Qormooyin Taxane Ah Oo Aynu Diirada Ku Saarayno Habaar Qabayaasha U Dhashay S/land Ee U Boholyoobay Shaadhka Iyo Shilinka Xukuumada Taagta Daran Ee Maganta U Ah Ciidamada Amisom | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qormooyin Taxane Ah Oo Aynu Diirada Ku Saarayno Habaar Qabayaasha U Dhashay S/land Ee U Boholyoobay Shaadhka Iyo Shilinka Xukuumada Taagta Daran Ee Maganta U Ah Ciidamada Amisom
May 26, 2016 - Written by Editor:

SHIRQOOLADA DHAGARAYSAN  EE RAYSAL WASAARE KU XIGEENKA SOOMAALIYA MAXAMED CUMAR CARTE  UU KU BURBURINAYO KUNA WIIQAYO MIDNIMADA SHACABKA DIMUQURAADIYADA IYO NABAD GALYADA QARANKA S/LAND KU CAANO MAALAY

Iyadoo Bulsho Waynta S/land u dabaal dagtay Sanad Guuradii Shann iyo Labaatanaad ee ka soo wareegtay Maalintii lagu dhawaaqay la soo noqoshada  Qaranimada S/land 18/5/1991 waxaan ku sabootiyaynaa Bishan Barakaysan ee May Qormooyin taxane oo aan ku lafo guri doono Habaar qabayaasha u dhashay S/land balse u boholyoobay Shaadhka iyo Shilinka Dawlada Taagta Daran ee Muqdisho iyadoo Qormadan aynu ku soo qaadan doono Raysal  Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya ee Maxamed Cumar Carte Qaalib .

Ugu horayna Akhriste aynu  iswaydiino Su”aalahan, Maxamed Cumar waa sidee dareenkiisu Maalinta Tolkii,  Qaraabadiisa,Xigaalkiisa, Saaxiibadiisa, iyo Bulsho Waynta S/land ay u dabaal dagyo lagu waynaynayo Xuska  Maalinta la soo noqoshada Qaranimada S/land ee 18 May? Maxaase ku kalifay in uu ka baxo Go”aanka ay Bulshada S/land kula soo noqotay Midawgii Koonfurta Soomaaliya 1960?  Kaalintuuse kaga jiraa liiska habaar qabayaaasha u boholyoobay  shilinka iyo shaadhka xukuumada taagta  daran ee muqdisho ? Talada uu ku tagay Muqdisho miyuu la wadaagaa    Aabihii Cumar Carte ? Miyayse farxad galisay mise wuu ka murugooday Cumar Carte iyo qoyskiisu markii wiilkiisu uu ku biiray habaar qabayaasha u boholyoobay shilinka iyo shaadhka dawlada taagta daran ee  Muqdisho ? Saaxiibadii faraha badnaa ee uu ku lahaa S/land gaar ahaan Caasimamada Hargaysa waa sidee dareenkoodo ? Xidhiidh noocee ah ayaase ka dhexeeya Saaxiibadii, Qaraabadii iyo Ehelkii uu ku lahaa Gayiga S/land ? Xillka uu ka  qaatay  Xukuumada Soomaaliya ee  ku Xigeenka Raysal Wasaaruhu   ma yahay mid u qalma  ?  Talaabadan uu Maxamed Cumar kaga mid noqday Xukuumada Taagta Daran Ee Muqdisho ma tahay mid baabiinaysa oo masaxaysa taariikhdii Abtigii ,iyo Aabihii Cumar Carte Qaalib iyo Qoyskiisu uu ku lahaa Dalka  S/land ?

Dhamaan Su”aalahan  Jawaabahoodo waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha Qormadan .

