|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Olalaha Clinton Oo Ku Eedeeyay In Rusia Ay Kadanbeysay Emails Kii Lajabsaday.
October 13, 2016 - Written by Wariye:Hargeisa(WJN): Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton ee dalka maraykanka , John Podesta ,ayaa sheegay in FBI da maraykanku ay baadhitaan xoogan kusamaynayso Emails kii laga jabsaday Xisbiga ee lagu soo daabacay Wikileaks sida ay qortay idaacada BBC-da qaybteeda Ingiriisiga. Baadhitaankan oo larabo ayuu yidhi in lagu ogaado in Rusia ay kadanbeysay iyo in kale Emails kan la iga jabsaday Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton oo saarnaa diyaarad ayaa waxa uu u sheegay wariyayaasha in FBI da maraykanku ay kusamynayaan baadhitaan xoogan Computers ka Xisbiga Dimoqraadiga. Waxa uu intaas ku daray inay Rusia kadanbaysay ,waxa uuna sheegay in laga yaabo in uu soo maleegay shirqoolkan oo uu gacan kasiiyay mucaaradka Clinton , Donal Tramp. Wajaalenews.net Related posts:HALKAN KA DAAWO Odayaal Cuqaal iyo Waxgaradka Ka Hadlay Muranka Baarlamaanka Somaliland Gudoomiyaha ... Maamulka Jaamacada Golis Oo Waxbarashadii Ka Joojiyay Qaybo Kamida Jaamacada Iyo Ardayda Oo Lafilay... DAAWO : “Haddii Wasiiradu Joojin-Waayaan Ololaha Ay Ugu Jiraan Muuse Biixi, Waxaanu Madaxweynaha Ku ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|