Shir Ay Iskugu Yimaadeen Qaarkamida Madaxda Dhaqanka Beelaha Waqooyiga Hargaysa Oo lagu Magacaabay Gudi Ka Shaqayndoonta Sidii Layskaga Diwaangalin lahaa Goobihii Xayirnaa Ee Waqooyiga, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir Ay Iskugu Yimaadeen Qaarkamida Madaxda Dhaqanka Beelaha Waqooyiga Hargaysa Oo lagu Magacaabay Gudi Ka Shaqayndoonta Sidii Layskaga Diwaangalin lahaa Goobihii Xayirnaa Ee Waqooyiga,
July 13, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxda dhaqanka ee beelaha dega waqooyiga Hargaysa iyo Gabilay ayaa shir ay isugu yimaadeen  isku afgartay in dadweynaha ku dhaqan deeganada waqooyiga gobolka Maroodi-jeex ay loo faasaxo qaadashada kaadhka diiwaangalinta codbixiyaha  oo mudo khilaaf ka taagnaa deegaanadasi .

goobahan deeganada waqooyiga ee xairnaa ayaa dhawaan xukuumada iyo asxaabta qaranku isla garteen in xayiraada laga qaado isamarkaana dadwaynaha dhulkaasi la diwan galiyo,

Shirkan oo   isuguna yimaadeen  madaxda dhaqanka ,,waxgaradka iyo aqoonyahanka  beelaha waqooyiga Hargeysa iyo gabiley ayaa ka dhacay Hotel Guleed ee magaalada Hargaysa waxaana  la isla qaatay in la faasaxo lix goobood oo ka xayirna dadweynaha ku dhaqan deeganada  waqooyiga Hargeysa  kuwaas oo aan hore u codayn jirin marka  doorashooyinka  dalka ka dhacdo,shirka ayaa mudadii  uu socday lagaga wadda hadlay sidii diiwaan galinta codbixiyaha  maalmaha soo socda looga Bilaabi lahaa  Deegaanada waqooyiga Hargesysa  oo mudo dheer  ka xayirnaa si dadka deegaanadasi uga qaybqaatan codbixinta doorashooyinka soo socda.

Deeganadan waqooyiga Hargaysa ayaa mudo dheer muran badan oo dhinaca xuduudaha gobolada Saaxil,Maroodi Jeex iyo Awdal  ka taagnaa iyada oo wax doorasho ahi aanay ka dhicin dhamaan doorashooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay, taas oo cirka ku laashay dhamaan xuquuqdii ay lahaayeen bulshada ku dhaqan deeganadaasi waqooyiga maroodi-jeex. sida uu warka u xaqiijiyey shabakada wajaalenews Suldaanka Sacad Muuse Suldaan Mawliid saboyso,

Gabogabadiina waxa shirka laga dhax magacaabay Gudi kakooban 17 xubnood oo Beesha Sacad muuse kuwaasi oo ka shaqayn doona darder galinta hawsha  diwaangalinta deeganada hore muranku uga taaganaa ee waqooyiga Hargeysa taasi oo  diwaangalinata  codbixiyasha laga bilaabi doono maalmaha todobaadka fooda inagu soo haya.

Iyadoo la raaciyay sida wararku sheegeen gobolka sanaag.

COMMENTS
LINKS