Gurrac: Sheeko Isku Rogtay Tix Maanso Ah Oo Uu Curiyay Xamse Cabdiraxmaan Khayre | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gurrac: Sheeko Isku Rogtay Tix Maanso Ah Oo Uu Curiyay Xamse Cabdiraxmaan Khayre
October 1, 2016 - Written by Editor:

Waxaan Taagan nahay halka goolada ah labadda wadda ee sayladda iyo ta garoonka caalamiga diyaaradaha ee Cigaal ku kala baydhaan, waana isla halka  dayrka Dugsiga  Sare Maxamuud Axmed Cali dayrkiisu ka bilaabmo,. Baabuurta taagan ee taraafikadu kala horayso ka sakow,waxaa jira dad iyaguna meesha ku buuqsan. Dadku waxay ku soo xoomeen oo ay ku urursan yihiin 19 nuqul oo ka mid ah buug dhawaan soo baxay oo la yidhaa “Gurrac” oo qoray Mudane Khadar Cabdi Cabdilaahi.  Ardayda, Macalimiinta iyo dadwaynaha urursan waxaa  weheliya dhir meesha buugta lagu gubayo ku taal oo iyadu wada hadlaysa oo ka xun buuga la gubayo.  Iyadoo anigu si gaar ah aan u xiisaynayo ayuu sheekadda dhirta  ayu  geed Galool ah oo saarnaa gaadhi xamuul Dhige-dheere ahaa taraafigu hakiyay. Haa  geed Galool ah baa gaadhi saarnaa!  laakiin isagoo dhuxul laga soo dhigay oo jawaano ku jira weeyi.

Galoolkaa dhuxusha ahi wuxuu ku biiray dooddii dhirta iyadu meesha ku taalay oo garan-waaa ka mid yahay. Wuxuu leeyahay baha-dhireedeey, oo waliba garan-waa iyo gundhocooy ma iyadoo agtiina ay taalo dhuxul oo anigaygan la igu sii wada suuqa dhuxusha si mar labaad la ii shito  ayaad buug la gubay  u  garowdeen. Way idiin gaadhay buu ku leeyahay. Wuxuu ku sii darayaa in xaashiyaha iyo jaldhiga buuga laftiisu markii hore laga sameeyay geedka gobka la yidhaa iyo dhir kale.

Galoolkaasi isaga oo aan dhamayn garnaqsigiisii, garan-waa, gucundho, miraa-miri, baxarasaaf iyo xayaabna aanay jawaab soo celin balse yaaban yihiin ayuu askari taraafikada ahi ku qayliyay dirawalkii gaadhiga galoolku saarnaa. Xawaare aad ah ayaanu ku dhaqaaqay inkasta oo Galool hadalkiisii sii watay wuu fogaaday. Waxa keliya een maqlayayna wuxuun buu ahaa guux aanan garan Karin !. Intaa wixii ka dambeeyay, waxa ka warami cid dhuxusha gaadhiga la saarnayd. Adiga ahaayaana mooyi?

Dhinaca kale buugga maan akhriyin. Maansadan Gurracna waxay ku salaysan tahay sheeko kale oo gurrac ah oo dhacdada buuga la baxay Gurrac ee la gubayay ka barbar dhacday (dhab uma dhicin balse waa khiyaal) balse aan indhaheenu ka gadaaman yihiin. Iyaddoo Gurrac ah oo deegaankii xaalufisay bay Gurrac gubaysaa……….. Waa wadda gurrac.

FG: Abwaan ma ahi. Waxaan filayaa inay I godlisay (Haddiiba godol jiro) dhacdada ugubka ah ee buuga lagu gubay magaalada Hargeysa ee sida wayn loo qoray iyo malaha buugaa magaciisa ayuun baan warbaahinta kala duwan iyo asxaab ka hadlaysa oo ka doodaysa la kulmay. Dabadeena Gidaarkayga Foolgaradka (Facebook) ayaan ku qoray 14 tuduc ee hore. Guuleed Axmed Cumar – GuleidAyanle ayaa igu dhiirigeliyay inaan ka dhigo maanso dhamaystiran. Wuxu yidhi waad karaysaa, waan isku dayay isna wuu ila tiir-tiiriyay madaama uu yahay macalin afka soomaaliga igaga fiican..

Wuxuu Yidhi:

Garan-waa hadlaa yidhi

Gudin aan ku jiro baa

Anigaba i goysoo

Dadku igu garaacaan

Gurrac toos ah baa jira

Guray midiga baa jira

Guur furid ah baa jira

Gefaf caadiyaa jira

Geesi fulaya baa jira

Gabadho wiilalaa jira

Dar guraan-guraa jira

Gadh bidaar ah baa jira

Gubitaanku waa maxay?

Goormaad jabteenoo

Ka go’deen aqoontii?

 

Galool baa ku soo baxay

Markaa gaadhi saarnaa

Doodiina soo gaadh

Waxse aanu wali garan

Sheekadan gurracaniyo

Buugga loo goleeyee

Laga wada garaabee

Dhamidood bah geedii

Ka gar-naqayso idilkeed

Gadaashoodna ay taal

Dhuxushii la soo gubay

Guluf buu ku qaadoo

Garan-waa dabaalsii

Su’aal gaamurtoo culus

Wuxu yidhi garaad li’id

Adi miyay ku goostaan?

Gudinteed is aragteen?

Gunta wali ma lagu jaray?

Moofo intay ku galiyeen?

Suuq may ku geeyeen?

Gini may ku siisteen?

Girgire may ku saareen?

Anaa gaaridoodiyo

Geesiba igu faanoo

Gasiinkaan u kariyaa

Gaajadaan ka bi’iyaa

Iimana garaabaan

 

Galabtana warkiinani

Ka gun dheer intaasiye

Garashaad se hadasheen

Buugani halkuu galo

Aan idiin gardaadshee

Gunta weedhahaygaa

Isaguba guyaal hore

Gob la soo gumeeyoo

Ged kaleeto loo dhigay

Gidigiisu weeyaan.

 

Gumareey nasiibkaa

Haddii guban ilaa hawd

Geyigii bilnaan jiray

Garan-waa u mudanyoo

Dhirta inan gumeedkiyo

Gaagaab wax muda iyo

keli noole gocoriyo

Gucundho iyo xayaabiyo

In kaloo guraanguri

Gondahaaga joogaan

Isagoo gunteediyo

Wali gaadhin sheekada

Halka ay ku gobo tidhi

Ayuu Geelihii waday

Dhuftay gaadhigiiyoo

La galbaday warkiisii

Guux buu se sii waday.

Hadalkiina muu gu’in

 

QALINKII XAMSE CABDIRAXMAAN KHAYRE

 

COMMENTS
LINKS