|
|||||
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Qado Sharaf Ah U Sameeyey Xulka Ciyaar-yahanada Kubadda Cagta, Kolayga iyo Orodada ee Gobolka Gabiley
October 29, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(W,N) Afhayeenka Madaxweynaha JSL Mudane Xuseen Adan Cige (Deyr) ayaa maanta qado-sharaf u sameeyey Xulka Ciyaar-yahanada Kubadda Cagta, Kolayga iyo Orodada ee Gobolka Gabiley. Xafladaas oo ka dhacday Hotel Summer Time waxa Ciyaar-yahanada kala qayb galay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Gabiley, sida Badhasaabka, Maayarka, Xildhibaanada, Isu-duwaha Ciyaaraha iyo Marti Sharaf kale. Afhayeenku wuxuu Ciyaar-yahanada kala hadlay muhimadda iyo qiimaha ay Ciyaaruhu u leeyihiin kalsoonida, is-dhexgalka iyo is-fahanka bulshadeena. Waxa kale oo uu Afhayeenku u sheegay Ciyaar-yahanada in ay Ciyaaruhu yihiin habka ugu muhiimsan ee lagula dagaalami karo Qabyaaladda, Balwadaha iyo Tahriibtaba. Ugu dambayntii Afhayeenku wuxuu Ciyaar-yahanada Gobolka Gabiley kula dardaarmay inay muujiyaan akhlaaq wanaag, ciyaar wanaag iyo bisayl ay ku soo bandhigayaan xirfaddooda ciyaareed.
Related posts:Wararkii Uu Danbeeyay Ee Weerar Dalka Iiraan Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Maraykanka Iyo Tirada Askar... Xog Fashilisay Been Abuurka Laga Sameeyay Wasiirka Ganacsiga Iyo Wariye Maazim Inay Ka Danbeeyeen Ma... Ciidanka Dab-demiska Somaliland Oo Heegan Buuxa ka Galay Roobab Dabaylo Wata Oo Maalmihii U Dambeeya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|