Xiisadaha dagaal ee dunnida ku dhexmara laba wadan ama in ka badan waxa lagama maarmaan ah oo wanaagsan in laga hawlgalo sidii xal nabadgelyo lagu dhameyn, dhinaca kale, waxa jira ama muuqda dhinacyo danno ay leeyahiin awgeed u kala raaca oo taageero muuqata ama daddban ugu muujiya dhiancayad ay u dhexeyso midkood, taasina ahayn wax cusub ama la yaab ku noqonayn dunnida inteeda kale maqalkeedu.
Maanta xiisada dagaal ee u dhexeysa dalalka Itoobiya iyo Eriteeriya waxaan qabaa in lagu soo dabaalo xal nabadgelyo ay ku qancaan dhinacyada ay u dhexeyso, dunniduna ka hawlgasho ficil ahaan, balse aanay ku gaabsan hadal keliya, inkastoo wadamada sidaa sameeyeyba tirsan yihiin, xaaladuna u muuqato mid aan wax ka qabashadii ay u baahnayd weli la gelin.
Hadaan u soo noqdo ujeedada maqaalkan cinwaankiisu yahay “Maxaa kala gudboon shacabka iyo xukuumada Somaliland xiisada u dhexeysa wadamada Itoobiya iyo Eriteeriya? Waxaan qabaa inaynu kaalin weyn ka qaadano hadal iyo ficilba hadii loo baahdo sidii xal nabadgelyo loogu dhamayn lahaa, innagoo mar walba maskaxda ku hayna inaan la garab istaagno muruqeena iyo maskaxdeena dalka aynu dannaha badan wadaagno ee Itoobiya, si aynu uga abaalcelino ballanqaadkii uu hore ugu sameeyeey Raysal-wasaarahoodu difaacida Somaliland.
Raysal-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn waxuu 23 bishii May, 2013 shaaca ka qaaday in dalkiisu diyaar u yahay ka difaacida Somaliland weerar kastoo ku yimaada.
Mr. Desalegn oo khudbad u jeedinayey baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu u fidinayo taageero dublamaasiyadeed, ciidan iyo mid dhaqaale Somaliland-hadii ay uga baahdaan.
“Somaliland waa saaxiib iyo jaal muhiim u ah Itoobiya. Kama baaqsan doono inaan difaacno oo ilaalino Somaliland. Waxaan diyaar u nahay inaan u fidino gacan taageero walaalahayaga Somaliland xilli kastoo ay u baahdaan.” Ayuu Raysal-wasaare Mr. Desalegn u sheegay baarlamaanka Itoobiya.
Hadalka Raysal-wasaaraha Itoobiya Mr. Desalegn ayaa ka dambeeyey maalmo ka dib mar uu kulan la yeeshay wefdi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilanyo hogaaminayey oo booqasho ku tegay dalka Itoobiya.
Kulanka oo labada hogaamiye kaga wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta iskaashiga nabadgelyo, waxbarasho iyo ganacsi ee ay wadaagaan.
“Somaliland iyo Itoobiya waxay wadaagaan xidhiidh iskaashi dhow, oon damacsayn inuu sii socdo keliya, laakiin uu balaadho weliba.” Ayuu sheegay Md. Madaxweyne Axmed Siilanyo.
Haddaba, inkastoo maalmo la soo dhaafay dhibaato dad badan oo rayid ahaa ciidamada liyuu police-ka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ku dileen deegaan hoos yimaada Gaashaamo, ilaahay ha u naxariisto oo janadiisa ka ha waraabiyee, maadama gacan ka xaqdaran dileen, taasoo, shacabka Somaliland guddo/dibed iyo xukuumada Somaliland ka hadleen siday uga xun yihiin, looguna baahan yahay in sharciga la horkeeno cidii ka dambaysay, inkastoo wefdi ka socday dalka Itoobiya oo booqasho ku yimi Somaliland oo lagala hadlay u qireen, una shaaciyeen inay ka xun yihiin dhacdadaa, baadhitaan sugana ku samayn doonaan, waxa muhiim ah in xukuumada federaalka Itoobiya mowqif cad iska taagaan, talaabo cadna ka qaadaan ciddii ka dambaysay falkii dilka deegaanka Gaashaamo hoos yimaada iyo dhacdo ilaa manta la werinayey oo ku saabsanayd in ciidamada liyuu police-ku mar kale kaxaysteen wefdi odeyaal iyo waxgarad doonayey inay wada xaajood laga yeesho dhacdadii dilkii, taasoo hadii degdeg loo arki waayi jawaabta xukuumada Itoobiya ka bixisay dhaawaci karta iskaashiga iyo danaha labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, laakiin, dhinaca kale, waa muhiim in shacabkeenu eegaan dannaha dhinacyada kala duwan ee inoo dhexeeya dalka Itoobiya, isla markaana, u istaagaan sidii ay muruq iyo maalba ula garab istaagi lahaayeen, hadii looga baahdo, wax ka qabashada xiisada u dhexeysa Itoobiya, dalka Eriteeriya.
