Wafti Wasiiro Ah Oo Xukumadda Somaliland Ka Tirsan Oo U Baxay Dalka Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Wasiiro Ah Oo Xukumadda Somaliland Ka Tirsan Oo U Baxay Dalka Itoobiya.
July 13, 2016 - Written by Wariye:

1Hargeysa(WJN):-Wafti wasiiro ah oo ka socda xukumadda Somaliland ayaa shalay galinkii danbe ka amba baxay magaalada hargeysa iyaga oo u sii jeeda magaalada jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka somalida itoobiya.

Waxaana waftigan oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo sidoo kale agaasimaha warfaafinta Somaliland

Waxaana ujeedada ay waftigan ugu baxeen dalka itoobiya ay tahay sidii ay maamulka kililka shanaad uuga soo wada hadli lahaayeen arimo badan oo la xidhiidha dhanka amniga.

Waxaana waftigan wasiirada ah markii ay gaadheen magaalada wajaale oo ah magaalo xuduudeedka u dhaxeeya Somaliland iyo itoobiya ka hor yimi xubno wasiiro ah oo ka socday kililka shanaad, iyaga oo halkaasi kasii galbiyay una sii galbiyay magaalada jiigjiga.

Waxaana wararka aan helayno sheegayaan in xalay ay gaadheen waftigaasi magaalada jigjiga iyaga oo  xalayna kulan is waraysi ah wada yeeshay xubno wasiiro ah oo kililka ah laakiin lama oga wararna kamasoo baxayaan waxay xubnahasi kawada hadleen.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS