|
|||||
WAJAALE NEWS
Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Waxuu ahaa Waano iyo Wacdi ku Socota Warbaahinta Mana aha in Si Qaldan loo Turjumo.
September 17, 2016 - Written by Editor:Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Waxuu Ahaa Waano Iyo Wacdi Ku Socota Warbaahinta Mana Aha In Si Qaldan Loo Turjumo Subcintayda maansadu Waano weeyi soocoo Wariyahay ku socotaa Saxaafada dhamaanteed Salaanbaan u dirayaa Ma ogtahay siciidow Saxaafadi in ay tahay Saldhigii aqoontoo Tabintuna sir leedahay Erayadii Abwaan Sacad X Gadhle Maansadii { Saldhigii Aqoonta} maansada oo dhamays tiran xaga hoose ka akhri Si Xun U Sheeg Sixir Ka Darane Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Waxuu Ahaa Wacdi Iyo Waano Saxaafada Ku Baraarujinayo . Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle ayaa sheegay in si xun loo turjumay hadal uu Wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi ka jeediyay Xaflad soo dhawayn ah oo loo qabtay Waftigii Wasiirada ee Magaalada Dubay u tagay heshiiskii Maalgalinta Dakada Barbera isagoo madasha Xaflada Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ka jeediyay weedho Wacdi iyo Waano xambaarsan oo saxaafada ku baraarujinayo isagoo Wasiirku sheegay in bahda warbaahinta looga baahan yahay in ay garab joogsadaan Horomarka iyo Talaabooyinka ay Qaranka Faa”iidu ugu jirto sida Maalgashiga Dakada Barbera Saxaafadu Taageerto iyadoo warbaahintu masuuliyiinta dawlada timaan iyo toosin danta guud iyo xaqiiqda ku qotonta la garab joogsanayso waxaanu Abwaanku sheegay in warbaahintu ka waantoobaan Xaqiraada iyo Xajiimaynta Masuuliyiinta dawlada . Sidoo kale Abwaan Sacad X. Maxamuud Gadhle waxuu sheegay in Maansada Saldhigii Aqoonta uu curiyay Sanadkii 2013 sida magaceeda ka muuqata uu Saxaafada ku tilmaamay (Saldhigii aqoonta) waxaanu sheegay Abwaanku in maansadani xambaarsantahay waano iyo tilmaamo si qotodheer u iftiiminaysa waajibaadka (Wariyaha ama suxufiga) sidoo kale waxuu sheegay Abwaanku in uu arko in murtida maansadani xambaarsantahay duruus ama casharo looga baahanyahay in uu suxufigu barto hadii aan faah_faahiyo waxay baydadka hore aan ku xusayaa sil_siladii caanka ahayd ee (Siinlay) silsiladaas oo curatay sanadkii dhalashadayda saamayn balaadhana ku yeelatay guud ahaan bulshada afka soomaaliga ku hadasha meel kasta oo ay joogaan mar labaad midhaha maansadani waxay daaha ka qaadayaan asluubta iyo anshaxa wanaagsan ee looga baahan yahay (Wariyaha ama suxufiga) mar Sadexaad waxuu sheegay Abwaanku in maansadani si mug leh oo miisaaman u iftiiminayso Sagaashan qodob oo wariyaha ay lagama maarmaan tahay in uu ku dhaqmo waxaanu sheegay Abwaanku in uu aaminsanahay in Sagaashanka qodob ay saldhig u noqon doonaan xeerka saxaafada ugu dambayn waxuu sheegay Abwaanku in uu u arko in ay maansadani wax badan ka tari doono wacyiga wakhtigan ay ku sugantahay saxaafadu Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Maansadii Saldhigii Aqoonta waxuuna ku bilaabay sidan.
