|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Oo Markii u Horaysay si Adag Iskaga Difaacay Eedaymo Wasiirku Usoo Jeediyay .Bedkana Soo Dhigay Xaqiiqooyinka jira.
August 10, 2016 - Written by Editor:
Waxaan War saxaafadeedkan qoraalka ah idiin siiyay maanta oo bishu tahay Arbaca 11 August 2016 in aan ka jawaabo fal aan sharciga iyo awoodaha wasiirka toona ahayn, oo uu ku talaabsaday wasiirka Wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare Mudane Cabdillahi Ibrahim Habane.
Asalkaba Diinta islaamku waxay u timi in ay ilaaliso : Diinta, Nafta, Maalka, Caqliga, iyo Cirdiga(Sharfta) banii aadamka. Sidaa daraadeed, ilaalinta sharafta qofka banii aadamka ahi sharftiisa iyo karaamadiisu waa waajib qofwalba saaran. Cidii ku xad gudubta sharfta qofkale ama xuquuqahaa kale waxay diinteena Islaamku xaq u siisay in uu is difaaca ama ka goosto inta lagu sameeyey in leeg. Hadii uu iska saamaxana abaal marin Eebe ka siiyo. Waxanu Ilaahay SWT qoraankiisa ku yidhi: Sura Shura(Juz25,40): Xumaan Abaalkeeduna waa ku abaal marin mid la mid ah. Ruuxii iska cafiyana oo wanaajiyana Ajri iyo Abaalmarin ayuu Eebaa siin. Illaahayna ma jicla daalimiinta. Suratu Nakhal: (Juz14, 126)Hadaad aad wax ciqaabaysaan u ciqaaba inta laydin Ciqaabay, hadaad samirtaana isagaa u khayr toon kuwa samra. Suratu Isra: Sidaa daaraadeed waxay shareecada islaamka xaq ii siinaysaa inaan difaaco karaadmadayda iyo sharaftayda oo intii la igu sameeyey in leeg ka jaro qofka. Hadaba anoo raacaya ta ka khary badan ee saamaxaada waxaanse xaq u leeyahay inaan saxo ta aniga la iga sheegay ee beenta ah oo ka sheego sida runtu tahay. waxaanan halkan kaga jawaabayaa oo kaliya waxii wasiirku lacata badan ku bixiyey ee eedaymo ahaa ee isaga iyo Afhayeenkiisa yar ee daydaynimada reeraysan ku curyaamay saxaafada ku baahiyeen. Hadaba inta aana ka jawaabin eedaymaha waxaan jecel ahay inaan dib u jaleecno si koobana eedaymaha wasiirka:
kuwaas oo ay ka mid yihiin ficiladan hoos ku qoran.
Hadaba mudanayaa iyo marwooyinba, waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo falalka wasiirku uu sameeyey, isna waydiino maxaa sharci ah maxaan ahayn. Isla markaana kaga jawaabno eedaha kor ku xusan ee la igu eedeeyey.
Waxaa kale oo wasiirku igu eedayay inaan ka hor imi barnaamijyo waxbarasho oo ay ka mid yihiin kuwa ku xusan qodobka 4aad, sida:
Dugsiga M.A.Sheef Dugsigaa waan tagay waana la dhisay. Sabata uu iigu eedaynayo inaanan tagina waxuu ahaa inaan diiday lacagta uu qandaraaska ku bixiyey. Waxaana uu ku qandaraasay laba fasal iyo Store yar lacag dhan $71,000. Illaahaybaan idinku dhaarshee ma qiimahaasa ku baxa laba fasal iyo store yar oo dhan 22m +dayactir daaqado. waxaan idiin sheegayaa fasalada standardka ah ee Hay’adaha wax noo dhisaa waa $8000-$10,000. Hadaba marka hay’adii lacagta haysatay intaa qandraas ku bixiso maxaa budgetka yar ee dawlada uga dhigay farajiin. mise waa dhaka kale oo waa loo dhuljeefeeyey.
