WAJAALE NEWS

Wasiir Samsam Waa Hormoodka Wasiirada Iyo Horumarka Dalka, W/q Xamse Jirde.

Wasiir Samsam Abdi Aadan waxa ay ka mid tahay Shaqsiga Kaliya Ee uu qaranka jamhuriyada Somaliland leeyahay, waa wasiir qayb laxaad le ka qaadatay horumarka qarankani gaadhay, waa wasiir muujisay dadaal badan, waa wasiir fifircooni iyo karti la timid, waa wasiir hawlkar ah, waa wasiir shaqadeeda si xilkasnimo leh u gudatay. Wasiir samsam intii ay haysay xilka wasaarada Maaliyada Somaliland waxa ay ku talaabsatay guulo Lama Taab Taana oo aan hore loo gaadhin, waxa ay nidaamka dhaqaale ee dalka ka dhigtay mid hufan, Hogaansan oo horumar Balaadhan Leh .

Wasiir Samsam waxa ay hadh iyo habeen heegan ugu jirtaa inay dadkeeda iyo dalkeeda waxtarto, socod iyo safarna waxay u gashaa sidii dadkeeda ay uga war dooni lahayd hadba xaalada iyo duruufta ay ku jiraan. Bulshadu Tusaale fiican waxa inoogu filan kaalintii laxaadka lahayd ee ay ka gasyatay gurmadkii abaaraha dalka Guud Ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka

 

QALINKII XAMSE JIRDE AXMED

HARGEISA SOMLILAND

 

Exit mobile version