Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo ka Qaybgalay Siyaarada Xaaji Daahir Cabdilaahi Oo lagu Qabto Sanad kasta Deegaanka Jufada Ee Gobolka Gabiley.SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo ka Qaybgalay Siyaarada Xaaji Daahir Cabdilaahi Oo lagu Qabto Sanad kasta Deegaanka Jufada Ee Gobolka Gabiley.SAWIRO
July 7, 2016 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah  ee Wadani ahna gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland iyo wafti u hogaaminayo ayaa shalay galab safar ku tagay deegaanka jufada  oo ka tirsan gobolka gabilay  halkaas oo lagu qabanayay siyaarada sheekh caan ka ah dhulka somalida kaasi oo sanad kasta maalinta ku beegan ciidul fidrida lagu qabto deegaanka  jufada oo katirsan gobolka gabiley,

cirro iyo jufo 6 cirro iyo jufo 1 cirro iyo jufo 3

Gudoomiye c/raxmaan ciro oo ay booqashadiisa ku wehelnayeen xildhibaano ka socda golaha wakiilada  iyo masuuliyiin kale  ayaa mudadii uu joogay oo ahayd waqti saacado ah waxa uu halkaa uga duceeyay muftiga ku duugan goobtaas siyaaradu ka socotay oo ay sanadkiba mar isugu yimaadaan kumanaan dad ah oo uga duceeya muftiga.

Alla ha u naxariistee Xaaji Daahir C/laahi oo ka mid ahaan jiray hogaamiyayaasha diinta ee caanka ka ahaa deegaanada somalidu degto  isla markaana ahaa sheekh ilaahay ku manaystay karaamooyinka rabaani ah  lagana arkay mucjisooyin  badan ayaa si wayn looga xusayay siyaaradiisa mudo ku siman 34 sano oo ah mudada ka soo wareegtay geeridiisa.

cirro iyo jufo 2 cirro iyo jufo 3ciiro iyo jufo 7

Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa ah masuul inta badan abaara ficilada ay daneeyaan bulshadu iyada oo la ogyahay in gobolada galbeedka somaliland aad looga xuso dad badan oo ku suntan hogaamiye diineed,Iyo Dariiqada Qaadiriya oo iyadu sal u ah xusuusta iyo xurmaynta culimadii dadka soo gaadhsiisay diinta,

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

COMMENTS
LINKS