|
|||||
WAJAALE NEWS
Daadgureeyaay Sidii Daba Dheer.
November 16, 2016 - Written by Wariye:Duco iyo dadaalba la gaadhsii dadka ay ku habsatay ABAARUHU welina aad ayaa looga dayrinayaa xaalkooda. 1-Ma haboon tahay in la diyaargareeyo meelo loo daadgureeyo dadku inta ay dhaqaaqi karayaan ee ay caafimaad qabaan. 2-Waxii xoolo u hadheen haba lagu hayo meelah biyo iyo baad lagu gaadhsiin karo. 3-Dadka xooluhu ka dhmaadeen dhul xeebeedkaas ay ka kaluumaysan karaan ha loo diyaariyo sidii loo dejin lahaa. 4-Roobka ilaahaybaa haya ee ha lagu tashado wax gacanta lagu hayo hadda . 5-Hayadaha UNTA ha la hawlgeliyo. Si ay qaylo dhaan u diraan. Wa baaqi calalaa. 1-DOORASHADA IYO DAAYA OLOLAHA, DADWEYNIYO MADAX U DADAASHEE, WAA ABAAR DARAN OO DADQALATO AH. DAADGUREEYAAY, SIDII DABA DHEER. 2-DERIS IYO GAAL LOO DAWERO TAGO, DOONIMAYNOO INAGAB DARAN, DUACAALA IYDHI DANI SEETEE, DAADGUREEYAAY,SIDII DABA DHEER. 3-DAAYIN MAGANTII,DAACUUNIYO CUDURYAY DILAACINE, DADKU JILICYOO GAAJO IYO DAAL AYAA SOO DILAY, DAAWASHIYO FAAN HA DULJOOGIN WAY KA DARYSA, DAADGUREEYAAY,SIDII DABA DHEER. Ismail Abdillahi Handuleh. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|