WAJAALE NEWS

MAGACYADA ABAARAHII SOO MARAY SOMALILAND FROM 1914 TO 2016 ( XAARAMA-CUNE TO KULMIYE

Sanadkan  2016 waxa lagu xasuusan doona, loona bixin doona  sanadkii  Kulmiye ee Abaarta & Tahriibta . Wuxuu yidhi abwaan Cali Sugule :

Sanad waliba hoodiyo,

Hawl iyo dhibaatiyo,

wuxuu hadimo leeyahay,

Waa laga helayoo,

hadhow lagu xasuustaa.

Waa sanadkii dhalinyaro Somalilanders oo kor u dhaafaysa  300  ay ku halaagmeen  badyarta  “ Miditeraanyanka  “.     Dhalinyaradaasi  kamay  qaxin   colaad iyo dagaal sokeeye.  Waxa eryay rajo xumo “ hoplesssness , maamul xumo iyo  cadaalad darro. Waxa baro kiciyay  Dawladda Murdiso oo xaraashtay   dhulkii ay ku ciyaari lahaayeen,  maktabadahii ay wax ku akhrisan lahaayeen   iyo Dugsiyadii ay wax ku baran lahaayeen. Waxa tahriibisay dawlad u adeegta dibirka iyo maga-fayaasha dhaqaalaha kuna tumata danyarta iyo dibjirka. Waxaan shacbiga Somaliland xasuusinyaa in  sanadkan 2016  yahay  kii ugu xumaa ee ina soo maraa 100kii sandood ee ugu danbeeyay  . Sanadakan waxa ina soo maray laba abaarood oo kala danbeeyay   Gugii  & dayrtan . Waxa badaha ku nafwaayay  300 oo dhalinyaro ah. Hadaba , taariikhda Sanadahii  ugu adkaa  ee soo mara Somaliland iyo magacyadii loo kala bixiyay  waxay  ahaayeen :

1) Xaarama Cune 1914

2) Hawaara 1923

3) Adhi-Gaba 1934

4)Jiitama 1945

5) Siiga Case 1954

6) Gaadhi-gaadhisaar 1964

7) Daba-dheer  1974

8)Dhibijaale  1984

9)Kulmiye   2016.

 

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

yhoodo@yahoo.com

Exit mobile version