WAJAALE NEWS

Sheeko Xiiso Leh: Ninkii, Gaadhigii iyo Gabadhii! – W/Q: Axmed Cali Diiriye.

Isaga oo ku soo socda meel uu muraad u leeyahay ayaa waxa uu jidka ku arkay inan aad u qurxoon. Marka laga yimaado hab-labiskeeda oo aad u soo jiitay indhihiisa waxa uu aad ula dhacay habka ay u laafyoonayso iyo sida miisaaman ee ay u tallaabsanayso.

“Asc walaal”

“Wcs wrxma”

“Xageed ku socotaa aan ku sii dhaweeyo’e?!”

“May walal halkan dhaw bn ka laabanayaa ee waa caadi!”

“Maya maya. Ma inantaadan shacnigaa iyo quruxdaa leh, uma qalantid in aad lugayso ee soo fuul gaadhiga anaa kugaynaya halka aad doonayso’e”

“Waayahay”

Daaqaddii gaadhiga ayuu ka furay inantii. Shidhka hore ayay soo fadhiisatay. Markiiba waxay bilaabeen in ay gudo galaan is

waraysi koobaan oo ku saabsan qof wal iyo naftiisa. Is barasho ayay isku bedeshay. Waxay isku sheegeen magacyadooda, xaafadaha ay kala galaan, waxyaabaha ay qabtaan iwm.

Inyar ka dib, inantii waxay ka codsatay wiilkii in taleefankiisa ka wacdo qof ay u socotay. Markiiba taleefankiisii smart-phone ka ahaa ayuu Log-ga uga saaray waanu u dhiibay. Waxa kale oo ay ka dalbatay in uu gaadhsiiyo saldhig ka mid ah saldhigyada magaalada ku yaalla halkaas oo ay u sheegtay in ay u socoto.

Markii la soo gaadhay saldhiggii ayay gabadhi gaadhigii ka soo booday iyada oo qaylinaysa “HOOGAYEEY, hala iga qabto ninkan” Askartii ayaa markii ba la soo baxday qoryaha oo gaadhigii istaajisay. Ninkii iyo gabadhiiba waxa la soo galiyay gudaha saldhiga.

“Muxuu ninku kugu sameeyay” taliyihii ayaa waydiiyay.

“Wuxu rabay in uu I xoogo!” ayay ku jawaabtay iyada oo qaylinaysa.

“Wallaahi waa beenteed mana xoogin umana dhawaan ee waan soo dhaweynayay uun!” ayuu ninkii yidhi isaga oo yaab iyo naxdin isku darsaday! Weliba wuxu ku sii daray hadalkiisa “iiga soo qaad mobilka gabadha aan qof garaacdo’e!”

“Moobil’aa?! walaahi baanan ku siinayn! Oo ma bilaash baad jidhkayga u taa-taabanaysay? Miyaanad igu odhan moobilka ayaan ku siinayaa ee qaado” ayay gabadhii isku difaacday iyada oo indhaha caddaynaysa.

Ninkii ayaa dhaar ku waashay “Iga Walle iyo Bille iyo Talle in aanan far saarin e way iska hadlaysaa. Anigu nin muxtaram ah baan ahay oo xaasley ah e maxaa ii gaynaya!”

Xaaladdu wey adkaatay. Askartiina waxay isku dayayaan in ay arrintan xalliyaan inta aan qofna la xidhin. Dhinac kale waxay rabaan in ay sameeyaan sidii ay xeego-na xeego u noqon lahayd ilkana u nabad gali lahaayeen. Ninkii ayuu taliyihii gaar ula baxay, wuxuuna ku yidhi “Ninyahow I dhagayso, xaaladdu in ay sidan ka sii qadhaadhaato baa laga yaabaa waayo waxay u baahanaysa in markhaatiyo aad u yeedhataan. Inta ay markhaatiyadu imanayaanna in la idin xidho ayay noqonaysaa. Haddii lagu xidhana qoyskaaga ayay sheekadu gaadhi, tolkaana wey gaadhi oo waad ceeboobi doontaa. Waxa kuu wanaagsan adiga in aad gabadhan uga tagto moobilka adiga oo sharaftaada ilaashanaya.” Askari kalena waxa uu halkan ka leeyahay “war sharafta ka raac nin culus bad tahayee yaanad ku ceeboobin meesha’e!”

Ninkii talo ayaa ku caddaatay wuuna fikiray. Markiiba wuxu sawirtay caqiibada ka dhalan karta haddii la xidho. Dabadeed waxay arrintii ku soo gabo-gabowday in uu uga tago moobilka. Sidii ayaanu yeelay oo uu gaadhigiisa ugu noqday. Wuxu galay marxalad adag oo ah laba daran mid dooro; wuxu iska qoomameeyay soo qaaditaanka uu gabadh aanu garanayn ka soo qaaday wadada, waxaanu go’aansaday in aanu gabadh danbe meel ka soo qaadin xitaa haddii ay dhibantahay.

Dulucda Sheekada

Dhallinyar badan aya imika waxa ay gawaadhida u iibsadaan si ay ugu gurtaan hablaha. In kasta o ay habluhu sharaf inaga mudayihin oo aanay dhammaantood ahayn, hadana waxa jira qaar ragga kaga qaada moobiladooda ama lacag khasab ah  kaarto-kaartooyin badan oo ay ka mid tahay tan oo kale. Marka ha ka waantoobeen ragga gawaadhida maala yacniga u wataa in ay hablo uun iska gurtaan.

Allaa Mahad Leh

Axmed Cali Diiriye

+252634160642

axmadiya@gmail.com

Exit mobile version