Hargeysa(W,N)-Kulan dhaqameed ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa habeenkii xalay lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo kala duwan oo ay soo bandhigeen kooxo dhaqameed ka kala socday Maydh,Ceerigaabo iyo Gabiley.
Abwaan Hurre Walanwal oo ka mid ah abwaannada dalka isla markaan aqoon durugsan u leh hiddaha iyo dhaqanka Somaliyeed ayaa dhallinyarada Somaliland kula dardaaran inay ilaaliyaan dhaqanka,adeecaanna saddexdooda waalid,waxa kale oo uu soo jeediyay inay han sare yeeshaan .
Abwaan Hurre Walanwal waxa uu goobtaasi ka tiriyay gabay ka hadlay dhaqanka suuban ee Somalida iyo hodantinimada afka Somaliga.
Kooxdah milgaha fanka iyo dhaqanka ee gobolka Gabiley oo iyadu habeenkan marti ahayd ayaa soo bandhigtay ciyaaro kala duwan
Hoggaamiyaha kooxdaasi ayaa sheegay inay u dhisan yihiin in kor loo qaado hiddaha iyo dhaqankii Somaliyeed iyo soo noolaynta fanka .
“Waxa nagu dhalliyay inaanu kooxdan aas aasno iyadoo loo baahan yahay in kor loo qaado dhaqankeenii iyo fankeenii ,waxaanu xarunta dhaqanka u sidnaa afar ciyaar dhaqameed,jaandheerta,hirwada,batarka iyo saylicida”ayuu yidhi hoggaamiyaha kooxda Kooxdah milgaha fanka iyo dhaqanka ee gobolka Gabiley
Gabagabadiin kulan dhaqameedkan waxa xarunta dhaqanka ee Hargeysa lagu soo bandhigay heeso waddani ah oo ka tirsan kuwo ay ugu tallo galeen xuska qaran ee 18ka May.
Hargeysa