WAJAALE NEWS

Labadii Nasiib Ka Badnaa .W/D: Sharmarke Cabdi Ibrahim (Dhuux)

Suleekha waa Gabadh aad u da,yar,qurux iyo qaayo alle ku manaystay,waxa ay ku dhalatay dal ka mid ah dalalka carbeed,iyada oo aad u yar ayey

Nolasha aduunka ayaa waxay ku dhisan tahay waayo kala gedisan,waxaa dhexdeeda ku loolamaaya wejiyo kala duwan,hadba waxaad ku jirto ayaa kugu reebaaya xasuuso aan xiskaaga ka bixi Karin.inta badan waxaa noloshaas ugu muhiimsan nolosha kugu soo marta waayo farxadeed,nolosha farxada ku dhisan waxa ay kaaga tagtaa xasuuso farxadeed oo aad hadba sidii canjalada maxkasdaada ku soo noq noqata,hadaba waxaan idinla wadaagi doonaa waayo jacayl iyo farxad koobsaday oo ay soo mareen samiir iyo suleekha,

Suleekha waa Gabadh aad u da,yar,qurux iyo qaayo alle ku manaystay,waxa ay ku dhalatay dal ka mid ah dalalka carbeed,iyada oo aad u yar ayey ka soo guureen dalkii ay ku dhalatay,waxay soo degeen magaalada burco

ee xarunta gobolka togdheer,waxay halkaas ka bilawday waxbarshadeedii aas aasiga ahayd,muddo markii ay ku jirtay waxbarashadii hoose waxay u gudubtay waxbarshadii dhexe,markii ay ku jirtay dugsiga dhexe waxa ay is barteen samiir oo ay aad iskugu dhowaayeen waxna isku ahaayeen,samiir isagu waxa uu dhameeyey waxbarshada dugsiga sare waxaanu isku diyaarinayaa inuu waxbarasho debedeed u baxo,wakhti habeenimo ah ayaa waxaa soo wacay talefanka gacanta ee suleekha,samiir oo damacsanaa inuu usoo bandhigo inuu la sameeyo xidhiidh jacayl oo dhex maro labadooda,sheeko guud iyo is xaal waraysi markii cabaar lagu jiray ayuu si kedis ah ugu soo bandhigay suleekha arintii uu ka doonayey.u qaadan waa iyo afkala qaad ayaa ka soo hadhay suleekha,waxay kala garan weyday habeen iyo maalin ka ay ku jirto,waxaa la soo yaraaday dhulkii baaxada lahaa,waxaa ku dhegay naqaskii,waxay weyday hawadii ay qaadanaysay,waxaa ka dhici gaadhay talefan kii ay ku hadlaysay,shoog ayaa qabsaday,wadne xanuun aanay la haan jirin ayaa markiiba asiibay,

Maxaa dhacay suleekha waa markii ugu horaysay ee uu qof usoo bandhigo xidhiidh jacayl,samiir ayaana noqday qofkii ugu horeeyey ee arintaas usoo bandhigo,markii ay xoogaa aamusnayd waxay si hal haleel ah u goysay talefankii,samiir wuu gartay in arintani ay ka yaabisay balse waxa uu go,aan ku gaadhay inuu ku celiyo Maxaa dhacay waxa uu ogaa in aduunkan waxkasta mar la bilaabay,oo aanay dhib ku jirin arintan uu usoo bandhigay suleekha,cabaar markii ay dhegaysatay dhicitaanka talefan ka ayey ka qabatay,tiiyoo aad moodid inay aakhiro ka soo hadlayso,codkeedii diniiqa ahaa ayuu ka gartay in arintani ay saameyn ku yeelatay,kolkaa isaga oo isticmaalaya xirfadiisa waayo arageed waxa uu u guntaday sidii uu u dejin lahaa xaalkeeda arintana ugu qancin lahaa,

