WAJAALE NEWS

Hal ka Tag Si Aad U Hesho Kun!

Ka-tanaasul oo faraha ka qaad EEXDA QABIILKA (Qabyaalada) si aad u hesho qaran. Waxaad heli wallaalo badan, ilmaadeero badan, bulsho isku wada mid ah waxaad arki dad badan oo kugu jecel magacaaga iyo aqoontaada.

Fiicanaa haddii layska dayn lahaa qabyaalada, maynu mar uun ka dallacno qabyaalada. wakhtiguu maanu waxba inaga badelayn ma jidh ahaan uun baynu u kornaa? caqli ahaan maxaa inoo diiday inaynu u korno?.

Carruurtu markay yar yar tahay waxay wallaaqdaan wax kasta, wax kasta oo kasoo hor baxa, wax qudhmay, wax macaan wax qadhaadh, wax kasta gacanta ayey galiyaan kadibna way dhadhamiyaan, balse balwadaasi ma aha mid ay ku waaran waa mid ay ka gudbaan oo ay ka dallacaan.

Qabyaaladii waynu ku dhex kufnay oo si walba waynu ugu dabaalannay, walise waynu ka dhex kici kari lanahay inagoo ogaanay inta dhib iyo dheef ah ee ku jirta.

Qofka  laascaanood jooga waxaanu nahay wallaalo, waxaanu ku midownay qaran Kama Ab iyo Aabbo wanaagsani isaguna sidoo kale.

Waxaad sheegataa aqoonyahan waaban kuu qiray oo waabad tahay, maxaad qolka madow iskugu xidhaysaa maxaa kuu diiday inaad iftiinka iyo bannaanka usoo baxdo.

Adigoo qoomiyad dhan yeelan kara maxaad qollo ku fashaa?.

Waxaad badali kartaa qaran waad leedahay awoodii, kartidii iyo aqoontiiba adigaa’se is dulleeyeey.

Anigu waxaan ahay adiga, adna waxaad tahay aniga. Sharaf bay ii tahay in aan lahaado meel laygu garto oo aan kasoo jeedo intaase wax ka badan kaagama baahni.

Igadaa Qabiil Qaranbaa I Deeqee.

W/Q:- Aqoonyahan Axmed Cabdiraxmaan Cabdalla

 

Exit mobile version