WAJAALE NEWS

Malafahmay in Uu Ka Dabmeeyo Axmed Siiranyo Iyo Xukuumadiisu, Sobobta keentay Tahriibka Dhalilinyarada Markaad Eegto Hab Dhaqankiisa Maamul?

marka hore  waa tahriibka  oo la hadal hayo manta

(1)     Hadii agaaseme waa xeed lamagacaabayo waxa la odhanayaa  matahay qurbo jog ama mahaysataa basaaboor ajanabi

(2)     Hadii  shaqo labixinaayo  waxa lawaydiinayaa  inankii kabaxay jaamacadaha dalka mahaysataa shahaado dibadeed

(3)     Marka  xaflada  iyo shirarka laqabanyo  waxa lagu gaar yeelaa qurba joogta  oo uu buunbuuniyaa Axmed siiraanyo

(4)     Waxa xafiiyo loo furaa qorba joogta  oo magic kuleh xukuumada Axmed siiraanyo

(5)     Waxa lasiiyaa dhulka danta guud ah  badi qurbajoogta  oo lagu maamuuso

(6)     Waxa ay xukuumada siiraanyo waftiyo ugu tagaan qurbajoogta

Hadaba  madaxda manta  wax lamoodayaa waa  kuwan  aad moodo meesha ay daganyihiiN  in ay qoxooti kujoogan  ee Malaga yaaba in ay somaliland wax uqabtaan taasi waa maya.

Dagmadda ibraahim kood buur waxa  dagan madaxda xisbiga kulmiye sida muuse biixi cabdi  iyo qaarkaloo  badan waxakaloo daganaa  madaxwaynaha Axmed siiranyo sidoo kale waxa dagan hada madaxwayne kuxigeenka c/raxman saylici  sidoo kale waxa dagan gudoomiyaha guurtida sidoo kale waxa dagan  gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada  sidoo kale wa dagan gudoomiyaha maxkamada sare  sido kale waxa dagan maayirka caasimadda  c/raxman sotelko  sidoo kale waxa dagan maareeyaha wakaalada biyaha

Hada waxa fiicnaan lahayd in uu ka muuqdo  dareenka waxqabadka dawladu  haka ay kasoo toosayan haday wado tahay iyo haday biyo tahay iyo  haday cadaalad tahay  iyo hada arimo bulsho tahay oo ah nin feedhay shaqatag

 Nasiib daro waxanay kaga jirtaa kalinta ugu saraysa cashuur bixita sideeda dagmo sidoo kale waxay ahayd goobihihii codka ugu badan siiyay xisbiga kulmiye xiligii doorashadii madaxwaynaha axme siiraanyo

Nasiib daro waxay kaga jiraa sideeda dagmo dhanka adeega Bulshada iyo adeega danta guud siiroo waxba la aan  ay cidladu dhaanto

1  Tusaale: malaha sariimado oo waxay kujirtaa sedex sariimadood oo  kira ah oo ay sheer ku leeyihiin golaha degaanku

2 Malaha garoomo ciyaalku ku ciyaaran oo waxay tagan garoomo kira ah inta haysata inta kalana waxay noqdeen gaangis isku dhexlaaya xaafada dhexdooda

3 Malaha goobo caafimad marka laga reebo afarta qol ee loogu tala galay dhalinta ama xarunta agoomaha oo iyaba iska dayacan oon waxba katarikarin baahida caafimaad ee waaxda koodbuur

4 Malaha rugo booliis oo suga Amanka xaafadda Sida xaaji faarax+guul allah +gantaala+buurta kala jeexan marka laga reebo saldhiga ibraahim koodbuur oo ah  ka ugu tacadiga badan  ee kajira somaliland  ood ku arkayso todobatan qof oo kuxidhan  iyaga oo ah mudo dhaaf ah  oon  lakeenin keeskii lagu soo eedeeyay  oon ayna soo gaadhin dadaalka Aadan xaaji cali wali