Ugu dambayn, waxaan u soo jeedin lahaa xukuumada Somaliland inay kaalin muuqata iska taagaan xiisadan saamaynta ku yeelan karta amaanka iyo xasiloonida ka jirta dalka Itoobiya, hadday tahay adkaynta xuduudka aynu la wadaagno si aan dhinacyada dibindaabyada la damacsan uga faa’iidaysan xamaasadii ay dhalisay dilkii ka dhacay Gaashaamo, sidoo kale, u soo saaraan masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibeddu qoraal ay ku caddeynayaan mowqifka xukuumada Somaliland ee ku aadan xiisada dagaal ee u dhexeeya wadamada Itoobiya iyo Eriteeriya, iyo sida loogu baahan yahay in xal nabadgelyo lagu dhameeyo, iyo inay muujiyaan taageerada aan gabashada lahayn ee xukuumada Somaliland iyo shacabkeedu la garab taagan yihiin difaacida amaanka iyo xasiloonida dalka iyo dadka Itoobiya, diyaarkana ugu yihiin wax kastoo looga baahdo cudud ciidan iyo maalba. Shacabka Somaliland guddo iyo dibedba waxaan leeyahay, falkii ka dhacay Gaashaamo, yaanu noqon mid aynu ku ilowno abaalo badan oo shacabka Itoobiya hore inoogu sameeyeen xilligii aynu dagaalka kula jirnay taliskii Siyaad Barre, ama sida xilligan hogaamiyaha dalkaasi ugu ballanqaaday difaacida dalkeena, mar walbana ugu diyaarka yihiin difaacida dannaha dalkeena, uguna dambaysay mowqifkii ay iska taageen heshiiskii taariikhiga ahaa ee shirkada DP World, ee dalka Imaaraadka Carabtu oo caalamka ugu horeysa maalgelinta iyo maamulka dekedaha ugu soo dhiiradeen inay maalgashi fara badan iyo casriyeyn ku sameeyeen dekeda Berbera, una soo dhoweeyeen, diyaarkana ugu yihiin inay la difaacaan Somaliland hirgelinta heshiiskaa, halka, wadamada jaarkeena sida Jabuuti iyo Soomaaliya, ama maamulada qaarkood sida Puntland u qarsan kari waayeen siday uga xun yihiin, isla markaana ugala hadleen shirkada DP World, isla markaana ka fogaano inay dannahooda innagu kacsadaan, ama yidhaahdaan waxaynu ku mudaharaadaynaa safaaradaha dalka Itoobiya ee dibedaha cadow badan oo u haliilaya dhaawacida nabadgelyada ka jirta dalka Itoobiya, (anigoo filaya in ololayaasha qaar ka tirsan shacabka Somaliland guddo iyo dibed ay ku dhaleecaynayaan danaha Itoobiya yihiin kuwo si gaar ah wadammo jaararka ama dibedahu uga dambeeyaan, kuwa doonayaan inay ku xumeeyaan ama burburiyaan iskaashi dhow ee u dhexeeya Somaliland, si markaa caqabado ay ku soo qaadi lahaayeen dannaha Somaliland sida heshiiska DP World ugu hirgalo, marka labada wadan ee Itoobiya iyo Somaliland isku dhacaan, ilayn waa ceebe daba socodka wadanka Itoobiya, ee u diyaarka ah difaacida danahaaga), suurtagalna maaha inaynu danno u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo ay dhaxalkeeda yeelan doonaan jiilasha dadkeena ee qarniyada soo socda u baabi’ino xilligan dhacdo kooban oo xal laga gaadhi karo, xalkeediina labada wadan ka wada hadleen, isla markaana, meel uga soo wada jeedsano hadaan nahay shacabka Somaliland guddo iyo dibedba isgarab taaga shacabka iyo xukuumada Itoobiya, wakhtigan dagaalka ay kula jiraan dalka Eriteeriya, sida iyaguba (Itoobiya) innagoon ka dalban u cadeeyeen mowqifkooda ku waajahan horumarka Somaliland, hadii kale waxaynu noqon doonaa ummad aan gudin abaalo hore ugu galeen shacabka iyo xukuumadihii Itoobiya, taasoo aan filayo inaynaan noqon doonin dad sidii loogu lisay aan u hambayn.
Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye)