Gudoomiyihii Degmada Tog Wajaale oo Xilkii laga Qaaday Iyo Magacaabista Masuul Xilka gudoomiyenimo Hore Usoo Qabtay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Degmada Tog Wajaale oo Xilkii laga Qaaday Iyo Magacaabista Masuul Xilka gudoomiyenimo Hore Usoo Qabtay.
May 31, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran cade Ayaa Maanta Xilkii ka Qaaday Gudoomiyihii Magaalada Ganacsiyeedka Tog wajaale Ee Gobolka gabiley.

xilwareejintii wajaale

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ayaa masuul cusub usoo magacaabay Degmada  Tog wajaale

Warsaxafadeedkan kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha ayaa u dhignaa sidan

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha markuu arkay baahida loo qabo in la dardargaliyo waxka  badalna lagu sameeyo maayarka magaalada tog wajaale markuu tixgaliyay cabshada ganacsatada, waxgaradka iyo dadwaynaha degmada togwajaale wuxu xilkii gudoomiyaha  ka qaaday  Cabdi Saleebaan Koshin maayarkii hore ee magaalada wajaale

Sidoo kale Wuxu Wasiirka    digrayto taa lamida ku magacaabay Aadan Cilmi Shiine in uu maanta gala bilaabo ahaado gudoomiyaha degmada togwajaale.

Gudoomiyahan cusub ee magaalad tog wajaale loo magacaabay ayaan ahyn masuul  xilkan gudoomiyenimo ku cusub kaasi oo uu  hore  xilka gudoomiyaha ugala wareegay isla gudoomiyahan la badaley ee uu isna xilka ka tirsan doono maalmaha soo socda, mudo dhawr bilood ah horteeed

COMMENTS
LINKS