WAJAALE NEWS

5 Ka Mid Ah Hadimooyinkii Ay Godlatay Xukumada Talada Haysa Ee Kulmiye, Keyse Abdullahi(Dhisaaye)

Qaran kastaa wuxuuu leeyahay lacag u gaar ah oo ka turjumaysa qiimaha wadanku halkuu taaganyahay bulshada

1:Hantida qaranka: xukumada talada haysa ee xisbiga kulmiye waxay horseed ka noqotay kulana kacday hantidii qaranku wada lahaa iib iyo boob sharci daro ah ,gaar ahaan goobihii bulshada u ahaa gabaadka iyo gundhiga ee aqoonyahanka dalka u soo kacayaa ku kulmi jiray ama wax ku akhrisan jiray iyadoo loo hibeeyay shaqsiyaad dano gaar ah laga leeyahay oo aan loo eegin manfacaadka bulshadu ka helayso looguna bedelin meelo wax ku ool ah oo bulshada anfac.

Sidoo kale waxay masuliyad daro ka muujisay soo bandhigida wax bedel u noqon kara bulshada goobihii la iibiyay ama la bixiyay.

2: Qiimo dhicii ugu hooseeyay abdi lacagta qaranka: qaran kastaa wuxu uu leeyahay lacag u gaar ah oo ka turjumaysa qiimaha wadanku halkuu taaganyahay bulshada lacagta lihina si fudud oo hubaal ah ugu suuro gelisa gadashada waxay rabaan qiimo sugan, nasiib daro xukumadani waxay noqontay mid aan masuuliyadi ka saarayn sixirka is bedelaya iyo tacadiga bulshada kaga yimaada ama ay kala kulmayso , waa markii ugu horaysay taariikhta somaliland ee $1 uu gaadho 8000 somaliland shilling ah , taasina waxay sababtay in nolol maalmeedkii bulshadu uu mugdi galo ,raashinkii iyo quutal yoomiinka qaali noqdo ay awoodi waydo bulshada intii taagta darayd ee si gaar ah dawlada xil ugu saarnaa.

3: Qabyaalda: shacabka ku dhaqan geyiga Somaliland waa dad walalo ah wada dhashay dal iyo dan ba wadaag ah oo aan si na u kala maarmin jacaylkii iyo muxubadii ka dhaxaysay dadka Somaliland waxaa lagu sarifay qabyaalad iyo qaraabo kiil aan qayd ku xidhnayn, taasina waxay sababtay qoqobnaan horleh iyo qaraabo kala goday.

4: Tahriibta: taariikhda qarankani jiray waxaa dhacay tahriibkii ugu xumaa ee dhamaan guri kasta oo Somaliland ku yaal laga dareemo iyadoo lagu waayay curado iyo caalino dalkan u dhashay , waa markii u horaysay oo dhalinyaro jaamacdo ka baxay ka tahriibaan dalkan oo dadkii iyo dalkii ay wax u baranayeen ku bedesheen baaxad soore iyo banana cidlo ah.

5: Cabudhinta dadka :qof kasta oo muwaadin ah dastuurka qaranku wuxuu u damaand qaaday cabirda argtidiisa ,sidaas oo ay tahay wax ka mid ahaa waxyaabihii kulmiye ku soo baxay in uu xoojin doono xoriyatul qawlka iyo saxaafad, maantana wax gegi madhan lag joogaa balantaas , waxaana qofkii fekerkiisa cabiraa mutaysanayaa xadhig iyo xad gudubiyo hor leh oo aan bulshad iyo muwaadinkaba u qalmin .

waa maqaalo taxane ah oo aan wax badan kaga sheekayn doono qaybaa danbe .

 

keyse Abdilahi Yusuf

Exit mobile version