|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Ma Dawlad kale Oo Tan Madaxweyne Siilaanyo Aan Ahayn Ayuu U Shaqeeyaa?
May 26, 2016 - Written by Editor:Tan iyo safarkii Madaxweyne Siilaanyo kaga qayb gelay caleemo saarkii Madaxweynaha Djibuuti oo dadka badankoodu dhaliileen hab maamuuskii lagu qaabilay Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan goobtii la fadhiisay oo dadka dhaliilahan soo jeediyay ay arkeen meel aan maqaam ahaan ku haboonayn, dhaliilahaas oo qaarkood xambaarsanaayeen aflagaadooyin waxaa si buuxda raaligelin iga bixiyay Wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JSL iyo xubno kale oo fara badan ka mid ah sulaadiinta dhaqanka JSL Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mr. Ramaax waxaa ka mid yahay masuuliyiinta xilka ka haya Xukuumada Siilaanyo ee sida weyn u dhaliilay Dawlada Djibuuti oo ku tilmaamay cadawga Somaliland Inkasta oo xukuumada oo ka mid yahay Gudoomiye Ramaax ay raaligelin ka bixisay hadana Gudoomiye Ramaax waxaa weli sii wadaa dhaliilihiisi ka dhanka ahaa Dawlada Djibouti Hadaba Su’aasha dadka arimaha siyaasada u dhuun daloola ay is weydiinayaan waxay tahay
Mise xaalkiisu waa Daayeer dhici waayay laan buu haystaa
Qalinkii Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Talyaani) Related posts:Daawo:Waraysi Dheer Oo Xaasaasi ah OoLala Yeeshay Gudoomiyha Hadhaaga Xisbiga Ucid Faysal Cali Wara... DAAWO; Shacbi Waynaha Waxaan Leeyahan Xisbi Kasta Oo Inaga Mid Ahi Cod Bay Idinku Leeyahay Ee Dhiig... Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Yeeshay Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Jsl Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Ba... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|