WAJAALE NEWS

Muwaadin Cashuurtu Waa Udub Dhexaad ka Dhismaha Dawladnmo Ee Qaranka S/land.Run Iyo Raad Raac

Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Bulshayahay Cashuuruhu

Waa caymis qaranoo

Midnimadu ka curatoo

Dawladnimo ku caantahay

Ciidan suga amaankoo

Cadaw kaa ilaashoo

Ka hortaga colaadaa

Cuno looga dhigayaa

Caqli nimaan lahayniyo

Bakhaylkaa canaadoo

Cago jiid ku bixiyee

Bixiyay cashuuraha                       Bixiyay cashuuraha                       Bixiyay Cashuuraha

Waa cudud dhaqaaloo

Ciideena mudaniyo

Calankana ka gaadhoo

Dawladnimo ku caantahay

Bahda caafimaadkee

Cabashada bukaankiyo

Cudurada dawaysaa

Calaf looga dhigayaa

Casharada bilaashkiyo

Cilmigaad ku barataa

Caqli nimaan lahayniyo

Bakhaylkaa canaadoo

Cago jiid ku bixiyee

Bixiyay cashuuraha

 

Bixiyay cashuuraha                  Bixiyay cashuuraha

Ugu horayn midhaha Heestani waxay si qoto dheer Bulshada S/land ugu iftiiminaysaa Faa”iidada baaxadleh ee Cashuurtu u leedahay Dhismaha Qaranka S/land iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Wacyi Galinta Cashuur Bixinta ay ka qayb qaataan Halabuurka ,Culimada Dalka , Saxaafada Madaxa Banaan iyo Madaxdhaqmeedku waxaana hubaala in Muwaadiniintu tahay in Danta Qaranku ay tahay Dantaada , Waa Naftaada Ka Qaad Oo Naftaada U Qaad ( Bixi Muwaadin Cashuurta Kugu Waajibtay )

Cashuurto waa Udub dhexaadka Dawlada iyo dhismaha Qaranka waana Mishiinka wareejiya Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada S/land waana waajib Qaran oo saaran in uu qof kasta oo ay ku waajibtay uu bixiyo Cashuuraha kala duwan ee dalka S/land , mar kale Cashuurtu waa Astaanta midnimada ee midaysa Dabaqadaha kala duwan ee Bulshada  sida Maalqabeenada ,Danyarta iyo Dadka  Dabaqada dhexe ee nolosha ku nool oo qof kasta Cashuurta ku waajibtay laga qaado  mar kale Cashuurtu waa Dakhli aanay ka maarmi Karin Wadamada Dunida ugu Cududa wayn uguna dhaqaalaha badan sida Wadamada Maraykanka iyo Ruushka oo kale .

Inkasta oo marxalado kala duwan ay soo mareen Nidaamka Cashuur  Ururinta ee Dalka S/land waxaan ku tilmaami karnaa Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo  marxaladii ugu wanaagsanayd ee ay  soo martay Nidaamka Cashuur Ururintu waxaana Wasaarada Maaliyada iskaga danbeeyay Wasiiro horo mar baaxad wayn ka sameeyay  Nidaamka Cashuur Ururinta iyagoo Sadexda Wasiir  kaashanaya Agaasimayaal Aqoon iyo Khibrad dheer u leh Nidaamka Cashuur Ururinta ay ka midho dhaliyeen Aragtidii Wasiiradii Wasaarada Maaliyada soo maray ee ku guulaystay  Tayaynta iyo  kor u qaadida Nidaamka Cashuur Ururinta ama Nidaamka Dakhli Ururinta ee Dalka S/land .

Waxaana hubaala in mudo xileedka Madaxwayne Siiraanyo  Bulshada S/land ka marag kacayso korodhka baaxada leh ee Sannadba Sannadka ka danbaysa  sii kordhaysa oo ka muuqanayso Cahuurtii ay ka muuqanayso  Miisaaniyada guud ee Qaranka  S/land waana mid farxad galisa Bulshada S/land  iyadoo Miisaaniyada Sannadlaha ah ee Dalka S/land ay ka marag kacayso  Cududa Dhaqaale  ee Qaranka S/land

Ugu danbayn waxaan ALLE uga baryayaa  inuu Janno Fardawsa Ka Waraabiyo Masuuliyiintii Geeriyootay ee Bud dhigtay Nidaamka Cashuur Ururinta ama Dakhli soo xeraynta Wasaarada  Maaliyada oo marxalado kala duwan soo maray  anigoo dhamaan Bulshada S/land ku Guubaabinayaa in ay Fahmaan Faa”iidada baaxada leh ee Cashuurtu u leedahay Dhismaha Dawladnimo iyo Dhismaha Qaranka S/land

Qalinkii Iyo Erayadii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Tell  0634669910

Exit mobile version