Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Waxuu Ahaa Waano Iyo
Wacdi Ku Socota Warbaahinta Mana Aha In Si Qaldan Loo Turjumo
Subcintayda maansadu
Waano weeyi soocoo
Wariyahay ku socotaa
Saxaafada dhamaanteed
Salaanbaan u dirayaa
Ma ogtahay siciidow
Saxaafadi in ay tahay
Saldhigii aqoontoo
Tabintuna sir leedahay
Erayadii Abwaan Sacad X Gadhle Maansadii { Saldhigii Aqoonta}
maansada oo dhamays tiran xaga hoose ka akhri
Si Xun U Sheeg Sixir Ka Darane Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud
Xaashi Waxuu Ahaa Wacdi Iyo Waano Saxaafada Ku Baraarujinayo .
Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle ayaa sheegay in si xun loo turjumay
hadal uu Wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi ka jeediyay Xaflad soo
dhawayn ah oo loo qabtay Waftigii Wasiirada ee Magaalada Dubay u tagay
heshiiskii Maalgalinta Dakada Barbera isagoo madasha Xaflada Wasiirka
Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ka jeediyay weedho Wacdi iyo Waano
xambaarsan oo saxaafada ku baraarujinayo isagoo Wasiirku sheegay in
bahda warbaahinta looga baahan yahay in ay garab joogsadaan Horomarka
iyo Talaabooyinka ay Qaranka Faa”iidu ugu jirto sida Maalgashiga
Dakada Barbera Saxaafadu Taageerto iyadoo warbaahintu masuuliyiinta
dawlada timaan iyo toosin danta guud iyo xaqiiqda ku qotonta la
garab joogsanayso waxaanu Abwaanku sheegay in warbaahintu ka
waantoobaan Xaqiraada iyo Xajiimaynta Masuuliyiinta dawlada .
Sidoo kale Abwaan Sacad X. Maxamuud Gadhle waxuu sheegay in Maansada
Saldhigii Aqoonta uu curiyay Sanadkii 2013 sida magaceeda ka muuqata
uu Saxaafada ku tilmaamay (Saldhigii aqoonta) waxaanu sheegay Abwaanku
in maansadani xambaarsantahay waano iyo tilmaamo si qotodheer u
iftiiminaysa waajibaadka (Wariyaha ama suxufiga) sidoo kale waxuu
sheegay Abwaanku in uu arko in murtida maansadani xambaarsantahay
duruus ama casharo looga baahanyahay in uu suxufigu barto hadii aan
faah_faahiyo waxay baydadka hore aan ku xusayaa sil_siladii caanka
ahayd ee (Siinlay) silsiladaas oo curatay sanadkii dhalashadayda
saamayn balaadhana ku yeelatay guud ahaan bulshada afka soomaaliga ku
hadasha meel kasta oo ay joogaan mar labaad midhaha maansadani waxay
daaha ka qaadayaan asluubta iyo anshaxa wanaagsan ee looga baahan
yahay (Wariyaha ama suxufiga) mar Sadexaad waxuu sheegay Abwaanku in
maansadani si mug leh oo miisaaman u iftiiminayso Sagaashan qodob oo
wariyaha ay lagama maarmaan tahay in uu ku dhaqmo waxaanu sheegay
Abwaanku in uu aaminsanahay in Sagaashanka qodob ay saldhig u noqon
doonaan xeerka saxaafada ugu dambayn waxuu sheegay Abwaanku in uu u
arko in ay maansadani wax badan ka tari doono wacyiga wakhtigan ay
ku sugantahay saxaafadu Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Maansadii
Saldhigii Aqoonta waxuuna ku bilaabay sidan.