Waxa uu bilaabay inuu u sheego inaanu khalad samayn balse uu iyada ka doortay dumarka aduunkan guudkiisa saran,waxa uu u sheegay inuu geyaankeed yahay,oo uu guur iyo guri ula diyaar yahay,waxa uu u sheegay inuu ku qanacsan yahay inuu xidhiidh jacayl la sameeyo si uu aakhirataan ka u gaadho hanashadeeda.waxa uu sawir buuxa ka siiyey Habka uu doonaayo inuu ula noolaado iyo sida uu ku talo jiro haddii alle la qabto.suleekha oo hadalkii ka habaabay oo aan is ogayn ayaa goor dambe ku jawaabtay waan ka soo fekerayaa ee wakhti Isii,farxad iyo damaashaad ayaa u bilaabmay samiir, isaga oo hamuun kalgacayl ka muuqato ayuu ku jawaabay waan ku siiyey wakhti ee soo tasho waanna ku sugayaa.waxay isla qaateen in ay muddo laba cisho ah kaga soo jawaabto arintaas,sidii ayaana lagula hoyday,samiir waxaa u bilaabmay farxad iyo rayn rayn aanu weligiis arag Maxaa yeelay waxa uu helay dheeman uu muddo dheer ku raad joogay helisteeda,dhankeeda suleekha waxa u bilaabmay waayo aan hore u soo marin,wer wer iyo walbahaar ayaa korkeeda daboolay,kun su,aalood ayey is weydiinaysaa oo aanay jawaabtooda hayn,wey yaabsan tahay oo wax aanay filanayn ayaa ku soo biiray,waxay is weydiinaysaa miyaanu samiir ahayn qofka arinta kuu soo bandhigay?,weligay ba walaalkay ayaan u haystay ee miyaan islahaa adiga ayuu kaa bilaabayaa?.oo haduu kaa bilaabay ma dhib ayaa ku jirta?alla miyaan garanayaa,laakiin weligay ismaan lahayn samiir ayaa xidhiidh jacayl kuu soo bandhigaaya,waa aduunyo wax walba ka filo,

Midkastaa dhankiisuu ula dheelmay Caashaqa,wax dharaaro la sugaba waxaa la soo gaadhay balantii u dhaxaysay labadooda,goor fiid cawl hore ah ayaa waxa la soo wacay talefan ka samiir,kolkii ba waxa uu eegay cida soo wacday,waxa uu xaqiiqsaday in ay suleekha tahay ruuxa soo wacayaa,markiiba waa uu ka qabtay,salaam gacaltooyo iyo is xaal waraysi guud ayaa la galay,waxa xoogaa lagu daahay salaantii iyo is waraysashadii,wax afka laga dhawro  biyo dhaca sheekada,ayaa samiir waxa uu su,aalay suleekha jawaabtii ay soo gaadhay,suleekha oo xishood badani ka muuqdo ayaa u sheegtay samiir inay aqbashay,waah waah,samiir ayaa farxad waalan gaadhay,qosol uu ka muuqato kalgacayl badan ayaa lays dhaafsaday,waxaa habeenkaas bilaabmay jacayl dhameystiran,waxa go,aan lagu gaaray in habeenkasta laysa soo Waco oo wakhti sheeko ah la wada qaato,waxay noloshii sidaas ku socoto,wax la maalo Caashaqa oo lagu laafyoodo noloshaas,ayaa waxaa la gaadhay wakhtigii samiir uu u bixi lahaa waxbarashadii debeda,waxaana si kedis ah loogu soo sheegay in ogolaanshihii jaamacadu usoo baxday sidaas darted aanu wakhti badan haysanin ee uu deg deg usoo baxo,samiir talo ayaa ku cadaatay waxa uu go,aan ku gaadhay inuu la tashado suleekha arintii iyo sidii wax u dhaceena uu la wadaago,kulamo is daba joog ah iyo falaqayn dheer ka dib waxay talo ku gaadheen in samiir jaamacadiisa soo dhamaysto,kolka uu soo dhamaysto ka dib ay is guursadaan oo ay nolosha qaybsadaan inta ka dhiman noloshooda,