Gaariyow suugaantii Todobaatan iyo sadexdii Abwaankii sameeyee Weedhaheeda soo simay Maan galin safkoodii Sabi baan ahaayoo Sanqadhii baxaysiyo Waayaha lamaan socon Saakana xus wayniyo Sanad guuro wacanbaan Uga dhigay silsiladaas
Subcintayda maansadu Waano weeyi soocoo Wariyahay ku socotaa Saxaafada dhamaanteed Salaanbaan u dirayaa Marka xiga siciidow Cadaaladu siday tahay Lama kala sareeyee Suuradiisa aadmiga Sadarada aqoontaa Lagu kala suntaayoo Lagu kala sifeeyaa Ma ogtahay siciidow Saxaafadi in ay tahay Saldhigii aqoontoo Tabintuna sir leeyahay Ma ogtahay siciidow Suxufigii hanoonsani Sooma jeeste weeyoo Socodkana ma daaloo Sahanbuu galaayuu Warar sugan ku keenaa Saadaasha gaarka ah Suuraynta faalada Sobabaynta kama tago Ma ogtahay siciidow Suxufigii hanoonsani Sabaduu ku noolyahay Saamayn ku leeyahay Bulsho waynta sixi karo Cadaaladiyo sinaantiyo Samahana ka talin karo Nabadana ku sugi karo Ma ogtahay siciidoow Runtu in ay sad wayn tahay Saxansaxo udgoon tahay Warka subag u yeeshoo Sixin iyo baruur tahay Suuq_gayna noqotoo Sumcadeedu badantahay Beentuna siniintoo Siifadeedu kulushahay
Ma ogtahay siciid¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬ow In sagaashan qodoboo Warbaahinta u seesoo Salka loo goglaa jiro Saajinkii qoraalkow Yuu kula sabaynine Suryo weeyi adagee Surinkaasi haba galin Suubanaanta dhaqankana Soohdintooda dhawroo Sodohaha ha faalayn In kastoon sabool nahay Waajibaa ku saarane Ha ku raadin sooryoo Sii jeedka ha ku tabin Ha ka suulin garashada Dulmigana ha saacidin Ha ku galin dir sooc iyo Safashada qabiilkiyo Sunta qaranka dumisiyo Silbashada habawgiyo Ka ilaali siliitada Saxaafadu xor weeyoo Ma taqaan safaadkee Dulmigood salaaxdiyo Sinji lagu amaaniyo Suubintaa u daranoo Si kalay ku noqotaa Wariyuhu silooniyo Sahwi buu ka qaadaa Colaadaha sokeeyaha Ha u qaadan soofoo Ha ku saydhin wararoo Boogaha ha sii sarin Salaadiinta talisana Dhaqankay sidaanoo Xurma aada siiyee Ka ilaali saxarkoo Sad bursiiyo kula dhaqan Mar_mar bay siqaanoo Soone kale galaanoo Hadal aan saluugiyo Ku arkaa sitaadkee Sibiq wixii ku dhaafana Sajilaada ha ku darin Saacadaha qodaalkana Ha la seexan garashada Siidhiga afuufoo Wacyi galinta siidaa Sooryada kacaysiyo Sirif bararka faalee Ka warayso sariflaha Siyaasada warkeeduna Saaxad weeyi daranoo Saxmad iyo wareerlee Balamihii siyaasigu Salaankani ku soo koray Su”aalaha ka waydii Sabaaluhu ma fiicnee Sacabada ha hoos dhigan Sarbi lagu uleeyiyo Seef laga cabsoodaba Saxaafadaa ka dhiganee Haka baqo siyaasigu Sharciguna siduu yahay Ha u qaadan saafoo Ha sadqaynin waligaa Saraakiisha qarankana Ha u sooxan xadhigoo Ha ku jiidin seetada Maamulkaa ku siriree Madaxdana ha seelayn Safiirada cadaankee Samafalka ku magac dheer Deeqbay sidaanoo Dadwaynaha silcaayay Sawirada ka qaataan Sanduuqoogan buuxee Suul dhabaale madhaniyo Siminaaro lagu cuno Soodhka soo faqaayee Sandulaha waxqabadka ah Sanka kaga tolaayaa Horta suxufi waa adi Ha sagsaagin weedhaha Ku sargoo hal haysyada Waa saaf afbadanee Yuu saawir kaa noqon Barnaamijkaad samaysaa Suuradaha quraankiyo Sunahana ha waafaqo Culumada sexeexiyo Caalimkuna ha kaa saxo Saban baa la joogaa Wadaadada la saaqoo Sahaydii qurbaawiga Suuqwayn la geeyoo Sadaqada la daawado Shaashadaha la soo safay Sakhiraada wariyaha Siiqadiisa xeel dheer Waa dilaal sareexoo Saylad xoogan joogee Saliilyaan ka qaadee Sasabaada ha ka dhimo Saamigii wadaadkuna Duco ha ku sabootiyo DHAMAAD MAANSADII SALDHIGII AQOONTA Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Hargaysa Somaliland Tell:4669910 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|