Shaki kuma jiro  in uu Cadwga Jamhuuriyada S/land hadh iyo habeenba ku hawlanyahay in uu burburiyo ama wiiqo Midnimada Shacabka , Dimuquraadiyada iyo Nabad galyada S/land ku soo caano maashay ,Waana  hubaal in uu Cadawga Qaranka S/land Saacad  kasta maleegayo shirqoolo  dhagaraysan isagoo  ay u adeegayaan  shaqsiyaad damiir laaweyaal ah oo u dhashay Wadanka S/land oo u boholyoobay Shilinka Dawlada iyo Shaadhka Dawlada Shaqsiyaadkan  S/land u dhashay ee xillka u doontay Dawlada Muqdisho ee Ciidamada Afrika maganta u ah ayaa Diiwaanka Taariikheedka lagu xusi doono midkastaa hadimooyinka uu u gaystay Qaranka S/land iyadoo aynu Qormadan manta diirada ku saari doono mid ka mida Habaar qabayaasha u tafo xaytay in ay burburiyaan midhihii ka soo baxay Dhiigii Mujaahidiintii ku naf waayay kuna laxaad waayay Halgankii dib u xoraynta ee SNM ay hormoodka ka ahayd .

maxamed cumar

Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo  Madaxwayne Xasan SH Maxamuud Xillka u magacaabay  24/1/2015  waxuu  ka mid yahay Siyaasiyiinta  ku abtirsada siyaasada Aabihii Cumar Carte  waxuu xillal kala duwan ka soo qabtay Jamhuuriyadii Soomaaliya  ilaa uu  darajada ugu saraysa  ee Raysal Wasaare ka gaadhay  Dadka aqoonta gaara u leh  shaqsiyada   Cumar Carte  waxay ku tilmaamaan Nin Kursi  jacaylku madax maray balse Caqli lagu Hogaamiyo iyo Curinba lagu ogayn iyadoo dhaliisha Kursi jacaylku  marag looga dhigayo  Qaabka ay ku dhalatay iyo Sooyaalka Cali Mahdi oo Madaxwayne noqday  ee  Raysal Wasaaraha ka dhigtay , Waqtiga uu qaatay  iyo Xaalada lagu jiray oo ahayd  Waqti kala guura iyo colaad baahsani ay ka dhacday dalkii la isku odhan jiray  Jamhuuriyadii Soomaaliya waqtigaas oo  Xukuumadii Kalidii Taliyihii Siyaad Bare ay burburtay iyadoo Dawladii  Cumar Carte  uu Raysal Wasaareha ay  mudo oo Laba Sanno jirtay ay gabi ahaanba ku guul daraysatay in ay nidaamkii iyo kala danbayntii Dawladnimo soo celiso Dadkana dib u heshiisiin u samayso .

Inkasta oo Taariikhdu ka marag kacayso in ay Dawladi uu Raysal Wasaaraha ka noqday Cumar Carte Qaalib ay  ku guul daraysatay soo noolaynta  Nidaamkii Dawladnimo ee Jamhuuriyadaii Soomaaliya waxuu mar Labaad u soo Digo Rogtay  S/land isagoo ka qayb galay Shirkii beelaha S/land ee Magaalada Boorama 1993 waxaanu isku sharaxay   Cumar Carte Madaxwayne inkasta uu ku guul daraystay  Geeridii Marxuum Cigaal ka dib  waxuu mar kale  Cumar Carte ka qayb galay  urururadii ugu horeeyay ee S/land yeelato waxaanu yagleelay Ururkii Hormood isagoo Murashax Madaxwayne ka ahaa  balse wuu ku guul daraystay in uu u soo gudbo Xisbi Siyaasadeed   dabayaaqadii Sanadii 2002  Inkasta oo Waqtiyadan u danbeeyay Cumar Carte uu  ku nool yahay Dalka Sucuudiga  da”aduna ay  u run sheegtay Dadka Aqoonta gaara u  leh waxay  Xaqiijinayaan in talada uu Maxamad Cumar uu ku qaatay Xillka Quudhsiga ah Raysal Wasaare ku Xigeenka Xukuumada maganta u ah  Ciidamada Midawga Afrika ee Xasan Sheekh Maxamuud  Soomaaliya uu la wadaagay  taladii Aabihii Cumar Carte mar hadii aanu Cumar Carte iyo Qoyskiisu ka dareen celin oo ka hadlin dhabar jabinta iyo xagal daacinta uu kula kacay Go’aankii Bulsho Waynta S/land kula soo noqotay Qaranimada S/land.

La Soco Qormada Labaad Oo Xiiso Badan Oo Aan Kaga Hadli Doono Shirqoolada  Iyo Hadimooyinka Uu Ka Wado  S/land Dhexdeeda .

Qalinkii Bashiir Daahir Cumar

Wadani ]USA .

 

COMMENTS
LINKS