|
|||||
WAJAALE NEWS
Cabsida Carruurtu Usha Ka Qabaan.
October 9, 2016 - Written by Wariye:Sahra yar waxay ahayd gabadh yar oo lix sano jir ah, waxay dhiganaysay dugsiga hoose gaar ahaa fasalka koobaad ama uulada, inta badan macalimiinta dugsiga waxay ku wacygi geliyaan ardayda , in ay nadaafada ku dedaalaan, haday noqoto dharka ay xidhanayaan , haday noqoto dhinaca cidiyaaha iyo cadayga ilkahaba , Intabadana waxa dhacda in sabti kasta marka safka lagu jiro cidiyahooda aad loo hubiyo inay ku bexeen iyo in kale , Haddaba sahra yar iyadoo ka war qabta qofka cidiyo lagu arko ganaaxa iyo ciqaabta uu la kulmayo , way ka taxadiri jirtay, , hooyadeedna waxay u sheegi jirtay inay jimce kasta ka gurto , nasiib daro hooyadeed waxay ilowday maalin jimce ah , sahrana cidiyihii baa ku baxay ,waxaanay is aragtay iyadoo joogta iskuulka , ardaydiina la hubinayo cidiyahoodii iyo nadaafadoodii , in kastoo kuwii cidiyaha lahaa ul ama dhenged lala dhacayey, sahra yar aad iyo aad bay u naxday waxaanay ka cabsatay usha lala dhacayo ardaydii dhegeeda ahaa, Aad fikirtay , waxay go’aansatay in ay ilkaheeda iskaga gurto cidiyaha si ay uga bad-baado usha xanuunkeeda , waanay iska wada gurtay dhamaan cidiyihii, Markii la soo gaadhay halkii ay ka taagneyd safka ee la eegay cidiyaheed waxba waa laga waayey , waana la dhaafay ileen ilkaha ayey iskaga wada gurtee, Gurigoodii markay timid ayey hooyadeed uga sheekaysay sidii ay u xalisay ugana bad baaday ushuu xanuunka kululayd ee ardayda cidiyhaa dhaadheer lala dhacayey WQ: Kamaal Xassan Isaaq Tell: 00252-63-4402758 kamalcadow@hotmail.com Hargeysa Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|