5 sidoo kale malaha xaafadahani basas gaadha oo dad u raaco magaalada

6 Malaha wadooyin ay usamaysay xukuumadan kulmiye waaxda koodbuur marka laga reebo afarta kiilomitir oo ay dadku bixiyeen boqolkiiba shan iyo todobaatan oo kala ah laba kiiloo mitir ee istanka basaska ilaa buurta Gaandi

Iyo labadan kiiloo mitir ee dalcada jigjiga yar ee boodhka san shayn ilaa albaabka xafiiska xarunta xisbiga kulmiye waxase layaab leh in labadii boqol ee mitir ee udhaxaysay xarunta kulmiye iyo laamida oo loogu talagalay in uu sameeyo xisbul xaakimka iyo xukuumadiisu ay sidii tahay hadana ay ku faanaan waxbaanu qabanay hadh iyo habeenba

7 Sidoo kale wadada boqol iyo kontonka oo uu hore ubaneeyay mayir jiciir magaalada inteeda kale oo uu ka soo gaadhay kaliya xaafada koodbuur oo uu gacanta ku hayay xil kadagistii wali waa sidii waana halkuu maro mayirku haben iyo maalinba oo aqalkiisu kuyaalo

8 Sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xidha dalka min laascaanood ilaa boorama waa lasoo dayactiraa waxa laga hadhaa oon wax laga qaban inta udhaxaysa kaalinta indha birta ilaa buurta kala jeexan oo ah inta ku beegan Dagmada koodbuur

9 Sidoo kale malaha wax dugsi hoose dhexe  ah  marka laga reebo 17may iyo ganad oo iska dayacan oon kahelin haba yaraatee wax kaalma ah iyo ka warhayn xukuumadan kulmiye oo aadna uga fog xaafaddaha xaaji faarax iyo buurta kala jeexan iyo guul allah iyo gantaalaha

10 sidoo kale malaha wax dugsi sare ah marka laga reebo gandi oo aad uliita  markaad eegto maamulka iyo macalimiinta

11 Sidoo kale xafiiska dawlada hoose ee waaxda kood buur waxaad moodaa meel gudaafad ah oo waa ka ugu foolxun xafiisyada sideeda waaxood ee hargaysa

12 Sidookale dhanka nadaafadda waxay kaga jirtaa sideeda dagmo ta uliidata maxaa yeelay majiran wax gaadiid ah oo xashiishka gura marka laga reebo shirkad barayfad ah oo lacag ka qaadda dadka oon kufilayn baahida faya dharka dagmada ood arkayso in uu buuxo xashiish meelkasta oo marto

13 Sidookale waxa jira xaafado badan oo kamid ah koodbuur sida xaaji faarax xafada irshad ilaa ina jambiir iyo mansoor oo biyaha wakaaladda cabijiray sideedii sano ee ay dalka xukumaysay xukuumaddii daahir riyaale oon helin litir biyaha shan sano iyo badh ee uu kulmiye dalka xukumayay

14 waxase kasii daran maareeyaha wakaalada biyaha oo kula heshiiyay booyadaha biyaha dhaamiya in ay kasiiyaan foostada biyaha ah  laba iyo toban kun oo shilin dagmada kood buur oo uu daganyahay laftiisu halka uu yidhi halaga siiyo dagmooyika kalana sagaal kun oo shilin

Hamoy bae maxaa gaadhay koodbuur  oo ah  kuwii lahaa haduu soo kabado iyo kun hadaanu hayn  hana wada gudee kulmiyaanu nahay

Manta  waxba uma yaalan  gabilay+kood buur+Farawayne+alaybaday haday Caqlileeyihiin  ee haka tashadaan aayahooda  oo hala is barto kulmiye oonku khasaarnay.

 

Qalinkii; Mujaahid C/laahi Xusen (daqare)Tell 4425012

 

Exit mobile version