MADAXWEYNE SIILAAYO MA OGYAHAY MUSUQ MAASUQA DALKA HADHEEYEY?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MADAXWEYNE SIILAAYO MA OGYAHAY MUSUQ MAASUQA DALKA HADHEEYEY??
July 2, 2016 - Written by Editor:

Waxa Mudooyinkan ugu danbeeyey war baahinta dalka soomaliland ku soo noqnoqonayey eedaha musuq maasuq oo aad moodo in xukuumadu dhagaha ka fureysatey iyadoo badi dadku isweydiinayaan halka sartu ka qudhunsan tahay,halka dadka qaarna isweydiinayaan madax weyne siilaayo miyaanu ogeyn sida dadka aqoonta dheer u lihi sheegayaan in madaxweyne siilaayo aqoon dheer u leeyahay cilmiga dhaqaalaha tusaalena u soo qaadanaya halkii uu gaadhsiiyey dawladii soomaaliya iyo sidii ay dowladihii reer galbeedku ugu qanacsanaayeen xisaab celintii uu ka sameeyey[world bank]iyo walibana xiligii xukumadii madax weyne cigaal oo uu ka ahaa wasiirkii maaliyada wakhtigaasi oo dalku la daala dhacayey sixir barar nolosha dadka saameyey sidii uu ugu howl galey uguna guuleystey inuu fadhiisiiyo qiimaha shilinka Somaliland, ayaa manta dad weynaha reer Somaliland isweydiinayaan ciduu ku haleynayo halka dadka qaar ay qabaan in musuq maasuqu ka soo bilaabmo meel hal darajo ka hooseysa uu kuna dhamaanayo mid heer tuulo ilaa geed hoostii oo cashuur lagu qaadayo. Dad kale ayaa qaba nidaamkan maamul daadajinta ee ay wadaan JPLG ay dowlda manta jirtaa u fahantey musuq maasuq daadajin, hadaba waxa is weydiin leh halka uu ku danbeeyey hanta dhowrkii qaranku iyo gudidii dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada iyo Hayadii Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq maasuqa,

Hadaba Xaalku ma waxa uu noqonayaa nin weyn iyo naag umuliso ah midna siduu wax u arkeyo wax uma sheego ,nidaamka dowladaha caalamku ay ku qiimeeyaan dalka waxa ka mida sida dalku sharciga ugu dhaqmo nidaamka xisaab calineed sida hayadaha dowligu u kala madax banan yihiin . hadaba xukuumadan talada dalka heysa waxa lagu badalay hayadahan aan kor ku xusney hadii xukuumadu dhageysan weydo baaqyada golayaasha sharci dajinta, golaha odayaasha,culumaa u diinka dalka,wax garadka iyo salaadiinta oo ka hadlaya musuqmaasuqa dalka hadheeyey ,hada golaha wakiilada waxaa looga fadhiyaa iney u yeedhaan hanta dhowraha guud si xaalada dalka wax ugu weydiiyaan iyadoo dadka qaar farta wadnaha ku haya in maalin maalmaha ka mida ay ku soo toosaan adeegii dowliga ahaa oo meesha ka baxay sida idaacadihii hawada ka bixi jirey hadii ay sii socoto qaatayee qaado. Arimahan socdaa waxay I xasuusiyeen markii uu Maxamed Siyaad Bare saraakiishii milatariga ee korneyl Caynaashe iyo Salaad Gabeyrle oo ay ahaayeen rag mudo badan ay wada shaqeynayeen ayaa waxa uu gartey saxiibkood in kacaanka curdinka ah ugu wan qalo dabadeedna golihii sare ee kacaanka ayaa ku xukumey dil, sidi caadada aheyd dilka marka la soo xukumo waxa loo keeni jirey janankii asluubta Gen,Ismaciil Axmed  Ismaaciil dabadeedna inta uu soo saaro ayuu u akhriyi jirey maxbuuska, dabadeed marka loo akhriyo ayaa lo odhan jirey dardaaran markasuu korneyl Caynaanshe oo ay saaxiib dhow ay ahaayeen Siyaad Bare ayaa is yidhi malaha arintani waa meel dhexe wuxuu weydiiyey janankii asluubta waa saxe dilkan laygu soo xukumey madaxweynihii qaranku jaale Maxamed Siyaad Bare ma og yahay dilkeyga janankii intuu naxay oo cabaar Aamusey  ayuu yidhi haa korneyne waa digreeto madaxweyne,dabadeed wuxuu yidhi korneyl caynaashe fusho howlshaada waa qadare. Markaa dad weynaha reer somaaliland maanta waxay leeyihiin madax weyne siilaayo ma ogyahay musuq maasuqan dalka hadheeyey.

ALLAAH MAHAD LEH.

QALINKII I,G,  AXMED MAXAMED BOOKH[ ISHA)

GABILEY SOMALILAND

COMMENTS
LINKS