|
|||||
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraada; Duruufaha Cakiran Ee ka Taagan Gobolka Saaxil, Doonista Madaxtooyada Iyo Diidmada Shacabka + Dareenada Ku Xeeran!!!
July 31, 2016 - Written by Editor:BERBERA (W.N) Tan iyo Mudadii Xukuumada Siilaanyo la wareegtay talada dalka oo xiligan laga jooga mudo lix sano iyo dheerad ah ayaa waxaa maalinba maalinta ka Danbaysa isa soo taraya xaaladaha qalafsan ee ay kula dhaqmayso shacabka reer somaliland gaar ahaan gobolka saaxil oo isagu badh tilmameed u noqday qoyska madaxtooyada iyo qabiilka madaxwayne siilaanyo oo is huwan, Sidoo kale shacabka ku dhaqan gobolka saxil gaar ahaan Beesha Ciise Muuse ayaa mudadaa xukuumada siilaanyo xilka haysay u ahayd buuq iyo qaylo ay hadba kala hor tagayaan doonista qasriga madaxtooyada kuwaasi oo gabi ahaanba ku taxaluqa wareejinta goobo qaranka u muhiima kuna yaala magaalada berbera sida; Haamihii kaydka Shidaalka, Madaarka Magaalada Berbera, Dekeda Berbera, Iyadoo Dhamaan goobahan muhiimka ah wareejintooda dhaafsatay woxogaa kharasha. sidoo kale ay shacabka reer saaxil oo isku duuban siyaasiyiin, madaxdhaqameed, dhalinyaro, ayaa cod isku mida ku diiday hada halka ay damcaan in ay wareejiyaan qoyska madaxtooyadu iyo qabiilka isbarkan ee qaranka ku habsaday. Dhanka kale waxay dadka siyaasada indha indheeyaan ku tilmaameen in aymeesha jirto ujeedooyin kala duwan oo ka danbeeya in mudada xukuumada siilaanyo joogtay ay u bar timaameedsato goobaha ugu muhiimsan gobolka saxil Xubnahan ka faalooda siyaasada iyo xurgufaha qabiilooyinka ayaa ku sifeeyay in damaca beesha madaxwayne siilaanyo ka fog yahay goobaha iyagoo sidoo kale qorshaynaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen berbera ugu guulaysan lahaayeen gacan ku hayta meelaha ay u arkaan in awooda gobolka laga hagi karo iyagoo isticmaalaya shaadh dawladeed halka ay beesha gobolka saaxil ugu awooda bada ee Ciise Muusena og yihiin Damaca Dhigooda waxna uga baxeen ujedooyinku ku lamaan wareejinta dekeda iyo doonista isla beesha ay ood wadaagta yihiin. Hadaba duruufahan isdiidan ee ka taagana gobolka saxil ayaa ah kuwo ka qotodheer sida aynu kusoo xusnay qoraalkeena iyadoo marwalba lala xidhiidhiyo in madaxtooyada ay joogaan xubno u darban hurinta fadqalalo ka dhacda markuun saxil taasi oo sida xogahani tibaaxen ay uga dan leeyihiin in ay isku dhacaan beelaha wada dega guud ahaan gobolkaa gaar ahaan beesha Ciise Muuse iyo Habar Jeclo oo iyagu si qaldan u maran baabiyay awoodii dawladnimo iyo milgihii qaranka. Taasi oo aynu saan saanteeda ka dheehan karno hadaba sida loo buun buuninayo dilkii taliyihii gobolka saxil ee ciidanka booliska mrxuum cabdirasaaq Casayr. isku soo wada duub oo waxaynu ka war sugidoonaa halka ay ku danbayso diidmada reer saaxil iyo doonista qasriga madxooyada ee xiligan ciidamada kusii daad guraynaya magaalada berbera.
WAJAALENEWS DESK BERBERA OFFICE
Related posts:Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Somaliland Uga Soo Dacwootay Wakiilkii Hore Ee Jsl U Joogay Abu Dhabi... “Madaxwayne Dal Midaysan Ayaa Laguu Dhiibay, Maantana Khilaaf Adiga Kaa Bilowda Oo Adiga Kugu Dhamaa... Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Kormeeray Halka Ay Marayaan Dhismaha Barkadaha K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|