|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg deg ah: Iska Hor Imaad Ay Shan Qof Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Banka Qool-Caday
April 23, 2016 - Written by Editor:Hargaysa (W.N): Iska horimaad ayaa ka dhex dhacay dadka deegaanka qoolcaday ee degmada Salaxlay iyo ciidamada booliska Somaliland Iska hor imaadkan ayaa ka dhashay kadib markii wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ay maanta geeyeen deegaankaasi Riig biyood. Iska horimaadkan dadka deegaanku ay kala horyimaadeen Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhaawac ah , iyada oo ay dhaawacmeen dad tiradoodu tahay shan qof kuwaas oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee iska horimaadku dhex maray, waxaana dhaawaca loo qaaday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa halkaas oo lagu daawaynayo. Xukuumada Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday mashruuc ay ku xidhayso banka qoolcaday,waxaana mashruucan ka hadlay todobaadkii u dambeeyay qaar ka mida siyaasiyiinta ka soo jeeda deenka qoolcaday. iyo dadweynaha degan deegaankaaasi oo cabasho ka muujiyay Related posts:DAAWO;Badhasaabka Gobolka Gabiley oo Maanta Shaaciyay Guddi Soo Qiimayn Doonta Abaarta Gobolka Gabil... Wada-hadalo Somaliland Iyo Somaliya Uga Furmaya Dalka Kenya Iyo Magacyada Xubnaha Kala Matalaya Laba... Halkan Ka Akhriso Magacyada Iyo Codadka ay Kala Heleen Calooshooda U Shaqaystayaal Ka Soo Jeeda Som... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|