WAJAALE NEWS

DHACDO; “Cashuurta, Caano Ku Bixi.!!!! Qalinkii Hamse Khaire

Doorashaddii Golaha Deegaanka ee 2012 ayaanu tababar ka wada qayb-galnay in ka badan 105 dhalinyaro ah oo isu diyaarinaysay ololaha oo dhamaantood musharixiin ahaa. Kulanadii tababarka mid ka mid ah ayaa la waydiiyay musharax kasta sababta uu isku soo sharaxay. Qaar garan waayay, qaar xaraabaysanayay, qaar sababo kala duwan sheegay intaba waan dhagaystay. Nin dhalinyaro ah oo degmada Borame ka socday oo musharax ahaa, shaqadiisuna saxafi ahayd ayaa dadkii oo dhan ku qanceen sababta uu isku soo sharaxay:

Waxay ahayd subax abaara 10: 00 am, anigoo ku jira shaqo maalmeedkaygii saxafanimo ayaan la kulmay hooyo miskiin ah iyo nin ka tirsan ku cashuurta ururiya ee dawlada hoose. Wuxuu hooyada ku leeyahay keen caashuurtiii, iyaduna (intii weelkii caanaha daboolka ka qaaday) ayay leedahay waxba maan iibin hooyo. Ma hayo shilin aan cashuur ku bixiyo. Muran iyo tacadi dheer kadib wuxuu cashuur ururiyuhu hooyadii ku yidhi ” CAANO KU BIXI CASHUURTA” iyo ” Haye, hooyo macaane”.

Halkaa markay marayso ayaan is waydiiyay buu yidhi musharuxu ” Tolow caanaha, ma dawladii hoose u gaynayaa oo meel ku shubanaysa” iyo tolow ” mise maayarkuu gaynayaa oo caba”. Waaryaa, intaan talamayay ayaabuu islaantiii horteeda ” Farasle muggii oo caano ah ku laacay, cashuur ururiyihii”. Maalintaas ayaan go,aansadaday buu yidhi inaan isa soo sharaxo.

Halkaa markay maraysay ayuu musharax kale waydiiyay saxafigii ” Miyaanu juwan u jarin islaanta? “. Isna wuxuu ugu Jawaabay ” Calooshu Juwan ma leh”

 

Nasiib daro, saxafagaasi wuu dhacay waxaana soo baxay ka dambe ee suaasha juwanka keenay ( oo aan xumaynba mar hadiu juwan jarayo).

Sheekada tan, waxaan ku xasuustay saxafiyiinta iyagoo waajibaad qaran gudanaya Berbera lagu xidhay. Maalgashaga Berbera waa caanaha-naga shacabkayan masaakiinta ah, saxafiguna waa noo ilaaliyaa, hadii la naga cabayo iyo hadii la na cabinayo. Degdeg faraha ha looga qaado wariyayaashaa waabanu soo sharaxaynaaye!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

 

Exit mobile version