War Deg Deg ah ; Taliyihii Ciidanka Booliska Ee Gobolka Salel , ku xigeenkiisi Iyo Dirawalkiisii oo ku Dhaawacmay Shil Gaadhi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah ; Taliyihii Ciidanka Booliska Ee Gobolka Salel , ku xigeenkiisi Iyo Dirawalkiisii oo ku Dhaawacmay Shil Gaadhi.
July 27, 2016 - Written by Editor:

SAYLAC (Wajaalenews) Badhasaabka gobolka salel Axmed Maxamed Xaashi   ayaa  sheegay shil gawaadhi oo isku dhac Laba gaadhi ahi  uu sobobay k sadex qof oo dhaawac culus soo gaadhay

Badhasaabka gobolka selel oo  khadka telefoonka ugu waramay Wariye Mustafe DHeereeye ayaa  isagoo dhacdadan ka waramaya wuxu sheegay in ay dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen  taliyihii qaybta boliska selel iyo taliye ku xigeenkiisii qaybta iyo waliba darawalkii gaadhiga qaybta bilayska Badhasaabka ayaa intaas ii raaciyay in ay xaaladoodu aad uculus tahayaliye xigeenka iyo darawalka gaadhiga booliska

Gudoomiye Axmed Maxamed Xaashi ayaa intaasi  raaciyay  in ilaa shalay ay ku jireen safar kormeer shaqo oo gobolka salal ah.

isagoo shilkan ka hadlaya waxa sobobay iyo goobta uu ka dhacay wuxu yidhi ;  shilkan waxa  sababay  isku dhac gaadhiga booliska iyo gaadhi xamuul ah iyadoo ay isku qariyeen roobab dabaylo wata oo ka dhacayay jiidahaasi

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan gaadhiga xamuulka ah cidi waxba ku noqon

Shilkan ayaa ka dhacay agagaarka ceel gaal iyagoo ka tegay Laanta morohda ah

Badhasaabka markii uu intaasi iiga waramay oo aanu ii dhamayn magacyada sadexda dhaawaca ah iyo nooca iyo taarikada gaadhiga xamuulka ah ayuu naga go,ay khadka isgaadhsiinta mobaylku

Waxii war ah ee intaasi ka soo kordhana la arki doonee

WARIYE Mustafe dhereye ,,

COMMENTS
LINKS