|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadaha Maamula Haamaha kaydka Berbera Oo bilaabay Qorshe Halis galiyay Ganacsiga Xorta + Shidaal ay Leeyihiin Ganacsato Reer Somaliland ahi Oo Mudo Xaniban.
July 8, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Shirkadihii dhawaan xukuumadu ku wareejisay haamaha kaydka shidaalka Berbera ayaa kooto ku xidhay Isticmaalka Haamaha kaydka shidaalka Berbera iyaga oo gabi ahaanba qaadacay in ay shirkadaha kale ee soo dajiya shidaalku ku shubtaan wax shidaal ah haamaha kaydka. Waxaanay wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil tibaaxayaan in shirkado sida shidaal jaban ay Mudo ku xaniban yihiin biyaha bada Somailand kuwaas oo ay shirkadahan kootaystay haamuhu u diideen in ay shidaalka ku shubtaan kaydka loogu talo galay ee haamaha shidaalka Berbera,waxaana shirkadaha ay u raran yihiin maraakiibta shidaalka sida ka mid ah shirkada soo dajisa shidaalka ee National Fuel Station iyo laba shirkadood oo kale. Shirkadahan lagu wareejiayay haamaha shidaalka ayaa ah todoba shirkadood oo ay hormood u yihiin Red sea petroleum. Hass petroleum. Ali waraabe petroleum Som petroleum kuwaas mudadii ay gacanta ku hayeen haamaha ku dhaqaaqay talaabooyin aan dan u ahayn shacabka somaliland kana soo horjeeda nidaamka suuqa ganacsiga xorta ah ismarkaana isagoo dhanka kale ku heshiiyeen in aan cid kale la isticmaali karin kaydka haamaha shidaalka taas oo ay ka baqdin qabaan in ay yimaadaan shirkado kale oo keena shidaal jaban, Talaabada kale ayaa ah iyaduna in ay jaangooyaan qiimaha shidaalka kuna Iibiyaan qiimaha iyaga u dan ah oo ku qaali ah shacabka xataa hadii caalamka ka jabo shidaalku , waxaana mudadan u danbeeyay kor u kac ku yimid qiimaha shidaalka taasi oo ay ugu wacan tahay xanibaada ku timid shirkadaha kale ee keeni lahaa shidaal jaban oo xiligan ku xaniban biyaha bada Berbera
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO;-Magaalada Gabiley Oo Lagu Qabtay Munaasibad Loogu Dabaal Degayo Xuska Maalinta Qarannimada Js... DAAWO:Hordhac film kii(Qab & iil) ee wariye Cawke iyo C/Salaam Hereri ku matalaya dagaal Oogayaal ... “Dadka Ku Shaqaysanaya Magaca Somaliland Ee Muqdisho Taga, Yaan Maydkooda Xitaa Lagu Aasin Dalkeena"... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|