay waxayna Bulshada S/land ku nooshahay Lacagaha Qurba joogtu u soo diraan dadkooda, Xoolaha oo Abaar baahsani ku dhacday xiligan  iyo Ganacsiga ugu badan ee ay ka Ganacsadaan oo ku xidhan Badeecado kala duwan oo ay Dalalka Dibadiisa kala soo dagaan, waxaana Sanadkan u danbeeyay Bulshada S/land ku dhacday Abaar Baahsan,Sarif Barar iyo Dhoofkii Xoolaha Soomaalida oo Dawlada Sucuudigu ku dhawaaqday in ay joojisay, hadaba Abaarta, Sarif Bararka ama Qiimo dhaca Shilinka S/land iyo Dhoofkii Xoolaha oo joogsaday waxay saamayn balaadhan ku leeyihiin nolosha Bulshada S/land iyo Odoroska Miisaaniyada Sanadka 2017 waxaana iswaydiin mudan Duruuftaha nololeed ee Bulshada S/land ku jirto  halka uu ka yimid Dakhli Korodhka ka muuqda Odoroska Wasaarada Maaliyada Sanadka 2017 ballse aynu dib u milicsano Miisaniyadii Sanadka dhamaanaya ee 2016 iyadoo aanay jirin Xisaab Xidh Sanadeed cadaynaya in Odoroskii Miisaaniyada Sanadka 2016 ee dhamaanaya uu soo xerooday iyo in kale sidoo kale Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada oo waqtiyadii hore kaalin muuqata ka qaadan jiray  gorfaynta Odoroska Miisaaniyad Sanadeedka ayaa ah Xilldhibaan ay Qaraabo dhaw yihiin Madaxwayne Siiraanyo oo mar kasta Difaaca Siyaasada Xukuumada Siiraanyo .

cali dhagoole 2

Hadii aynu dib u jaleecno Miisaaniyadii Sanadkii 2016 waxaa xusid mudan in Maalin ku taariikhaysan 11/04/2016 Madaxwayne Siiraanyo soo saaray Wareegto uu Wasaaradaha Dalka kaga jarayo Kharashaadkii ugu jiray Miisaaniyada 2016 oo dhan 25 % waxaana iswaydiin mudan maxaa iska badalay Duruufihii Dakhli yaraaneed ee sabobay in Madaxwayne Siiraanyo soo saaro wareegto uu Wasaaradaha Dalka kaga jarayo Dakhli dhan 25% ah Boqolkiiba Shan iyo Labaatan ahayd.

ansixintii miisaaniyada ee golaha wasiirada

Ball hadaba aynu dib u milicsano Odoroskii Miisaaniyadii 2016 .

Dakhliga Dawlada Dhexe 1,218,000,000,000   Shilin s/land   Una Dhiganta 20,3000,000  Dollar.

Hayadaha Madaxa Banaan 226,580,189,543                            Una dhiganta 37,763,365  Dollar.

Dakhliga Dawladaha Hoose 189,609,406,597                           Una dhiganta 31,601,568  Dollar .

Deeqaha Caalamiga ah ee Gargaarka 109,861,212,000         Una dhiganta 18,310,202 Dollar .

Dakhliga Maamul Daadajinta 27,630,234, 000                         Una dhiganta 4,605,038   Dollar .

Mar kale bal aynu dull joogsano Odoroska Miisaaniyada 2017 .

Dakhliga Dawlada Dhexe  553,204,022,280     Shilin S/land    Una dhiganta 258,867,337  Dollar.

Dakhliga Hayadaha M/Banaan 303,338,532,125                      Una dhiganta 50,556,422   Dollar  .

Dakhliga Dawladaha Hoose 208,570,347,257                           Una dhiganta 34,761,725    Doolar .

Deeqaha Gargaarka Caalamiga ah      97,268,562,000           Una dhiganta 16,211,427   Dollar .

Dakhliga Maamul Daadajinta 2,175,104,355,662                  Una dhiganta 362,517,393   Dollar .

Akhriste miyayna shaxda kaaga muuqan Faraqa u dhexeeya Dakhliga Dawlada dhexe ee 2016 iyo 2017 oo aad u kala sareeya 55,000,000 Milyan oo Doolar oo cadayn u ah in Wasaarada Maaliyadu ay Cashuurta Badeecadaha kor u qaadayso .

Hadaba  tan iyo markii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo talada dalka loo doortay waxay Wasaarada Maaliyadu ilaa Afar Jeer kordhisay Cashuurtii laga qaadi jiray Badeecadaha faraha badan ee Bulshada S/land dibada kala soo dagto talaabadaa Cashuur Kordhinta oo Culays wayn ku noqon doonta Nolosha Bulshada Saboolka ah ee S/land waxaana maanta la filayaa in Cashuur Kordhintii ugu badnayd Wasaarada Maaliyadu ka bilawdo Kastamada Dalka waxaana xusid mudan in Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha 22/12/2016  duuduubka ku ansixiyeen Odoroska Miisaaniyada Wasaarada Miisaaniyada Sanadka 2017 oo ay ka muuqato Dakhli Korodh dhan 27 %  . Waxayna Aqoonyahanada arimaha Dhaqaalaha ka faalooda ay Xaqiijinayaan in Odoroska Miisaaniyada Sanadka 2017 ee Wasaarada Maaliyadu uu ka duulayo Cashuur Kordhin badan oo Wasaarada Maaliyadu Badeecadaha Dalka soo gala ku soo rogi doonto bilawga Maalmaha fooda inagu soo haya ee Sanadka 2017 .

wakiilada iyo haada

Isku soo wada duuboo waxaa hubaala in Bulshada S/land dhagahooda buux dhaafin doonto qaylada iyo cabashooyinka ka soo burqan doona Ganacsatada ay Cashuur Kordhinta Wasaarada Maaliyadu kula dull kufi doonto Badeecadaha kala duwan ee nolosha Bulshada S/land ku tiirsan tahay talaabadaasina ay Cidhiidhi nololeed oo hor leh iyo culays dhaqaale ku keeni doonto nolosha Dadka saboolka ah ee S/land.

WIXII MACLUUMAADA EE KUSAABSAN ODORASKA MIISAANIYADA 2017 IYO ARAGTIDAADA KUSOO HAGAAJI ;

WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF;

 

COMMENTS
LINKS