WAJAALE NEWS

Dhibta iyo Dhabar-Jabka ay Horseedi Karto Wareejinta Dekeda Berberi

Sidaynu wada ogsoonahay dekeda Berberi waa isha ugu dakhliga iyo dhaqaalahaba badan dalkan uu illahay inuggu uumay ee Somaliland, 80% dhaqalaaha dalku wuxuu ku soo baxaa dekedaa waana meesha kaliya ee ay ka shidaal iyo cuudba qaataan inta dawlada u shaqaysaa ha ahaato madax ilaa mijo iyagoo ay ugu mudan yihiin cudduda gaadhka ka haysa amniga iyo kala danbaynta aynu ku naalaano kuna gama’ano mandaqada Geeskana dheernahay. Bulsho-waynta reer Somaliland waxay  ka wada dheregsan yihiin kaalinta waxtarka  iyo muga balaadhan leh ee ay dekeda berberi kaga jiro dalka iyo siday lafdhabarta ugu tahay dhaqaalaha dawlada Somaliland,dekeda berbera waa ma hurto lagu soo hirto oo la hiigsado dadkeenuna ka tabcadaan, waa haro la wada quuto oo min Laascaanood ilaa Saylac la wadda dheefaso.

Waa daruuri iyo lagama maarmaan in la sii balaadhiyo oo la tayeeyo marsada Berbera si kobeceena dhaqaale u sii kardho dakhligeenuna koru kac sameeyo nolosha dadkuna ka sii fiicnaato halkay maanta taagan tahay, waxa kaloo muhiim ah in la maalgaliyo si ay tartan ula gali karto dhigeeda ku yaal geeska Afrika, waxase iswaydiintu tahay yaa maal galinaaya? Sidee loo maalgalinayaa? Iyo maalgalin noocee ah ayey u baahan tahay Dekedu? Dhamaan su’aalahaasi waxay xujo iyo lama dhaafaan ku yihiin heshiiska ay xukuumadeenu lasoo gashay shirkada DP World iyo sida leexsan ee uu heshiiskaasi u dhacay waayo ma cadda nooca maalgashi ee dekeda lagu samayn doono iyo kay dekedu u baahan tahay midna, ma jirto cilmi baadhis laynoo soo bandhigay oo ka turjumaysa baahida ay maanta dekeda beriberi u qabto maalgashi, waxaana waajib daruuri ah ahayd in qaybaha kala duwan ee ay bulshadu ka kooba tahay laga dhaadhiciyo muhiimada iyo sababta heshiisan loo galayo iyo waliba baahida dabada ka riixaysa xukuumadeena inay dekeda cid kale kula shuraakowno oo ku wareejiso.

Qodobada hordhaca ah eek u jira heshiiskan maalmahsnba hadal hayntiise badnayd  waxa ka mid ah:

Shirkadda DP World waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dhan 30 Sannadood.

Shirkaddu waxay galinaysaa dekeda lacag dhan 430 malyan oo Dollar.

Tobanka Sanadood ee ugu horeeya waxay shirkaddu dekeda berbera galindoontaa lacag dhan 10 Malyan oo Dollar.

10 sanno ee hore shirkadu waxay Somaliland siindoontaa 25% dakhliga ka soo xarooda dekeda, 75%  hadhayna shirkadaa qaadan doonta.

20 Sanno ee ku xigana way kala qaybsan doonaan dakhliga ka soo xarooda dekeda.

10 sanno ee hore haday dekedu isku bixin waydo shirkaddu waxay ka baxaysaa heshiiska.

15 Million oo xaqul qalin ah.

Dhamaan dhawrkaa qodob ee aynu ka xusnay heshiiskaa hordhaca ah wuxuu faa’ido iyo badhitaar fiican u yahay shirkadda DP World, Qodobkan ugu danbeeyaa wuxuu markhaati iyo marag ma doon u yahay danta shirkaddu inay tahay macaash raadis ee aanay ahayn maalgashi dekadeed.

