|
|||||
WAJAALE NEWS
Cige Iyo Caraale:Dhowr Siyaasi Ku Sheega Waxaa U Hadhay In Ay Mijilisyo Isu Soo Qaataan
November 13, 2016 - Written by Wariye:Markaan siyaasi ku sheeg yooyootamaya maqlaba heesta uu abwaanka Axmad aw geedi tiriye ayaan xasuusta. Cige :Garoy garan daa oo garba cas daa adna giirowka gu weynide guuxa hoosiyo gardarada daa Caraale: Beri horena heesta riyaha waad ku heesaysay ee maxaa maantana Jira Cige: Markaan siyaasi ku sheeg yooyootamaya maqlaba heesta uu abwaanka Axmad aw geedi tiriye Caraale: waar dheg haw dhigin dimuqraadiyada aye ka mid tah Cige: Maxaa dimuqraadiyad ah dhalaaxda ayaa la is qaadayaaye Caraale: haa walaahi waad ka yaqyaqsoonaysa waxay qaarkood ku hadlayaan. Cige: waxaa u wanaagsanayd in ay oo qaataan mijilisyo sidii reer Xamarka oo is hor fadiistaan oo mid Caraale: waxaa la yidhi isuma noqdaan labadaa isu tiriya. Cige: xagay isaga noqon caydiibaa ka dhamaatay,waa sidii Baytari jaajkii ka dhamaaday. Caraale: hadaba maxaa shacabka la gudboon Cige: qof waliba waa in uu black list saara oo marka uu ka soo hor baxo yidhaa waar waa kii ee inaga du. Caraale: Somalidu noocaas oo kale geed qudhaanjo leh ayey ku xidhi jireen Cige: oo ma geed qudhaanjo leh ayaa hadhay ragbaa ku qayilay e Caraale: labadoodu waa isku kiis Cige: Wax kale odhan maynee Ilaahay ha soo hadeeyo Mohamed Ali <weerar.2013@yahoo.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|