Duco iyo dadaalba la gaadhsii dadka ay ku habsatay ABAARUHU welina aad ayaa looga dayrinayaa xaalkooda.
1-Ma haboon tahay in la diyaargareeyo meelo loo daadgureeyo dadku inta ay dhaqaaqi karayaan ee ay caafimaad qabaan.
2-Waxii xoolo u hadheen haba lagu hayo meelah biyo iyo baad lagu gaadhsiin karo.
3-Dadka xooluhu ka dhmaadeen dhul xeebeedkaas ay ka kaluumaysan karaan ha loo diyaariyo sidii loo dejin lahaa.
4-Roobka ilaahaybaa haya ee ha lagu tashado wax gacanta lagu hayo hadda .
5-Hayadaha UNTA ha la hawlgeliyo. Si ay qaylo dhaan
u diraan.
Wa baaqi calalaa.
1-DOORASHADA IYO DAAYA OLOLAHA,
DADWEYNIYO MADAX U DADAASHEE,
WAA ABAAR DARAN OO DADQALATO AH.
DAADGUREEYAAY, SIDII DABA DHEER.
2-DERIS IYO GAAL LOO DAWERO TAGO,
DOONIMAYNOO INAGAB DARAN,
DUACAALA IYDHI DANI SEETEE,
DAADGUREEYAAY,SIDII DABA DHEER.
3-DAAYIN MAGANTII,DAACUUNIYO CUDURYAY DILAACINE,
DADKU JILICYOO GAAJO IYO DAAL AYAA SOO DILAY,
DAAWASHIYO FAAN HA DULJOOGIN WAY KA DARYSA,
DAADGUREEYAAY,SIDII DABA DHEER.
Ismail Abdillahi Handuleh.