Axmed Siilaanyo Iyo Xisbigiisa Kulmiye Waxay Dalka keeneen Oo ay ku Maamulaan Nidaam la Odhan Jirey Burjuwaa!! Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Axmed Siilaanyo Iyo Xisbigiisa Kulmiye Waxay Dalka keeneen Oo ay ku Maamulaan Nidaam la Odhan Jirey Burjuwaa!! Cali Xaraaro
June 22, 2016 - Written by Editor:

Ka hor ka jiri jirey dalalka yurub, waa Nidaam halis ku ah sii jiritaanka JSL una Daran dadkeena oo danyar u badan isla Markaana waa nidaam inta yari

Ay ku dul noolaato inta badan,

Kelmeda Burjuwaa macnaheeda waxa

Lagu macneeyey caloosha xaaraanta,

Sida taariikhdu qortey (1675) waxa dalka Faransiiska ka talin jirey boqortooyadii la Odhan jirey liwigii afar iyo tobnaad oo Dalka ku maamuli jirey nidaamka Burjuwaaga,

Tirada dadka faransiiska waxa xiligaa Lagu sheegey (26) milyan oo qof,

Dabaqado kala sareeya ayaa dalka ka Jirey, (3) milyan oo dabaqada Burjuwaaya Ayaa ku dul noolaa (23) milyan oo faransiis ah oo noloshoodu liidatey, Dabaqada Burjuwaagu waxay ka Koobnaayeen kuwa xukunka haysta oo Ay uugu sareeyaan,

  1. Boqorka iyo qoys kiisa.
  2. Ganac satada kuwa ay isku danta Yihiin,
  3. Baaderiyada mikinisedaha.
  4. Kuwa dhaqanka lagu sheegey.

Intaas iyo in u adeegta mooyaane dadka Inta kale bakhtiga ayaa xalaal u ahaa, Weliba waxa u dheeraa xaqdarada lagu Hayey cida laga dareemo damqasho iyo Wixii la mida saqda dhexe ayaa guryaha Lagala bixi jirey dibna looma arki jirin,

Ugu dambeyntiina dalka faransiiska waxa Ka dhacay kacdoon dad weyne oo Gacmaha la iskula tegey halkaas ayaa Lagu bur buriyey boqortooyadii iyo Burjuwagiiba, tirada dadka ku dhintey Kacdoon Kaas waxa lagu qiyaasay (7) Milyan oo faransiis ah, ka dibna markii Xaaladu fara ka baxday ee dhiigu Qulquley dadka Faransiisku waxay Samaysteen oo ay ku heshiiyeen Sharciga ay ilaa maanta kuwada

Noolyihiin,

Hadaan dalkeena u soo noqdo waxba

Kama duwena xaaladii xiligaa ka jirtey Dalka faransiiska,

Distoor iyo sharci toona kama shaqeeyo

Dalkeena oo waa la iska tiiriyey,

Qaabka nidaamka dalkeenu u dhisan

Yahay ayaa ah sidan soo socota,

  1. M/weynaha qoys kiisa iyo inta ku

Jirta maamul kiisa.

  1. Ganac satada kuwa ay isku

Danta yihiin sida kuwa la siiyey haamaha

Berbera kuwa la siiyey wershedaha laydhka lamana odhan karo runtii waa

Ganac sato waxay la mid yihiin Xasharaadka la yidhaahdo tukhaanta oo Waxay cabaan dhiiga shacbiga,

  1. Salaadiin samays ah oo aan ahayn Salaadiintii beeluhu lahayeen isla

Markaana habeen iyo maalin dhex

Taagen qasriga m/tooyada,

  1. Kuwo culumo sheegta oo loo

Adeegsado jaha wareerka shacbiga

Isla markaana aan ka hadal tacadiga

Iyo dhibaatada lagu hayo shacbiga,

Maanta waxa jira ilaa (3) kun oo ka

Tirsan dabaqada Burjuwaaga isla

Markaana u nool sida boqorada carabta

Oo aan la moodin iney joogaan JSL,

Waynu ka war haynaa inaan caruurtu

Wada helin wax barasho loo siman yahay Waynu ognahay inaanu jirin dhakhtar iyo Goob caafimaad oo loo siman yahay,

Waxaynu ka war qabnaa inaaney jirin

Cadaaled loo siman yahay,

Waxa intaas raacda waxyaalo aan

Marna lays odhan waxay ka dhici kartaa Dalkeenan yar ee faqiirka ah isla Markaana aan weli cidi aqoonsan sida Hantida umada ee la dhacay oo

Lagu qiyaasay boqolaal milyan oo doolar Oo hadana aaney jirin cid ka halaysa iyo

Cid is weydiineysaa toona,

Ka darane lacagtaas inta debedaha la

Dhigtey mooyaane inta kale waxa

Lagu isticmaalaa isku dirka iyo kala Fogynta dadkii waxan lahaa,

Waxa kaloo lagaga shaqeeyaa Cabudhinta saxaafada iyo in lagaba Dhigto saxaafada mid Burjuwaaga u

Adeegta si aanay dad weynuhu waxba u Ogaan, runtiina saxaafadu intii ka

Horeysey maamulkan Axmed Siilaanyo Waxay u adeegi jirtey shacbiga imikase

Saxaafada badan keedu waxay u

Adeegtaa maamulkan hada jira,

Waxa kaloo jira ciidamo loo taba baray

Cabudhinta iyo guryo u daadashada oo Loogu tala galay kolba cida laga dareemo Damqasho iyo iney kasoo hor jeedaan Burjuwaaga, waxaan kusoo gaabinayaa Qoraalka inta aanu kacdoon dad weyne Ka dhicin dalka farahana aanay ka bixin

Waa in meel looga soo wada jeesto is

Dhaafinta maamulkan Burjuwaaga,

Hadii kale waxay gaadhi meel aan dib Looga Soo celin karin, AHN wuxuu yidhi

Abwaan Gaariye,

Samada kamay iman waxaa rag isa

Siiyeene saamigeygii ayaa laga

Tabcaday sarahan dhaadheer.

Ana waxaan ku daray

Saxaafada waxa loo sacsacey

Boogta yey sarin.

COMMENTS
LINKS