Tababarka macalimiinta Anigu kamaan hor iman tababarka macalinka. Runtii waa mid aan u riyaaqsanaa. Waxaana markhaati u ahaa inaan anigu EUda oo diiday inay fankii macalimiinta ku wareejiso macaliminta dugsiyada hoose ka dhiga, ayaan ka dhaadhiciyey sida uu noo anfici doono iyo habka aanu howlaha u wadi doono. waxaa kaliya ee aan diiday habka loo maamulayey oo ahaa mid aan daacad laga ahayn ee “Far Hunguri”loo samaystay. Waxaanan ku taliyey in lagu qabto Jaamacadaha dalka oo leh Collegeyada education iyo agab wanaagsan. kuwaas oo runtii wax ka tari jirey dakhliga Jaamacadaha iyo machadyada macalimiinta lagu tababaro. waxayna ahayd dakhliga kaliya ee soo gala jaamacadahaa, waayo ardayda badankeedu uma gasho xirfad ahaan macalinimada siday digriiyada kale. Waxaana kabi jiray tababaradana macalimiinta. Waxaanad u samaysatay Xisaab baaneed gaar ah “Bank Account”. kaas oo aanad la wadaagin Agaasimaha Guud ee ka masuulka ah kharashaadka wasaaradda. Halkaas oo ay ku soo dhacdo Fiidii Macalimiinta ee jaamacaduhu qaadan jireen.
Tababarkaasi in lagu guul daraystayna waxaa markhaati kaaga ah oo aad adiguna usoo taagnayd markii subaxii sabtida 30 July 2016 shirkeenii Sabtiilaha ahaa gudidii loo diray xograadintu keentay warbixin toban page (10 Pages) ah oo baa ba’ ka dhigaysa hab maamulka tababarkii macalimiinta. Taasi oo aad wasiirku aad uga xanaaqay.
Manaahijta” Daabacaada Buugta Dugsiyada” Wasiir waxaynu isku haynaa waa masiirkii iyo mustaqbalkii ubadka reer Somaliland ee dugsiyada dalka ku jira. Waxaanad diideen inaad adiga iyo Agaasimaha Manaahibtuba nala wadaagtaan habsami u socodka buugta qoristooda. Waxaana ku jirey degdeg habkan aad wax u wado oo aan anfacayn ubadkeena. waayo laba bilood manhaj dal buugtii laguma diyaariyo. Maadaama uu mustaqbalka horumarka dalkeenu waxuu ku xidhan yahay waxbarashada ubadkeena, taas oo iyaduna ku xidhan manhajka iyo buugta ama agabka kale ee waxbaasho.
Waxaana aad laga dayriyey buugta la qorayey aqoonta ku duugan. Markhaati waxaa iiga ah qorayaasha buugta in aanay wax agab ah ama buug ah haysan oon loo dhigin xarunta. Xafiiska manaahijtu mabad laha library. Waxaa kale oo ii markhaati ah markii wasiiku isaga oo ka xanaagsan warbixinta tababarka macalimiinta ee Sabtidii 30 July 2016 dhagaystay ayaa Agaasimaha Manaahijtu noogu daray warbixintii buugta la qorayey. Waxaan waydiiney Agaasimihii Manaahijta goorta uu wasaaradda u keenayo si loo hubiyo buugta la qoray wuuna diiday inuu sifiican ugaga jawaabo. Waxaan ku idhi “ Miyaanay haboonayn in buugaagta (Text books) maadooyinka kala duwan ee loo dhigi doono ubadkeen ahayn in wasaarada khabiiradeeda iyo dadka kale ee cilmiga u lahi inala eegaan si aynu u helo buug tayo badan?. Waxanan idhi ciddii doontaa ha daabacdee buug tayo cilmi ku duugan tahay ayaynu u baahanahay. kadib intaad xanaaqay ayuu shirkii xidhay oo xataa u diiday wasiiru dawoluha oo isku dayay inuu ku dajo, hase yeeshee wuu iska dhugtay oo diiday, sidaasaanu ku xidhmay shirkii.
maalintii kuxigtay 31 July 2016 waxaan warqad u diray Agaasimaha Manaahijta oo ku idhi fadlan buugta oo softa ah iyo hal copy oo sample ah keen wasaaradda si loo eego inta aanay daabacaad galin. Waxuuse ii soo diray jawaabta tixraaceedu tahay ____________________ isaga oo ii sheegay in bishii hore uu wasiirku u citiraafay in Agaasinkii Manaahijtu noqday “Institute of Curriculum Develpment”.
Illlaahay baan idinku dhaarshee ma Institute ayaa warqada wasiir ku samysanta? Ayaase jooga Ma Cabdillahi odaygan manaahijta oo kaliya ayaa Institute noqda. Maalmahaa waxaan u yeedhay Inamadii gudoomiyayaasha buugtana oo aan ugu yeedhay kulan wasaaradda dhexdeeda ah waxuu ku amray in ayan iman.
Waxaan rumaysnaha inuu manhajka dalku yahay “ Masiir Umadeed” kaas oo u baahan in aad looga baaraa dego oo bulshada oo dhani ka qayb gasho een u baahnayn in laba bilood lagu sameeyo “manhaj qarafaa dhug ah”.
Habka Imtixaanaadka Aniga oo isticmaalaya waaya aragnimada iyo aqoonta aan u leeyahay waxbarashad waxaan qaba in cidii dadaashaa ee aqoon u leh maadadii uu doono (Any Subject) uu gali karo imtixaan. lagana qaado iyada oo sifa sharciya la marayo si bulshadu hor ugu marto. Banii aadamka Illaahay maskaxdiiisa iyo fahankiisaba ma simin, waana sida faraheenaa. Hadii la simo ardayga cabqariga iyo ka baahiyaha gaarka ah leh maxaa loo tartansiiyaa ee imtixaanadka looga qaadayaa? Gudoonka imtixaanaadkana looma dirin inuu imtixaan kaga qaado ardayga imisa sano ayaad fasalka soo fadhiday? Waa shaqada wasaarada iyo kormeerk oo A/Guud masuul ka yahay. iyaga waxaa loo diray inuu imtixaanka ka qaado kaliya marka dugsiyadu ama wasaaradu ka soo codsato. Bil matal, Dugsiga Sheikh Secodary School waxy galaan IGCSE (EDEXEL) Examination U.K Jaamacadda aan ka soo baxay anigu ee London Univeristy Eximination board ka mid tahay. Mana yaqaanaan in ardayda reer Sheekh dhigtaan dugsiga sare laba,saddex iyo afar sane toona. Waxaa go’aamiya maamulka dugsiga inuz ardaygu gali karo iyo in kale. EDEXELna waxay qaadataa fiida imtixaanaadka, waan ay saxdaa.
Examination Boardkeenu waxa uu qabaa in hadii aad geedo beerto i.e Geed A, Geed B iyo geed C oo aad hor beerto A iyo B, C duna dambayso oo C da dambaysay midho dhasho in la yidhaa maxaad u midhaysay eed u dhaaftay A iyo B da. Hadii la doonayo inaad hore u socotao waxaa lagu daydaa cidii wax kugu dhaanta (Best Exam systems). Imtixaanaadku waxay u baahan yihiin in la casriyeeyo. Wali ma oga xafiiska imtixaanaadku inay jiraan caruur ka yaryar 5 1/2 Shan iyo badh sano jirtay galeen EDEXEL GCSE Mathematics ay dugsiyada sare galaan. fadlen eeg (http://www.telegraph.co.uk/education/educationnews/7962546/GCSE-results-Girl-five-claims-record-while-seven-year-old-boy-receives-A.html).