Samiir waxa uu u xidh xidhay sidii uu u bixi lahaa,waxa uu galay diyaar garawgii ugu danbeeyey,kama danbaystii subax salaaseed ayuu go,aan ku gaadhay inuu dalka ka baxo,waxa habeenkii la wadaagay sheekadii ugu xiisaha badnayd abid maadama ay yihiin dad berrito kala an babaxaaya,sidii ayuu waagii ku beryey samiir waxa uu wacay talefankii suleekha,nasiib darose wuu xidhnaa,wakhti badan muu haysan oo uu ku sugo,fariin kooban ayuu u dhaafay,isaga oo leh

(an ba baxaye socodkaa

Inaan eebe igu qadin

Adiguna dheh aamin)

sidaas ayaanu ku an ba baxay samiir,mar labaad waxaa u bilaabmay labadoodiiba waayo kale oo cusub.feker iyo xasuuso hor leh ayaa maankoodii degay,samiir muddo ku siman afar sanood ayuu dalka ka maqnaan doonaa oo uu jaamacada ku soo dhamayn doonaa,

Suleekhi waxay ka war sugaysaa muddadaas dheer ee aanay garanayn sida uu xaalku ku danbayn doono,xiise ka badan kii ay markii hore u haysay samiir ayaa hada ku soo laba kacleeyey,waxay niyada iska leedahay ayaan badanaa qof samiir subax walba arkayaa,hada waxkasta waa is bedeleen,xidhiidhkoodii waxa uu isu bedelay email iyo amuuro la mid ah,halkaas ayaa laga soo wada xidhiidhaayey tan iyo maalinkii uu dalka ka soo dhoofay samiir,kalgacaylkii  u dhaxeeyey waxa uu gaadhay meel halis ah,dhanbaalada iyo heesuhu wey xarad beeleen email ka lays kugu soo dirayo,wax sidii loo laban laabo jacaylka waxaa la gaadhay wakhtigii samiir jaamacada soo dhamaynayey,mudo afar sano ah ka dib samiir waxa uu soo dhameeyey jamacadii uu mudada dheer waday,waxa uu ku soo noqday dalkiisii Hooyo,soo dhoweyn iyo farxad aan dhamaad lahayn ayaa lagu qaabilay kolkii uu dalka kusoo noqday,dadka sida daran ugu jeel qaba inay indhaha sooraan samiir waxaa ka mid ah mataantiisii suleekha oo iyadu aad ugu jeel qabta jamashada samiir,waxa u soo gaadhay magaaladiisii  iyo dadkiisii,markii uu indhaha saaray suleekha oo ku sugaysa banaanka hore ee airport ka ayuu ku soo cararay intuu dhigtay wixii uu sitay oo dhan, waxa layskugu dhegay sidii laba qof oo dhul fog ku kala cilaalnaa,qosol googoos ah ayaa lays dhaafsanaayey,kulan koodi koobaad ka dib waxaa lays balansaday wakhtiyo hore leh oo hamuunta jacayl layska hiishado,wakhtiyo iyo  waayo wanaagsan ka dib waxaa go,aan lagu gaadhay in ay is aroostaan sidii lagu heshiiyey belawgii  noloshooda,

Arooskii iyo hawlihiisii ayaa la guda galay, sidii loo qorsheeyey ayaanay waxkastaa ugu hagaageen,samiir iyo suleekha hada waxa ay ku nool yihiin hoy ku yaala magaalada hargeysa,samiir waa cilmi baadhe sare oo wax ka dhiga in ka badan afar jaamacadood oo ku yaala Somaliland,suleekhana waa marwo haysta laba wiil oo mataano ah oo ay isku dhaleen samiir,waxaanay iskula nool yihiin hoy ku haboon noloshooda qoysnimo oo ku yaal koonfurta magaalada hargeysa,intaas ayaan ku soo koobaynaa samiir iyo suleekha iyo jacaylkoodii hirgalay,

w/d: sharmarke cabdi Ibrahim (dhuux)

Email: sharmarke09@outlook.com

Addis ababa Ethiopia.

Exit mobile version