Maxaynu ka keysanay biyaha ROOBABKA oo Wasaarada Biyaha iyo Bulshadu inoo sheegi karaan?
Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleye).
Ilaahay mahadii, abaaro sababay biyo yaraan/la’aan deegaamada dalka qaarkood, caasimada Hargeysa-na ku jirto oo sannadahii u dambeeyey guud ahaan dalka ka jiray ayey maalmahii u dambeeyey ka baxnay oo raxmaadkii Ilaahay inoo shubay, haddaba ma noqonay bulsho ka mahadcelisay nimcada Ilaahay siiyey.
Nimcooyinka Ilaahay bixiyo oo caddadkooda aynaan soo koobi karin hadii aynu u dhaqaaqno tirintooda, sida Ilaahay Qur’aanka inoogu sheegay, “Hadaad tirisaan nicmooyinka Ilaahay ma koobi kartaan! Isla markaana, nimcada raxmaadka roobabku yihiin kuwa ugu waaweyn ayaa weelaynteedu ama negaanshaheedu shuruudaha ku xidhan hadaan lala iman noqonaysaa mid aan laga faa’iidaysan, oo la qoomamayn doono mar dambe.
Sida qof kastoo innaga mid ah ugu dedaalo inuu xafido oo ilaashado hantida aduunyadan uu haysto noocay doonto ha noqotee, si aanay uga dayacmin ayey sidoo kale muhiim tahay ama kaba horeysaa inaynu u xafidno nimcooyinka Ilaahay inna siiyo, si aynaan mar dambe uga qoomamoon.
Iyadoo nimcooyinka Ilaahay qofka siiyo ugu mudan tahay nimcada Diinta ama Islaamnimada ayaa xafidaadeeda koowaad tahay inaad ku mahadnaqdid, isla markaana gudatid waajibkii ku saarnaa ee adoonimada Ilaahay iyo adeecitaankiisa oo ugu horeyso waajibaadka salaada.
Nimcada raxmaadka roobabka Ilaahay markuu inoo shubo si aynu u weelayno ama u xafidano ayaa loo baahan yahay inaynu shuduudahii ku xidhnaa la nimaado, uguna horeyso inaynu Ilaahay ugu mahadnaqno siinteeda, taasoo furre u ah inay inoo sii socoto, laakiin, haddaynu ka baaqsano ama dadka qaarkood u arkaan di’itaanka raxmaadka roobabka culays iyo caqabad, ogaada Ilaahii inna siiyey wuu awoodaa inoo dib ula laabto (ilaahay baynu ka magangelaynaaye).
Sidoo kale, weelaynta ama xafidaada nimacada roobabka ayey ugu muhiimsan tahay ka faa’iidaysigeeda, oo hadii la waayo innaga dhigaysa ummad aan u baahnayn, isla markaana dayacda, oo faa’iido ay ka helo iska daaye, inna gayeysiin karta dembi innaga raaca, ilayn Ilaahay waxuu inoo sheegay inay cuno oo cabno nimcooyinka uu inna siiyo, laakiin iska ilaalino dayacaadeeda (israaf).
Haddaba, mudadii raxmaadka roobabku ka bilaabmeen caasimada Hargeysa, waxa ka da’ay roobab wanaagsan oo biyahoodu sannado lagu noolaan lahaa, haddanu weelaysano, haddaba, akhriste aynu is-weydiinee ma ka faa’iidaysatay raxmaadka roobabka ilaa maanta, qiyaas intee le’eg ayaad ka keydsatay, oo ka faa’iiday ajar iyo dhaqaale ilayn biyahu waa hanti qaali ahe?
Qiyaasta shacabka ku nool magaalada Hargeysa haddaynu ku malo-awaalo ilaa hal milyan oo qoys, isla markaana qoys walba uu keydsado maalintii laba foosto biyo ah, miyeynaan noqonayn ummad hesha dakhli gaadhaya laba milyan ($2million), haddaynu ku qiimayno hal dollar qiimaha foostada biyaha?
Waxa ku waajib ah maxada xukuumada, gaar ahaan masuuliyiinta wasaarada Biyaha oo u xilsaaran hawshan iyo guud ahaan qeybaha bulshada inay gutaan waajibaadka ka saaran weelaynta nimcada Ilaahay inna siiyey ee roobabka, taasoo hadii aynu la nimaadno ku heli karno ajar xaga Alle ah iyo intifaac dalkeena iyo dadkeenu u waara, ilayn foostada biyaha roobabka aynu ka keydsano waa dhaqaale u soo kordhay dadka iyo dalkee. Ilaahay ha innaga dhigo ummadii dantooda garta, Aamiin.