WAJAALE NEWS

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Oo u Muuqda Inuu Sii kala fogaynayo Xukuumada Iyo Bulshada Deegaanka Uu Matalo!!

Tan iyo intii maamulka xukuumadda uu kaa midka ahaa Md. Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaa sii kordhaayay dareenada gurucan iyo isfahmiwaaga bulshada deegaanada uu masuulkani matalo iyo xukuumada. Taas oo uu isaga aabo u yahay kala fogaynta bulshada iyo xukuumadooda halkii uu ka abuuri jawi is aamin iyo xidhiidh wanaagsan oo dhex mara bulshada iyo maamulka

Haddaba dadweynaha ku nool badhtamaha, bariga iyo koonfurta Hargeysa oo hore wada shaqeyn wanaagsan ula lahaa dowladda taageerana la garab taagnaa ayaa muddooyinkan danbe ay faraha ka sii baxaysay kalsoonidoodu

Kala fogaanta shicibkan iyo nidaamka talada haya ayaa haatan maraaya meeshii ugu hooseysay iyadoo ay gabi ahaanba taageeradii iyo kalsoonidii loo hayay dowlada meeshii ka baxday waxaana taas loo aaneeynayaa Wasiirka kaliya ee xukuumada ku matala deegaanadan Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo nacayb iyo cadaawad badan ka dhex abuuray bulshadan iyo dowlada iyada oo waqtigana lagu jiro waqti xaasaasiya oo ay inasoo gudo galeen doorashooyinkii madaxtooyada taas oo baahi badan loo qabo in la kasbado taageero xoog leh.

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa u muuqda inuu kala fogeeyay dowlada uu ka tirsan yahay iyo deegaanada uu matalo taasoo ay sabab u tahay hogaamin xun iyo aqoon la’aan dhaxalsiisay in ahlu sharafkii beesha iyo aqoonyahankiisii iyo dhalinyaradiisii iyo waxgaradkiisii ay saluugaan hab dhaqankiisa isna seegaan iyada oo ifafaalaha maalmahan soo ifbaxayaa tilmaamayaan in waxgaradkii beesha iyo masuulkani uu khilaaf xoog lihi ka dhex oogan yahay

Mas’uulkan oo aan lasoo koobi karin hagardaamooyinka iyo bahdilaadaha uu reerka Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) u gaystay kuwaas oo dhammaantood sabab u ah  inay dadku aad uga cadhoodaan kana niyad jabaan falaad xumada shaqsiga ah. Waxa aan xusi karnaa oo ugu dambeeyay kadib markii uu wasiir Cabdilahi Maxamed Daahir si toos ah uu faro galin ugu sameeyay guddiyo bulsho iyo ururo waxqabad oo mataabtaan ah qiimo weynna ugu fadhiya bulshada, isaga oo si foolxun u weeraray hogaanka ururadaasi iyo guddiyadaasi aflagaadooyin milgaha ka baxsanna ku ganay.

Waxa kale oo uu in muddo ah isku dayayay  in uu burburiyo guddiyadaas iyo ururadaas ay Somaliland oo dhammi ku majeerato sida ay deegaanadooda wax ugu soo qabteen. guddiyadan oo ay hogaankooda hayaan dad aqoon badan oo ahlul sharaf ah ayaa waxa kamid ah guddiga guud ee Sahan Barwaaqo ee beesha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) Waxa kale oo isna kamid ah meelaha dhaawaca wayni kasoo gaadhay xidhiidhkii wada shaqeyneed iyo taageero ee xukuumada iyo bulshada deegaankani uu ku kala fogeeyay markii uu wasiirku isku dayay inuu si qaawan faraha ula galo guddiga dhismaha waddada cad ee Hargeysa Sallaxley Ina guuxaa oo uu marar badan ku tiraabay in uu badali doono raga madaxda ka ah. Haatanna ku mashquulsan yahay sidii uu qas ugu abuuri lahaa uruka facaweyn caankana ah ee muddada labaatanka sannadood ah kasoo shaqeynayay howlaha horumarineed ee bulshada deegaankaasi ee ay Somaliland oo dhammi ku dhaadato ee Gaaroodi

Khaladaadkan faraha badan iyo qaar kale oo uu wasiirkani ku tallaabsaday waxa ay dhaxalsiiyeen in uu gego cidla ah ka istaago taageeradii shucuubta deegaanka uu kasoo jeedo waana nasiib darro weyn oo aanay wali garan dowlada uu ka tirsan yahay iyo xisbiga Kulmiye ee uu guul darrada dhaxalsiin doono haddii aanay talaabo degdeg ah qaadin waxna ka badalin wada xidhiidhka ay la leeyihiin dadweynaha deegaanadan.

Hagardaamooyinkii ugu dambeeyay ee uu wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir ku tallaabsaday  waxaa ka mid ah  inuu faragalin qaawan kula kacay ururka Gaaroodi ee soo jireenka ah isaga oo isku dayay inuu burburiyo ururkaasi samafalka ah ee u adeega bulshada danyarta ah ee ku nool deegaanadaasi muddo dheerna ka shaqeeynayay adeegyo loo aayay

Waxa kale oo xusid mudan in uu wasiirku meel fog kala geeyay beesha iyo xukuumadda uu kamidka yahay isaga oo sifo bahdilaad iyo xilkasnimadarro ah ku hor istaagay mashaariicda wax qabad ee ay bulshadani iskeed usameysatay iyo iskaashigii kala dhaxeeyay dowladooda isaga oo baal marsan hannaanka masuuliyadeedna si badheedh aha isugu dayay inuu si qeyra sharciya u yidhaahdo waxa aan ridayaa madaxda guddiyadan ay dadweynuhu sameysteen halkii uu ka kasban lahaa dulqaad iyo masuuliyadna ka muujin lahaa

Haddaba ugu dambeyntii dhalinyarada iyo aqoonyahanka beeshani waxa ay cod dheer ugu sheegayaan xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda Kulmiye-ba in uu ninkani meel fog kala geyn doono haddii aanay degdeg hoos ugu eegin waxna uga qaban iyadoo ay marag madoon tahay guuldarrooyinka iyo fashilaadaha siyaasadeed uu hormoodkeeda yahay waxaana kow ka ah ama tusaale noqon kara kan la filaayo inuu dhaco Oct 8, 2016 iyo soo bandhigida ragga miisaanka iyo saameyntaba leh ee bulshadana karaamada ku dhex leh ee uu sababteeda isagu ugu horreeyo

By Muse Haji Ahmed

Exit mobile version