Hay’adaha Ajinabiga ah Waxaad u gudbisaa hay’adaha Ajaanibka ah u gudbiya waxaan wasaaradda u gaar ah. una sheega falalka sharcidarada ah iyo agendayaal qarsoon. eeg Emailka 11/5/2016.”
Waxan ka xumahay inaanu wasiirku si fiican u akhriyin nuqulka emailka uu iigu soo lifaaqay oo si cad u tusinaysa taariikhda 11/05/2016 waqtiga 07:45PM in Wasiirku xigeenkiisu ii soo qoray email uu nuqul dadkale oo ajinabi uu siiyey. Aniguna waxaan ku celiyey jawaabtii emailkaa at 08:23 PM. Hadaba ma anaa bilaabay mise wasiirkiisa?
Su’aasha ah waxaad ku sheegtay argagixiso wasaarada, Wasiir adaa lagaa rabaa inaad cadayso halkay kaga taalaa emailka aad ka hadashay? Waxaa laga hadlayaa “Baadhitaan iyo lafa guris waxbarashada iyo himiladiisa” ma waxaad u qaadatay ESA/ESSP inay tahay argagixiso? Maan fahmin meesha aad erayadan ka keentay? qarankuna cadaynbaa kaa arabaa. Falaadhina gilgilasho kaagama go’do oo lagaaga tagi maayo.
Gaba gabadii wasiirku waxa uu yidhi “ Laga bilaabo saacada aad hesho warqadan waxaan kaa joojiyey xilkii Agaasime Guudnimo ee aad wasaaradda u haysay waxaana kaa reeban in aad xarunta wasaaradda iyo xafiiska aad ku shaqaynaysayba aad soo gasho laguguna arko amar la’aan”.
Su’aasha meesha taalaa waxaa weeye ma wasiirkaa xilka Agaasime Guudnimo ii dhiibay mise Madaxwaynaha J.S.L? Wasaaraduna ma aqalkiisiibaa mise waa Makhaayad uu leeyahay? Cajeeeeeeeeeeeeeeb!
Waxaan ka xumahay in aanad fahmin awoodaha kala duwan ee dawladda, inkasta oo aad in ka badan 20 sano guurtida ka shaqaynaysay waxaad moodaa inaanay habka dawladnimada waxbaba kaaga duxin maadaama oo aanad wali garanayn Asdaamaha Shaqadaada (Job Description) iyo awoodaheeda toona. waxaana kugula talin lahaa :
Agaasimaha Guud ee Wasaaarada waxbarashada ee Madaxwaynaha J.S.L xilka qaran u magacaabayna adigu kam qaadi kartid xilkiisa. Qoraalada aad ku sheegtay inaad xilka iga joojisayna micnaheedu waa anaa madaxwaynihii ah. Anna waxaan ku leeyahay “Waad ka tidhi”
Intaasi waa is difaacii shareecadu i siisay. Waxii kale ee dhaliilo iyo khalaaf shaqo ah
u bandhigi maayo sidii wasiiirka saxaafada. Waxaanu ku xalli doonaa wasaarada dhexdeeda . Haday naga maaran siin waydana cida nasoo magacowday ayaanu u gudbin si ay noogu gar naqdo.
Wa bilaahi Towfiiq .
Abiib Ahmed Ali Agaasimaha Guud ee W.W.&.T.Sare Related posts:Daraasad Lagu Ogaaday Heerka Toyo Xumida Biyaha Mooya Saxada Ah Ee Lagu Isticmaalo Somaliland! Xldhibaan Katirsan Golaha Wakiilada Jsl Oo Ku Baaqay In La Baadho Dhibaatadii Ciidanka Qaranka Ku Dh... Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Diidmada Habraaca Doorashada Somaliya Ee Musharixiinta Mucaarid... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|