Waxyaabaha  yaabka ah caqliga saliimka ahina aanu qaadan Karin ee ku jira heshiiskan  waxa ka mid ah DP World waxay qaadan doontaa 75% kharashka ka soo baxa dekeda halka Somaliland oo dhamina ay qaybsan doonto 25%  kale, hadda garoo miisaaniyada dekedu waa 130 million per year oo aanay ku jirin adeegayada kastamadu, markaynu samayno Cost and Benefit analysis waxa cadaanaysa in faa’idada ay DP World qaadanayso sanad walba ay ka badan doonto maalgashiga ay ku samayndoono sanad kasta dekeda, 10 Sanno ee hore waxay galin doontaa kharash dhan 10 Million oo dollar oo tijaabo ah faa’idada ka soo gali doontaana waxay dhan tahay 975 Million ( sagaal boqol iyo shan iyo todobaatan milyan oo doolar halka sanadkiiba waxa u soo xaroondoona Shirkadda lacag dhan 97,500,000 oo million waa qaybta shirkadda kaga soo hagaagi doonta 130 million ee dekado sanadkiiba soo saarto) marka la kala jaro 10,000,000 ee dekeda la galinaayo iyo 975,000,000 ee ay qayb ahaan faa’ido u heli doonto waxa shirkadda Net Profit u noqon doona 965,000,000 Million oo Dollar waa  10 sanadood ee ugu horeeya, bal u fiirsada inta ay is dheer yihiin kharash dekeda la galin doono iyo faa,idada ay shirkadaasi heli doonto, hadduu xaalku sidaas yahay maxaynu faa;idnay sowtan lacagteenii baananka carbeed ku dhacaysa ee sida jaahilnimada ah laynoo dhacay hantidii kaliya ee aynu lahayna hadhcad la maroorsaday, qaran jab ka wayn garan maayo ummadaa aayaheedii la iibsaday ee maalinba shilimaad lagu dul rasaysanaayo xaraash aan caqli iyo cilmi midna ku jirina lagula kacaayo hantidoodii ma guurtada ahayd.

 

Haddaba Saamaynaha qalafsan iyo dhaqaale burburka ay u horseedi karto wareejinta dekeda berbera waxa ugu muhiimsan oo aynu ka xusi karnaa:

Guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland waxay quudan jirtay oo kharashaadka ciidamada kala duwan iyo shaqaala waynahba lagu dabari jiray dakhliga ka soo xarooda dekeda taas meesha waa ka baxaysaa oo Somaliland 10 sano ee hore 25% ayey qaadanaysaa halka 75% soo hadhayna ay qaadanayaan carab aan meel u soo marin iyo DPWorld,  hadda garto markii hore 100% inagaa qaadan jirnay wixii ka soo baxa dekeda, maamulkeeda iyo maarayteedaba dubai ayaa laga hagayaa oo faraheena way ka baxaysaa waana hantidii ugu waynayd ee Reer Somaliland lahaayeen oo cid kale lagu casuumay.

Shaqaalaha waynaha ka xoogsada dekeda la dhimi doono  inta lagala soo hadhana sidii la doono laga yeeli doono oo mushaharaadkooda iyo xuquuqdoodaba lagu tagri fali doono waayo shirkadan iyo shakhsiyaadka maamuli doonaaba 100% waa faa’ido raadis ( profit seeking) ceebna maaha ee waa caadada ganacsiga iyo shariikaadka waawayn, shaqaalaha faraha baddan ee dekeda qawtal daruurigooda ka dheefsada waxa lagu badali doonaa aalada Computerka oo shaqadii ay 10 qof qaban jireenba hal qof iyo hal Computer ayaa qaban doona waxaana sii xoogaysan doonta shaqo la’aanta dadkeena curyaamisay.

gobolkii Saaxil ee kabka iyo gunaynta ka heli jiray dakhliga ka soo xarooda dekeda isna meesha waa ka baxayaa oo rag faa;ido doon ah ayaa qabsaday isla markaana aan cid u joojinayn kaliyana ku xisaabtami doona maxaa idiinka soo xarooday ishan aad cidlada ka hesheen.

Waxa muhiim ah inaan danta guud cid gaara lagu eegin ee difaacideeda meel looga soo wadda jeesto diifta iyo dayacnaantana laga wadda ilaashado, haddii kale dawladnimadenu sii jirimayso oo marka danta guud la dhameeyo dadkaa madaxa isla gali doona amaankuna faraha ayuu ka bixi doonaa.

Qalinkii: Maxamuud Axmed Xirsi

Contact: 063-4447924

Email:Mfigo04@gmail.ocm

Facebook: Mahamuud Ahmed ( Tawfiiq)

 

Exit mobile version