Gaariyow suugaantii
Todobaatan iyo sadexdii
Abwaankii sameeyee
Weedhaheeda soo simay
Maan galin safkoodii
Sabi baan ahaayoo
Sanqadhii baxaysiyo
Waayaha lamaan socon
Saakana xus wayniyo
Sanad guuro wacanbaan
Uga dhigay silsiladaas
Subcintayda maansadu
Waano weeyi soocoo
Wariyahay ku socotaa
Saxaafada dhamaanteed
Salaanbaan u dirayaa
Marka xiga siciidow
Cadaaladu siday tahay
Lama kala sareeyee
Suuradiisa aadmiga
Sadarada aqoontaa
Lagu kala suntaayoo
Lagu kala sifeeyaa
Ma ogtahay siciidow
Saxaafadi in ay tahay
Saldhigii aqoontoo
Tabintuna sir leeyahay
Ma ogtahay siciidow
Suxufigii hanoonsani
Sooma jeeste weeyoo
Socodkana ma daaloo
Sahanbuu galaayuu
Warar sugan ku keenaa
Saadaasha gaarka ah
Suuraynta faalada
Sobabaynta kama tago
Ma ogtahay siciidow
Suxufigii hanoonsani
Sabaduu ku noolyahay
Saamayn ku leeyahay
Bulsho waynta sixi karo
Cadaaladiyo sinaantiyo
Samahana ka talin karo
Nabadana ku sugi karo
Ma ogtahay siciidoow
Runtu in ay sad wayn tahay
Saxansaxo udgoon tahay
Warka subag u yeeshoo
Sixin iyo baruur tahay
Suuq_gayna noqotoo
Sumcadeedu badantahay
Beentuna siniintoo
Siifadeedu kulushahay
Ma ogtahay siciid¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬ow
In sagaashan qodoboo
Warbaahinta u seesoo
Salka loo goglaa jiro
Saajinkii qoraalkow
Yuu kula sabaynine
Suryo weeyi adagee
Surinkaasi haba galin
Suubanaanta dhaqankana
Soohdintooda dhawroo
Sodohaha ha faalayn
In kastoon sabool nahay
Waajibaa ku saarane
Ha ku raadin sooryoo
Sii jeedka ha ku tabin
Ha ka suulin garashada
Dulmigana ha saacidin
Ha ku galin dir sooc iyo
Safashada qabiilkiyo
Sunta qaranka dumisiyo
Silbashada habawgiyo
Ka ilaali siliitada
Saxaafadu xor weeyoo
Ma taqaan safaadkee
Dulmigood salaaxdiyo
Sinji lagu amaaniyo
Suubintaa u daranoo
Si kalay ku noqotaa
Wariyuhu silooniyo
Sahwi buu ka qaadaa
Colaadaha sokeeyaha
Ha u qaadan soofoo
Ha ku saydhin wararoo
Boogaha ha sii sarin
Salaadiinta talisana
Dhaqankay sidaanoo
Xurma aada siiyee
Ka ilaali saxarkoo
Sad bursiiyo kula dhaqan
Mar_mar bay siqaanoo
Soone kale galaanoo
Hadal aan saluugiyo
Ku arkaa sitaadkee
Sibiq wixii ku dhaafana
Sajilaada ha ku darin
Saacadaha qodaalkana
Ha la seexan garashada
Siidhiga afuufoo
Wacyi galinta siidaa
Sooryada kacaysiyo
Sirif bararka faalee
Ka warayso sariflaha
Siyaasada warkeeduna
Saaxad weeyi daranoo
Saxmad iyo wareerlee
Balamihii siyaasigu
Salaankani ku soo koray
Su”aalaha ka waydii
Sabaaluhu ma fiicnee
Sacabada ha hoos dhigan
Sarbi lagu uleeyiyo
Seef laga cabsoodaba
Saxaafadaa ka dhiganee
Haka baqo siyaasigu
Sharciguna siduu yahay
Ha u qaadan saafoo
Ha sadqaynin waligaa
Saraakiisha qarankana
Ha u sooxan xadhigoo
Ha ku jiidin seetada
Maamulkaa ku siriree
Madaxdana ha seelayn
Safiirada cadaankee
Samafalka ku magac dheer
Deeqbay sidaanoo
Dadwaynaha silcaayay
Sawirada ka qaataan
Sanduuqoogan buuxee
Suul dhabaale madhaniyo
Siminaaro lagu cuno
Soodhka soo faqaayee
Sandulaha waxqabadka ah
Sanka kaga tolaayaa
Horta suxufi waa adi
Ha sagsaagin weedhaha
Ku sargoo hal haysyada
Waa saaf afbadanee
Yuu saawir kaa noqon
Barnaamijkaad samaysaa
Suuradaha quraankiyo
Sunahana ha waafaqo
Culumada sexeexiyo
Caalimkuna ha kaa saxo
Saban baa la joogaa
Wadaadada la saaqoo
Sahaydii qurbaawiga
Suuqwayn la geeyoo
Sadaqada la daawado
Shaashadaha la soo safay
Sakhiraada wariyaha
Siiqadiisa xeel dheer
Waa dilaal sareexoo
Saylad xoogan joogee
Saliilyaan ka qaadee
Sasabaada ha ka dhimo
Saamigii wadaadkuna
Duco ha ku sabootiyo
DHAMAAD MAANSADII SALDHIGII AQOONTA
Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle
Hargaysa Somaliland
Tell:4669910